“Maxaynu Askar u noqon wayney?” Qalinka Mustafe Axmed Cabdillaahi

Aaraar: Waxa mawduucan isoo galiyey  markaan arkey inuu yahay  xaqiiqo jirta oo aan indhaha laga qarsan kareyn , oo hadii aan la daba qabateyn noqon kara aafo qaran . waxanan cadeynayaa inaanan ahayn Saxafi  ee aan ahay  dadka sida dhow ula socda Saxaafadda iyo maraaxilkeeda , waxana igu kaliftey ka hadalkeeda. Maadaama aqoonta aan bartey iyo saxaafada  xidhiidh dhowi ka dhexeeyo . waana sharciga.

mustafe

Hordhac/guudmar:

Doodan oo aan u arko dood qiimo ugu fadhida bulshada maadaama la miirdilaacinayo meel bulshadu u maaro la ayd oo ah xirfad kamid ah xirfadaha dunida  loogu jecelyahay .lagana helo magaca balse  aan hamiga loo galaa  ahayn in manfac laga helo.  marka koowaad waxaan qabaa hadii la fahmo shaqada  saxafiga in aanay sidan maanta ahaateen ,iskaa daa fahmida shaqada saxafinimada ee hadii la dhadhamiyo suaasha ah waa maxay  saxaafadi waxaan aaminsanahay in  si miyir qabta  laisu qanci lahaa

Saxafi waxaan u aqaana qalin maal  ama nin wax qora  wax baadha  una gudbiya bulshada xaqiiqada jirto oo ay ka reebantahay caadifad , rayigiisa oo uu ku daro information qofku bixiyey , nin jecleysi , nin necbeysi , taageerid xisbi, taageerid qabiil,lacag qaadasho , iwm

Saxafiga dhabta ahi waa ka ilaaliya sharaftii karaamadiisa akhlaaqdiisa kuna  darsada intaa aqoon ,

Waa ka ilaaliya sharafta iyo karaamada mihnada uu ka shaqeynayo waayo mihnada laftarkeedaa xaq ku leh  qofka adeegsanaya .

Hadaba  hadii aynu intaas isla fahaney maxaa inaga khaldan?

UBUCDA DOODAN

Iguma cusba sheekooyinka  lagu soo bandhigey doodan lamana yaabin waayo waa wax aan filayey

Qaar kuwaas  oo kale ahna wey isoo mareen. Maalin maalmaha ka mid ah anoo fadhiya maqaaxi ku taala  agagaarka sooyaal waxa ii yimi wiil dhalinyaro ah oo mudo  afar sano ah ugu yaraan isugu kaaya danbeysey waliba wiilkaas waa wiil da ayar  oo markii iigu danbeysey waxa uu ku jirey dugsiga  hoose dhexe , shaah ka dib  sheeko ayaa na dhexmartey  waxa uu ii sheegey in uu dugsigii kaga tagey fasalka todobaad wax shaqa ahna anuu hayn  balse uu doonayo inuu ku biro saxaafada  ayna ka dhimantahay kali ah kamaradii iyo rikoodhkii oo uu waliba iga codsadey inaan la raadiyo suu agabkaas u helilahaa si uu  dhakhso ugu shaqo tago, wuxuuna iga codsadey hebel iyo hebel oo aanu isla garaneyneyna aan ula tago oo aanu  u bandhigno  iney u iibiyaan  agabkaas  hadii kalena ay shaqo siiyaan maadaama ay diideen iney u iibiyaan shaqadii diyaarka ahayd  ee uu isagu  haystey, markii aan weydiiyey miyaad baratey saxaafada wuxuu iigu jawaabay maxaan bartaa  magaaladii oo dhan baa wada  gashee  waar barasho kuma xidhna  ma kamarad baadan duubi kareyn iyo rikordhkaa  hadhowna waxbaba qorimeysid adigu  ee wixii aad soo duubtey uun baad ku shubeysaa computerka  sida rikordhka uun bey dadku dhageysan uun markaas hada waxbaba lama qoro.  Wiilkii maalintaas hadalkaas igu lahaa  manta waa wariye  waliba ka howl gala tv yada  aadka loo yaqaano ee ad ka loo daawado, waa taas saxaafada maantu. Ninkalena oo aanu asxaabnahay ayaa shaqo laga eryey midka mid ah wasaaradaha dawlada dabeedna ninkii isagoo cadheysan buu igu yidhi wasiirkiibaa shaqadii iga eryey markaas bal waxaan ku sameeyo eeg  walaahay website baan sameysanayaa  aan maalin kasta ku borobagaandeeyo  oo aan  aakhira ugu diro  waxaan weydiiyey miyaad sameysatey web kii wuxuu igu jawaabey mayee lacagtiibaan yara sugayaayee dhowaan baan  furayaa, wax yaabaha aan la kulmey ma dhameyn karo  aad beyna u badanyihiin

Maalin maalmaha ka mid ah anoo ku sugan xurunta golaha wakiilada  oo aan tobabar kula joogey xafiiska la taliyaha sharciga maadama aan ku jirey sanadkii afaraad ee jaamacada waxa goluhu ku jirey  ansixinta  xeer aad u xaasaasi ahaa   waana xeerkii  takaaliifta horumarinta wadooyinka  markii ay dhamaatey ansixintiisii oo ay mudanayaashu hoolkii kazoo dareereen laakiinse lagu guda jiro kaanbaalkii golaha  waxa mid kamid ah wariyayaasha ka hawl gala tv yada private ka ah  kuwaada ugu waaweyn  ayaa u yeedhey mid ka mid ah xildhibaanadii  hoolka kazoo dareerey  kana mid ahaa xildhibaanadii diidey  xeerkaas  wuxuu ku yidhi xildhibaan  wallee xildhibaan xalaal ah baad tahay waxa kale waa wada xaaraan  walaahay hadaan xabad manta haysto inaan intaas  codeysey midi ka baxeen, waxaba la ii sheegey inuu hore askari u ahaanjirey  waaba yaab’’

Gabo gabo

Waxaan kusoo gabagabeynayaa  marka koowaad mahad aan u naqayo wariyayaashii doodan bilaabay oo aan u arko niman  ka gubtey halka wax marayaan kana damqadey  waxaan kaloo aanan ka tageyn iney yihiin niman aqoontoodu wax u sheegtey tusteyna hadii ay yagu  aqoon leeyihiin  in loo bahanyahay in la baraarujiyo kuwa isku ilaabay mihnada  ay aqoonteedii  ka maqantahay

Waxaan anigu intaas ku darsanayaa

1-      In aqoonta la xoojiyo gaar ahaan waxbarashada saxaafada oo la iska dhaafo laxda bilood eel ala wada yaacayo

2-      In la helo tobabaro  lagu barayo saxafiyiin ta xuquuqul aadamaha  si ay isaga dhowraan  xadgudubka

3-      In la helo liisan la siiyo qofka buuxiyey shuruudihii saxafinimo. Si loo xakameeyo  loona ilaaliyo sharafta saxaafada

4-      In saxaafada lagu dhiiri galiyo qoraalka  lana  yareeyaan video yada iyo  maqalka faraha badan ee buux dhaafiyey web seydyada . oo ay warka ku diyaariyaan  qoraal  marka koobaad

5-      In la helo xogaan saxaafadeed oo aqoonta u ehel ah waayo aragnimana ku darsadey, si uu ku dayasho ugu noqdo  dhalinta da ada yare e saxaafada ku jirta

 

Allaa mahad leh

Mustafe Axmed Cabdillaahi

KHEYREEYE2@ HOTMAIL.COM

TELL:-   0634324867

Hargeysa/Somaliland.