Boqorka & Go’aanka Dahabka lagu joojiyay! W/Q. Maxamed Xoosh

Boqor boqorada ka mid ah ayaa go,aan soo saaray uu ku joojinayo in dumarku xidhaan dahabka iyo wixii la mid ah ee dumarku isku quriyaan oo dhan. Waxa ka dhashay go,aankaa buuq iyo qaylo iyo diidmo iyo weliba dumarkii oo aad u xidhay dahabkii iyo wixii la isku qurxinaayay.

Boqorkii ayaa wareeray oo yaabay wuxuu sameeyona ayuu garan waayay, wuxuu iskugu yeedhay la taliyaashiisii. Mid ka mid ah la taliyayaashiisa ayaa ku taliyay inuu ka noqdo go,aankaa  waayo kuma jirto  danta guud, mid kale ayaa yidhi hadaynu ka noqono waxay tilmaam u noqonaysaa jilayca dawlada markaa waa inaynu muujinaa awoodeena, La taliyaashii laba ayay u kala qaybsameen qolo taageersan iyo qolo ka soo horjeeda mucaarid ku ah go,aanka boqorka, boqorki ayaa doodii joojiyay. Wuxu yidhi boqorkii iigu yeedha ninkii  magaalada ugu xigmada badanaa,markii  uu yimid ninkii ayaa loo sheegay mushkiladan soo food saartay boqorka, Wuxu yidhi ninkii xikmada badanaa boqoryahow dadku ku ogolaan maayaan hadaad ku fakartid waxaad adigu doonaysid oo aanad hoos u eegin waxay iyagu doonayaan  

Boqorkii ayaa yidhi maxaan yeelaa ? maan ka noqdaa go,aanka:

Maya ayuu yidhi balse soo saar go,aan leh waxaan mamnuucnay inay dumarku gashadaan dahabka iyo wixi ila mid ah waayo dumarka quruxda badani uma baahna inay is qurxiyaan …..sidoo kale soo saar g,aan  aad kaga reebayso dumarka fooshaxun, oo aad leedahay si ay foolxumadooda ugu kabaan iyaga waa loo ogol yahay dahabka iyo wixii la mid ah (ilaahay ayaa qurux iyo foolxumo hayee waa sheeko aan cidna u jeedin).

Go,aankii ayuu boqorku ku dhawaaqay … marka laga joogo saacado ayaa la waayay dumar dahabka xidha oo gabadh waliba isku aragtay inay quruxbadan tahay oo aanay u baahnayn dahab.

Ninkii xikmada badanaa ayaa ku yidhi boqorkii imika ayay ku ogolaanayaan dadku Markaad dadka caqligooda ku fakartid oo ogaatid waxay danaynayaan oo  dareenkooda dhex qaadid kolay luqada lagula hadlaaayo shacabku waa inay noqotaa luqad ay fahmayaan Waxa haboon in go,aanka dawladu ay qaadanayso iyo rabitaanka dadku iska qaataan si himilooyinkeena loo xaqiijiyo.

Maxamed Xoosh

Doha, Qatar   

Ujeeddada iyo Dulucda Qoraalkani kama turjumayso Aragtida Bahda Warbaahinta Aftahannews, hase-yeeshee, xurmo, xishmayn iyo saamayn kasta oo taban ama togan oo uu leeyahay waxay gaar u tahay oo ka masuul ah qoraaga Maqaalkan ee magiciisu ku qoran yahay dhammaadka qormada. Balse keliya Masuuliyadda Aftahan waa in ay gubbiso aragtida macquulka ah ee qoraaga si aynu u dhiirrigelinno doodaha, fikradaha iyo aragtiyaha kala duwan ee ay qaybaha Bulshada iyo Qalin-maalku is-weydaarsanayaan, kuana cabbirayaan hadba marxaladda taagan iyo waxay dareemayaan, sida ay dammaanad qaadayaan Dastuurka dalka iyo Xeerarka caalamiga ah ee xorriyadda cabbirka fikirka.