Haatuf-Hubaal? W/Q. Cali Xaraaro

Xarunta wargeyska Haatuf ayaa Laba sanadood u xayiran qoyska degen qasriga m/tooyada JSL, Hadii lagu eedeynayo dembi Wargeyska Haatuf waxay ahayd in La dacweeyo tafatiraha iyo Gudoomiyaha wargeyska,waxase Albaabada loo laabay xaruntii Wargeyska Haatuf,

Sidan oo kale waxa hore loogu Sameeyey wargeyska Hubaal oo Mudo sanad iyo dheeraad ah u Xayirnaa qoyska m/tooyada JSL.
Madaxda wargeyska Hubaal waxay Is hor taageen cid kaste oo ay ku Tuhmeen iney ka heli karaan cida ay u xayirantahay xarunta wargeyska Hubaal, Haday tahay maxkamadda sare ama Maxkamad hoose, haduu yahay Taliyaha ciidanka booliiska, iyo Haduu yahay wasiirka arimaha Gudaha, hase yeeshee cidii ay la Kulmeen oo dhami jawaab isku Mida ayey ugu jawaabeen.

IMG_1ED983-FABCF7-8B2D33-8714AD-B7A195-55C068

Taas oo ah, waa arin naga saraysa Waxna kama qaban karno, Sanad iyo badh markay xayiraadi Dhaaftay madaxda Hubaal waxay La kulmeen nin aan xil ku Magacawnayn laakiin aad looga tixgeliyo qasriga m/tooyada, ka Dibna wuxuu u geeyey wasiir Awood badan halkaas ayaa looga Sheegey madaxda Hubaal cida Haysata oo ah marwo Aamina-Weris iyo wiilka ay sodohda u Tahay Baashe Cawil, waxaana loo Raaciyey sida qudha ee lagu sii Deyn karaa iney tahay marka loo Geeyo Aamina Weris iyo Baashe Cawil iney iska oohiyaan oo jilbaha Qabsadaan isla markaana ka Dalbadaan saamaxaad, Sidaas ayaanay sameeyeen Madaxdii Hubaal oo lagaga qaaday Xayiraadii, weliba waxa la faray iney La shaqeeyaan qasriga m/tooyada Xukuumada iyo xisbiga kulmiye, Kana difaacaan xisbiyada mucaaridka ah iyo Cidii dhaliisha, Sidaa ayaanu wargeyska Hubaal Ku shaqeeyaa isla markaana Weeraro joogto ah uugu hayaa Xisbiyada mucaaridka ah Iyo cidii Kale ee taabata nabarada ay ka Damqadaan.

Hadaba akhriste Madaxda Haatuf ma ogolaan Karaan bahdilaada iyo sidaa laga Arkay madaxda Hubaal hadii loola Yimaado?

Photo File.
Mujaahid Cali Xaraaro

Qore: Muj. Cali Xaraare

Hargeysa, Somaliland