Socodka iyo Wax-tarkiisa qaybtii 1-aad

 Waxa qoray Siciid Xagaa Afrax – Socodka waa hab dabiici ah oo weyn si loo gaaro maalin walba dhaqdhaqaaqa jidhka. Marka aad bilaabeyso in aad socoto waa dhab in ay jirto sabab aad u soconeyso , marka hore baro foomka ku haboon socodka, dabadeed si tartiib tartiib ah u kordhi weliba la soco waqtiga aad soconeyso. iyadoo himiladaadu tahay in aad si raaxo leh ugu dul socoto dhulka.

outdoorWalk

Socodka la socda maalin walba qaasatan aroorti waa mid yareeya halista cudurka wadnaha, cudurka sonkorta ama macaanka nooca typ II, kansarka naasaha iyo kansarka mindhicirka iyo dhamaan muruqyada jidhka oo dhan.

 Hanbalyo waxaad go’aansatay waqti aad u baahan tahay socod uu ku jiro caafimaadkaada,faa’iidada laga helo socodka qorsheysan waxaa ka mid ah

  • Wuxuu yareeyaa subaga jidhka ( cholesterol )
  • Wuxuu kor u qaadaa dhimsha jidhka
  • Wuxuu gubaa sonkorta jidhka si quman
  • Lafaha wuu dhisaa socodka
  • Wuxuu hoos u dhigaa dhiig karka.

Waxaad u baahan tahay in aad diyaarsato wixii aad xidhan laheyd sida dharka iyo nuuca kabaha aad xidhan laheyd.

 Socodku waxada ku baraneysaa farsamo socod wanaagsan oo leh qaab sax ah aqriste ha moogaan isticmaalka hubkaada waana dhaqdhaqaaqa lugta aad ka sameyso,

 Waxaan halkan kuugu diyaariyay hab aad raaci karto hadaad dooneyso in aad jadwal u sameysato socodkaada.

Habkani waa hab fudud oo si sahlan loo bilaabo karo waxaadna marka hore ku bilaabeysaa 15 daqiiqo ilaa ugu danbeyn aad gaarsiiso 60 daqiiqo ( hal saac ) mudo 12 isbuuc ah.

 

Isbuuca Sabti Axad Isniin Salaasa Arbaca Khamiis Jimce
Isbuuca Koowaad 15 daqiiqo 15 daqiiqo Nasasho 15 daqiiqo 20 daqiiqo 20 daqiiqo 20 daqiiqo
Isbuuca labaad 15 daqiiqo 20 daqiiqo 20 daqiiqo Nasasho 20 daqiiqo 20 daqiiqo 25 daqiiqo
Isbuuca sedexaad 25 daqiiqo Nasasho 25 daqiiqo 25 daqiiqo 25 daqiiqo 25 daqiiqo 30 daqiiqo
Isbuuca afaraad Nasasho 30 daqiiqo 30 daqiiqo 30 daqiiqo 30 daqiiqo 25 daqiiqo 30 daqiiqo
Isbuuca shanaad Nasasho 30 daqiiqo 30 daqiiqo 25 daqiiqo 30 daqiiqo 35 daqiiqo 35 daqiiqo
Isbuuca lixaad 35 daqiiqo 30 daqiiqo 30 daqiiqo 35 daqiiqo 35 daqiiqo 35 daqiiqo 40 daqiiqo
Isbuuca Todobaad Nasasho 40 daqiiqo 40 daqiiqo 35 daqiiqo 40 daqiiqo 35 daqiiqo 40 daqiiqo
Isbuuca sideedaad 45 daqiiqo 40 daqiiqo 40 daqiiqo 45 daqiiqo 40 daqiiqo 45 daqiiqo 45 daqiiqo
Isbuuca Sagaalaad Nasasho 45 daqiiqo 45 daqiiqo 40 daqiiqo 45 daqiiqo 45 daqiiqo 50 daqiiqo
Isbucua Tobonaad 50 daqiiqo 45 daqiiqo 50 daqiiqo 50 daqiiqo 45 daqiiqo 50 daqiiqo Nasasho
Isbuuca 11aad 50 daqiiqo 55 daqiiqo 55 daqiiqo 50 daqiiqo 55 daqiiqo 50 daqiiqo Nasashao
Isbuuca 12aad 60 daqiiqo 60 daqiiqo 60 daqiiqo 60 daqiiqo 55 daqiiqo 60 daqiiqo. Nasasho

 Waxaa laga yaabaa inaad doonayso inaad qaadato hal maalin toddobaadkii oo aadan raacin sida ku tilmaaman jadwalka kor ku xusan , ama dooran laheyd hal maalin inad ciyaarto ciyaarta kubada cagta iwm.
Dhanka kale waa mid aad u muhiim ah marka horumarinta caadooyinka caafimaadka loogu talagalay dhaqdhaqaaqa jidhka ee caadiga ah , sidaas darteed hubi in aad adigu samayn karto ugu yaraan 4-5 maalmood usbuucii . Maalinta ay bilaabanayso jadwalka waxaa loo beddeli karaa in ku haboon baahidaada .

Waxaa jirta Xigmad la adeegsado oo odhaneysa ( TODAY JUST GET UP AND GO, BECCASE YESTERDAY YOU SAID TOMORROW ) MAANTA HADDA KAC EE AAD, MAXAA YEELAY SHALAY WAXAAD TIDHI BERI.

 Hadaba ma jiraan dhibaato ku iman karta qofka doonaya in uu socod jadwal leh sameeyo maalin walba? maxey yihiin dhibaatooyinka ? Ma jiraan qaab sahlan oo aysan waxba ku soo gaadheyn ? Qodobadaa iyo qodobo kale oo la xidhiidha socodka maalinlaha ah filo goor dhow insha alaah qeybta 2aad.

SICIID XAGAA AFRAX
JOURNALIST

SOURCE: PREVENTDISEASE

EMAIL: SXAGAA@HOTMAIL.COM