“Maayer Soltelco Wuxu Ka Dhabeeyay, ‘Hargeysoo Siraadan Waan Sugayey”’ Maxamed Wadaad-yare

Dalka waxaa ka qabsoomay doorashooyinkii golayaasha deegaankaoo ahayd doorashadii ugu cuslayd ee dalka ka qabsoonta, waxaanaka qayb galay xisbiyo iyo ururo siyaasadeed. Waxa loo Huray waqti badan waxaana la galiyey tamar aad u badan, iyada oo Laf-dhabarta doorashooyinku ay ku socdeena ay ahayd nabadgelyada Iyo dhaqaalaha oo aanay la’aantii waxba qabsoomeen.

Natiijadii Doorashooyinka ama shaqsiyaadkii ku soo baxay doorashooyinka ayaa bulshadu  siyaabo kala duwan uga aragti bixiyeen, waanawax iska caadi ah in bulshadu ku kala aragti duwanaato, Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tidhaahda (gaalka dil gartiisana sii). Runtii maahmaahdaasi,luuqad ahaan way adagtahay laakiin ujeedada ayuunbaynu ka raacaynaaye.

Waxaan rabaa bal in aan iftiimiyo muxuu qabtay Maayarka caasimada Hargeysi?Muddadii Sanadka ahayd ee uu xilka hayey ma yahay nin xilkiisii si fiican u gutay,mise wuxuu noqday nin baal maray?Su’aalahaas waxaynu si sax ah uga jawaabi karnaa marka aynu ku qiimayno xilka loo doortay ee ah Maayarka CaasimaddaSomaliland ee Hargeysa, inagoo dhinac iska dhigayna danaha shakhsiga ah ee baloog iyo baloodh, iyo wixii la hal maala ayaan ka waayay.

Sida aynu wada ogsoonahay dawlada hoose ee Hargeysi waxay u xilsaarantahayadeegyo fara badan oo ah, lafdhabarta bulshada sida dhismaha wadooyinka iyoBiriishyada, faya dhawrka guud ee bulshada, sida biyo mareenada ,goobaha xoolaha lagu soo qalo(kawaanada), Sariibadaha oo ah goobo u baahan nadaafad joogta ah, bilicda caasimada nashqadaynta Iyo qaabaynta magaalada iyo wixii kale ee la jira.

Haddaba mudadii koobnayd ee maayerku xilka hayey waxa la sameeyay Jid casri ah oo noqonayaAsphalt road international standard oo ka soo bilaabanta bariga magaalada Hargeysa (Halaya eeriya)  dagmada M/haaruun ilaa  Jigjigayer  Ib/koodbuur, jidkaas oo ah jidka wadnaha ama badhtamaha Hargeysa kaas oo dhererkiisu yahay  17km oo noqonaya jid raasamaala ,oo aan ahayn (yeel oo igu noqo) waxa kaloo jid laami ah la dhigay 18km iyo badh oo loo qaybiyey degmooyinka caasimada.  Sidoo kale ,waxa dayac tir lagu sameeyey 19km oo ah degmooyinka Hargeysa waxa kale oo aan ladafirikarin , dhisamaha  11 Biriish  oo iskugu jira kuwo waaweyn iyo kuwo yaryer, biriish yaradaa oo qaarka kamida  ay dhamaadeeniyo qaar wali gacanta lagu hayo, iyada oo ay barbar soodaan dib udhiska xafiisyada  xarunta dawlada hoose, iyo xafiisyada degmooyinka iyo qalabayntooda.Waxa la hirgaliyey barnaamijka  Mar Mar dhigista  caasimadda, iyada oo marka laga reebo kharashka ku baxaya, ay dawlada hoose lahayd masuuliyada  qaabka loo dhigayo  iyo tayada MarMarku sida uu yahay.

Waxa xusid mudan  oo dawlada hoose ee Hargeysa kusoo kordhay gaadiid tiradoodu dhanyahay 19 oo iskugu jira, Dab-damisyo,Gaadiidka iska Rogooyinka,oo noocoodu yahay Cinotruck (24 ton),Ambalaasyo,Sheewalo,Rugley, GraderMachine, iyo iska Rogooyin yaryar.

Waxa habeenkii indhahaagu qabanayaan markaad marayso dhakhtarka weyn hortiisa  qashaafado cad cad  oo ku shaqaynaya solar system ooqayb weynka qaatay  Bilicdii iyo Nabadgalyeda magaalada  taas oo la ii sheegayinay  yihiin tijaabo,balse lagaadhsiin doono qaybaha kale caasimadda .Waxaaban xasuustay  heestii Hodan Cabdiraxamaan ee ahayd (Hargeysa oo siraadan waan sugayee).

Waxyaabaha kale ee aad ku farxayso markaadaragto waxa kamida 7 Gaadhi oo ah Dab Damisyo   oo dhex yaala xayn daabka  dawlada hoose iyo shaqaale gaadhaya  30 qof oo iskugujira dirawaladii  iyo shaqaale loo taba baray sida loo xakameeyo dabka.Waxa  kale oo jira  waxyaabo kale oo aan qoristooda  ka hawl yaraystayhadaba markaan is barbar dhigno hal sano iyo wax qabadkaa aan hore u xusnay .waxay jawaabtu noqonaysaa nin ka soo baxay xilkii loodhiibay iyo waliba dheeraad. Taasna waxaa markhaati noqonaya markaad booqato xarunta dawladda hoose ee Hargeysa oo barxadii dadku buuxi jireen aad hadda markaad tagto aroorta hore intaan shaqada loo kala bixin, aad ka waayayso meel aad istaagto, maadaama ay xaydaabka buuxiyeen gaadiidka cagafta, iska-rogada, gaadiidka dab-damiska ah iyo Ambalaasyadu buuxiyeen, kuwaas oo muddadaa sannadka ah intii Maayar Soltelco xilka hayay uu u suurto-geliyay inay dawladda hoose iibsato.

Dhinaca fikirka iyo aragtida dadku way ku kala duwanaan karaan,laakiin qofka wax qabad muuqda arkayaahadana  kala masuugaya hambalyada iyo dhiirigalinta  waxaan usoo qaadanayaa  gabaygii uu tiriyey gabayaagii weynaa ee Salaam Carrabay tuduc ka mida oo ahaa:-

Waxba yaanu xeerkay I marin 

Xoolona ii siine

Xaasha’e  nin libin kaa xistiyey 

Xumihii waa yaabe.”

Qalinka: Maxamed Wadaad-yare

Muwaadin reer Hargeysa ah

Tel: 0634174517.

Hargeysa/Somaliland.

Ujeeddada iyo Dulucda Qoraalkani kama turjumayso Aragtida Bahda Warbaahinta Aftahannews, hase-yeeshee, xurmo, xishmayn iyo saamayn kasta oo taban ama togan oo uu leeyahay waxay gaar u tahay oo ka masuul ah qoraaga Maqaalkan ee magiciisu ku qoran yahay dhammaadka iyo bilawga qormada. Balse keliya Masuuliyadda Aftahan waa in ay gubbiso aragtida macquulka ah ee qoraaga si aynu u dhiirrigelinno doodaha, fikradaha iyo aragtiyaha kala duwan ee ay qaybaha Bulshada iyo Qalin-maalku is-weydaarsanayaan, kuana cabbirayaan hadba marxaladda taagan iyo waxay dareemayaan.