Mahaad-naaq ku Socda Wasiir Samsam Cabdi Aadan

 

IMG_6AB328-94A8DC-35C403-169978-247276-E61651

“Aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo ka madaxda ururka AL-HUDA gaar ahaan Sh. Cabdalla Sh. Abiib iyo dhaman ururka  ayanu u mahad celineyna Marwo Sam Sam Cabdi Aadan sidii sharafta iyo wadnimadu ku dheeh-nayd ee ay inugu qaabishay hawlaha samafal ah oo alaab iyo qalaab lagu caawinayo shacabka reer Somaliland gaar ahaan gobolka Togdheer.

12910422_1551740771792770_243203674_n (1)

Waxana uu mahaad celin kale uu direyaa dhamaan inti hawsha nagala qayb qadatey oo aanan soo koobi kaarin halkan, waxnu leenahey ilahey ha idinka ajar siiyo garahan Zam Zam Cabdi Aadan oo ku sifowdey waxtarka dadka tabaaleysan kunna sunta bal dahab ah. Waxqabadka ballaadhan ee wasiir Samsam Cabdi Aadan ku tallaabsatey Muddadii ay ahayd Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare iyo Wasiirka Maaliyada intii ay ahaydba, Wasiir Samsam Cabdi Aadan waxa ay ku suntan tahay Taakuleynta danyarta,  U gargaarida dadka tabbaaleysan iyo gurmadka abaaraha dalka ka jira.

Ugu danbeyn Taariikhda ayaa xusi doonta kaalinta wasiir Samsam Cabdi Aadan ay ku leedahay dadka, dawlada iyo dalka Jamhuuriyada Somalilandba, Illaaheyna (swt) xilka umadda uu hayso wu ku astuuri.”