Walaalkeennan Dhibaataysan Dar Allaah u caawiya Walaallayaal

Hargeysa (Aftahannews):- Walaal Allaah dartiis u caawi Wiilkan dhalinyarada ah oo muddo dhawr bilood ah ku jiray xaalad adag oo caafimaad, ka dib markii uu ku gubtay Booyaad Shidaal oo ku gubatay magaalada Hargeysa dhawr bilood ka hor.

caawin caawin2 caawin3

Wiilkan oo magaciisa la yidhaahdo Sakariye Saxardiid Waraabecade da’diisuna tahay 20 jir,  ayaa taariikhdu markay ahayd 4/may/2014 uu dhaawac halis ah oo gubasho ka soo gaadhay dhammaan jidhka oo dhan, ka dib markii ay ku qaraxday Booyad Shidaal sidday oo uu ku jiray, Shilkaas oo Walaaalkiina ku geeriyooday.

Muwaaddinkan dhaawaca ah, ayaa waxa ka baxay jidhkiisii dhammaan diirkii sare sida Sawirkiisa ka muuqata, waxaanu ku sugan yahay xaalad halis ah, isagoo duruufo dhaqaala- darro ku gedaaman yihiin wakhtigan oo uu Cusbitaalka ku jiray muddo dhawr bilood ah.

caawin caawin2 caawin3

Walaal Walaalkeennan dhibaatay Allaah dartiis u caawi. Allaah (SMW) ayaa Qur’aankiisa ku yidhi; “Dadka Muuminiinta ahi waa walaal” Dadka Muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan waxaa qoyskani ay ka codsanayaan in dar ILaahay iyo dar Aakhiro loo soo caawiyo.Walaal waxaa lagu jiraa Bishii barakaysneyd ee Ramadaan oo ah  bil barako badan, waxaynu ku jirnaa 10-kii dhexe ee Denbi-dhaafka, walaal wixii aad heli karto dar Illaahay ugu caawi Muwaaddinkan Soomaaliyeed ee dhibaataysan.  Sadaqadu ma naaqusisto maalka ee way siyaadisaa.

Haddaba, qofkii awooda inuu Wiilkan dhibaataysan dar Illaahay wax ugu taro bishan barakaysan iyo ayaamaha ciidda ha ugu soo hagaajiyaan Hooyada dhashay Wiilkan oo leh   ZAAD Number: 0634615106, Hooyo Cawo Maxamed Jamac.

Wixii aad bixiso waxay kuu tagaysaa akoonkaaga aakhiro cidna ku lama leh markaa hore u marso wixii aad heli karto.

Ciddii kale ee account kusoo shubaysa waxay ku soo hagaajin karaan Account no: 9874 Dahabshil, Hargeysa. Mohamed Ali Muhumed, telkana 0633553786.

Hargeysa/Somaliland.