Ma ila socotaa? Sheeko Xiiso badan by: Boqor Faysal Cismaan

Akhristeyaal waa  sheeko kale oo ka mid ah Taxanaheenii sheeko xigmaddeeda la baxday Ma ila socotaa oo qaybtii 7aad inoo maraysay. Qaybtan maantuna waxay ku bilaabmaysaa sidan:-

faysal

“Beribaa Waxa jiray Nin xaabboole ah oo Dameer Xaabada ku guri  jiray, kana iibin dadka magaalada degen. Waxa uu ahaa Nin aad u shaqo badan oo had iyo jeeraale ay  dadku ku xisaabtami jireen xaabadiisa.

Marka uu Xaabadda Guryo  waxa uu ku heesi jiray “ tallow dadku maxay sidaydaasoo kale ugu xoogsan waayeen,  ee ay dhididkooda u maali waayeen, isla markaana dameer intay iibsadaan xaabada ugu soo guran waayeen?”.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Ninkii isagoo xaabadiisii iska guranaya , waxa  Kayntii uu xaabada ku gurayay ka ciyay  Cirsan ka yeedhka Shimbirka la yidhaahdo, waxaanu u sheegay in Gabadh uu dhalay  Boqorka dalka u taliyaa, xanuunsanayso,gabaadhana  daawaddeedu ay ku jirto laba Geed oo kaynta cidhifyadeeda yaalla, Ninka labadaa geed u geeyana uu boqorku gabadhaa siinayo.

Ninkii xaboolaha ahaa Labadii Geed ayuu soo gooyay, waxaannu u qaaday  Gurigii boqorka si uu ugu geeyo.

Gurigii Boqorka markuu tegay waxa uu askartii guriga ilaalinaysay u sheegay inuu Daawo  u sido gabadha Boqorku dhalay ee xanuunsanaysa, kaddibna Boqorkii ayaa loo geeyay oo uu u dhiibay Daawo dhireedii uu siday oo uu boqorka u sharaxay sida loo siinayo.

Waxaanu u sheegay in Gabadhaasi buskanayso hadii labadan geed inta laysugu shiilo Jidhka loo mariyo.dabaddeed  Boqorkii markuu daawadii ka guddoomay wuxuu ka codsaday inay muddo bil ah ka maqnaado oo ay gabadhu daawada isticmaasho, si loogu baxnaniyo, hadii ay ku ladnaatana uu u yeedhi doono si uu abaal marin u siiyo.

Ninkii xaaboolaha ahaana wuu aqbalay.

Bishii markii ay dhamaatay ayaa Boqorkii u yeedhay Ninkii oo xaabadiisii iska guraya , waxaanu yimi iyadoo gabadhii buskatay.

boqorkii  ayaa sidii balanku ahaa Gabadhii  siiyay, waxaanu dejiyay  qasrigii Boqortooyada qayb ka mid ah , iyadoo halkaa loogu dhisay Gabadhii.

Dameerkii uu xaabada ku guran jirayna waxa uu qol uga dhisay Qasrigii Boqortooyada meel xagga dambe ku taalla, oo loo sameeyay  Salaan dibada looga baxo, waxaana maqsinkii lagu xareeyay Dameerkii iyo heeryadii xaabada, iyo Dharkii uu xidhnaa markii uu qasriga soo galay.

waxaanu boqorkii askartii amar ku siiyay inaan qolkaa cid guriga joogta loo furin, Nin Arts ah oo guriga joogayna wuxuu ku amray inuu qolka ku sawiro dameerkii oo raran iyo sawiro kale oo la mid ah.

Ninkii Isaga waxa loo xidhay Lebis cusub, waxaana loo dhisay Gabadhii uu Daawaddeeda keenay

Muddo markii ay isaga iyo xaaskiisii halkii ku noolaayeen, ee ay qasrigii meel kasta galeen, ayay habeenkii dambe isweydiiyeen, sababta loogu diidanyahay inay galaan Maqsinkii Dameerka lagu xareeyay, waxaanay go’aansadeen inay boqorka waydiistaan in Qolkaa loo furo.

Aroortii ayay Boqorkii ku yidhaahdeen Abbo waxaannu doonaynaa inaanu maanta galno qolkaa xagga dambe ku yaalla ee xidhan, boqorkii wuxuu u sheegay inaan loo ogolayn qolkaas, kaddibna way ku adkeeyeen in loo furo.

Boqorkii markii ay labadoodiiba ku adkaysteen arrintaa, waxa uu ku war geliyay in maalinba midkood  loo furi doono oo aan labadoodda oo wada socda loo ogolayn inay qolka wada galaan, iyana way aqbaleen.

Ninkii ayaa maalintii ugu horaysay loo ogolaaday, waxaanay israaceen Boqorkii oo dhex geeyay Maqsinkii oo uu ku xidhanyahay dameerkiisii, dharkiisiina sidii u yaallo.

Boqorkii ayaa waydiiyay ninkii xaaboolaha inuu alaabtan qolka taala garanayo? Ku ye xaaboolihii waan garanayaa. Hadana wuxuu waydiiyay boqorkii , Dameerkana ma garanaysaa?. Xaaboolihii ayaa yidhi “haa oo waa kii aan xaabadda ku qaadi jiray”.

Boqorkii ayaa hadana ku uidhi yidhi “ bixi dharkan oo xidho kuwaan, kaddibna kaxayso dameerkaaga oo  salaankaa dambe intaad ka baxdo dib hagu soo noqon guriga!”.

Askartiisiina wuxuu ku amray inaanay ninkaa guriga dib ugu soo deynin.

Ninkii xaaboolaha ahaa wuxuu gurigii ka baxay isagoo  dharkii uu guriga la soo galay xidhan , dameerkiisiina wata!!.

Ma ila socotaan?

Qore: Boqor Faysal Cismaan Xasan

Hargeysa/ Somaliland

Email:kingfaysal111@hotmail.com

Tel: 0634426644.

Hargeysa/Somaliland.