TACABOOW BA’ CAAWABA HADDUU TIMIR I CAAYAYO!

Qalinka Faysal Cumar Madar – Rabow saawa saawaha naga samato saar. Sida culimadu sheegeen maalinta jimcaha waxa ku jira “saacatu ijaabe”. Waxa aan uga xumahay habeenkii jimce ee 30/may/2014 wixii ka dhacay Hargeisa gurigii maatidu u taalay wasiirkii hore ee amniga Mudane Cabdilaahi Abokor ,cidna u sheegimayo siday wax u dhaceen lakiin waxaan wax ka leeyahay aragtidayda ku wajahan weerarka aanan hore u arag.

FAYSAL1

Wasiir Cabdillaahi Abbokor wuxuu ka hadlay qolo uu kusheegay  gunti gaab oo ah wadadan danbe ee aan lamahadin ee la yidhi qofka ay wax siiyan waxay ku qoraan buuga ay ku qoraan sakada maalkooda ku waajibta. Wuxu yidhi niman magacyada iska badbadala oo marba la baxa magic sida: (ixsaan,ictisaam,ikhwaan,damujadiid,nahda iyo al-shabaa), wuxuu sheegay in shirarka golaha wasiirada aan lagaga wada hadlijirin arimaha khuseeya Al-shabaab iyo qaar wasiirada ka mida ay arimaha ku lugleeyihiin.

Annagoo yaaban oo isle waar waa sidee oo aan aaminay in uu wasiirku cadhadii xilka qaadista ayaa ka keentay, waxan filayay laba arin miduun: waa ta koowaade in loo jawaabo oo wasiiradu is cadeeyaan iyo in aan lagaba ficil qaadan oo lagasoo qaado arinkiisa wax aan waxba ka jirin. Midna ma dhicin ee waxa loogu jawaabay in ciidamo lagu soo saaro gurigii uu daganaa iyadoon xataa laxeerin guryihii jaarkiisii ahaa, oo aad moodayso in laweerarayo bir-jeex.

Waxa bandoo laga dhigay magaalada Hargeisa siday u dhantahay, waxa kale oo ciidamo laduldhigay gobolada dalka midka mida iyo waliba malaha xaafado loo tuhmayay in looga soo gurmado wasiirka , waxa intaaba kasii darnaa in guriga uu daganaa dusha laga soo tooganayay sidii diyaradiihii faqashta ee Hargeisa intay ka kacaan isla Hargeisa duqaynayeen.

Yaab waxaban aaminay in ay ahayd shirqool  la is lahaa ku khaarajiya oo ay soo maleegeen gunti-gaabtii u fashiliyay. Lakiin waxaan ogahay in uu dadka ilahay dilo. Waxa kale oo aan ogahay in dalkan difaaciisa ugu weyn ayahayaan culimo sharaf badan oo qaadiriyadii dalkan xoraysay ah oo la dagalantay wixii fall iyo sixir siyaad nagula dulgoobayay.

Waxaan ka xumay madaxweyne inaad adigu afkaaga ka dhalisho kuwaad amaanka u dhiibatay ee dalka sidii lakala goynayo ciidamo kala dhexdhigaya , waxa laga yaabaa in sidii caadad innoo ahayd in khilaafka KULMIYE dhamaado iyadoo dalku dhisan yahay waayo waxa la’ogaa sidii iyo Beel Beel lookala baxay in la dhamaystay manta  Madaxweyne adoo ogaa dagaaladii Habar-Habarta tariikhdaad ku lahayd in maantana aad istidhaa ku daawo, ogow lakiin manta adaa dalka ka taliya oo Cigaal iyo Cabdiraxman Tuurba way dhinteen.

Mudane madaxweyne cidan aad u haysato in aad is-haysaan waa xisbigaagii  KULMIYE, ee maaha UDUB. Madaxweyne maxad dareemaysaa marka xisbi xaakimkaagi aad aasaasaha ka ahayd xalinkari waydo in aad qarankan sii Hogaamin karto?

Jawaabtu waa maya madaxweyne xoolaha oo kaliya ayaa lagu maallaa  Maqaarka ee maaha dadka kuwa lagu dhaqaa sidaa. Madaxweyne caasimadii dalkan aad haysato jooga ayaad madaxweyne cajalad usoo diraysaa dadkaagii sidii Al-shabaab,  miyaanay wixii wasiirkii Amniga lagu weeraray sii Xoojinayn.

Waxa kale oo wax lala yaabo ah in ay dadku yidhaahdaan madaxtooyadii way ka baxday go’aankii guurtida la qaateen ee shicibku maraga ka ahaa oo aadku doodaan ergadii soo lugo’aday ayaanu qado u samaynay , taa macnaheedo miyaanay ahayn waa dhoolatus ama kaambayn aad ku xodxodanayso golihii dhexe ee hadalku ka dhashay.

Waa ceeb halkii dalka u saraysay in loo nisbeeyo in ayka baxdo balankii ay qaadeen ee ahaa in labada qoloba joojiyaan shirarkii ay ku baaqeen. Madaxweyne adoo ergo diida makula tahay in aad dalkan sii hogaamin doonto, taasi waa wax aan dhacayn, nagu dhaqi maysid Ergo diidnimo dhabarku muuqdo.

Mudane madaxweyne hogaankan xisbigu waa kuwaad dheerayd labadii xisbi  ee aad lasoo tartantay 2010kii haday xumayeen iyo haday samaayeenba horta waa ragii ku waday ee dadka kusoo qasbay iyadoonad iibsanteen la’aantood.

Maaha rag loonisbeeyo SHAANI ee waa rag taariikhda iskuulada caruurta loogu dhigo ku jiraan guulaha hoodia iyo taariikhdooduba, kadaa ma gayaan  SHAANIDA ee waxa gaya waa layaqaanaa.

Madaxeyne hadaad mar iyo afarba u yeedho kuwa xilalka kuu haya oo aad tidhaa dadkiinii keena, kuma keeni karaan dadkii waxay lajoogaan Hogaankan ay kugu cabsiinayaan wasiiradaadu wax codana kuuma hayaan. Dadku waykaa tashadeen ee mudane madaxweyne taariikhdaad u tasho. 

Haddaad laakiin caydo kuwii maalintii adkayd kaasoo saaray dadku waxay kuu aqoonsan doonan Timirkii Cali Jaamac Haabiil sheegayay ee markuu sii daayay soo caayay:

Tacaboow ba’ caawaba hadduu Timir i Caayaayo
Tol la’aan dheh reer Samatarkaan tiirka qabadsiiyey
Waxsaan kaaga tegey Faadumaad tahay ninkeediiye.

Qalinka Faysal Cumar Madar  

Hargeysa/Somaliland.

Qoraalkan waxa Masuuliyaddiisa leh oo ay u gaar tahay qoraaga, maaha mid ay Aftahannews leedahay Masuuliyad ahaan, hase-yeeshee, waxaannu u baahinnay dhiirrigelinta qoraaga, fikirka xorta ah iyo is-weydaarsiga aaraahda iyo rayi-dhiibashada Bulshada Akhristayaasha iyo Qorayaasha.