“Waxaan Leeyahay Ganacsade Maxamed Aw Sicid ka daa Fidmadaad ka dhex waddo Beesha & Ololaha Siyaasadeed ee labada Musharrax..” W/Q. Naima Cabdi Jamaac Xayd

Anigo ku bilaabaya magac ilahey bismilahi ramaaxni raxiin, waxa ugu horeyn salaameyaa dhamaan umada musliminta ee reer Somaliland meel walba ku kala nool, salaam ka dib waxa aan maqaalkaygan manta aan ka hadlaya anoo ka wakiil ah qurbo joogta ku nool dalka Swedan ee ila qaba caqliga saliimka islamarkana ila fikir ka ah aanu ka xunahay kala fogeynta beesha uu ka dhex wado ganacasade Maxamed aw Sicid lolaanka siyaasadeed ay ku hirdamayaan labada nin ee isku haybta ah kuna loolamayan jagadda madaxtinimo ee xisbiga Kulmiye isu soo dhowayn lahaa.

Ganacsade Maxamed aw Siciid waxa u ka mid yahay ganacsatada ugu wa weyne ee Somaliland iyo geeska Afrika, waxana ku habonayd madamaa uu isagu ganacsade yahay inu dantiisa uu eegto islamarkana uu ka war sugo labada nin ka uu soo baxa jagada madaxweynimo ee xisbiga Kulmiye. Lakinse, beesha waxaanu leenahey ganaacsade mad sameyn lagu yaqaaney ee Waxaad noqotey ganacsade dadka oo dhan uu simaan yihiin ama ganacsade dhinac ah, inaad inu kala sheegtid.

Waxana akhirkii aany kula talin lahaa in aad noqoto ganacsade dhex u ah labad nin oo u kala baxa waa hadii aad tahey labada murashaax ganacsade-hoodi, hadii kale shir jaraid qabo oo cadee inaad tahey ganaacsade dhinac raacay oo anad Wasirka Arrimaha Dibada Somaliland ee Mahamed Biixi yonis ganacsadihisii aheyn, ileen wadiga cadeystey. Waxan aan kula taalin lahaa Ganacsade Maxamed aw Sicid iyo inta la caaqliga ah inay ka wantooban samaynta loolanka siyaasadeed ee ka murashaxiinta isku haybta ah aanay beesha dhexdeeda colaad iyo khilaafyo ka abuurin.

Wabilaahi Towfiiq

W/Q. Marwo Nacima Cabdi Jamac

Örebro, Swedan.

Ujeeddada iyo Dulucda Qoraalkani kama turjumayso Aragtida Bahda Warbaahinta Aftahannews, hase-yeeshee, xurmo, xishmayn iyo saamayn kasta oo taban ama togan oo uu leeyahay waxay gaar u tahay oo ka masuul ah qoraaga Maqaalkan ee magiciisu ku qoran yahay dhammaadka qormada. Balse keliya Masuuliyadda Aftahan waa in ay gubbiso aragtida macquulka ah ee qoraaga si aynu u dhiirrigelinno doodaha, fikradaha iyo aragtiyaha kala duwan ee ay qaybaha Bulshada iyo Qalin-maalku is-weydaarsanayaan, kuana cabbirayaan hadba marxaladda taagan iyo waxay dareemayaan, sida ay dammaanad qaadayaan Dastuurka dalka iyo Xeerarka caalamiga ah ee xorriyadda cabbirka fikirka.