Baraha Bulshada: Mindi Laba Af Leh. Qallinkii Cabdifataax Shaafi

Filed under: Aragtida Bulshada |

Baraha Bulshadu ama (Social Media-yuhu) waa qayb ka mida Warbaahinta, gaar ahaan qaybta casriga ah, kaas oo waxyaabo badan kaga duwan Warbaahinta kale ee Qadiimiga ah ama soo jireenka ah, ee loo yaqaano (Tradional media). Qaybtan casriga ah ee Warbaahintu waa mid ku socota xawli. Iyadoo maalin walba ay soo baxayaan noocyo cusub oo aan hore u jirin.

Hase-yeeshee qoraankeenni ma aha mid aynnu ku fallanqeynayno qeybaha kala duwan ee Warbaahinta, laakiin waxaan rabaa in aan ku soo gudbiyo habka aanay aqoontu ku dheenayn ee Soomalidu uga fal-celiyeen ama u adeegsadaan, istimaalka baraha bulshada ee Soomaalidu waa mid bilaabmay waqti aan fogeyn, sida aynnu la wada socono baraha bulshadu waa kulmiye baaxad weyn leh, kaas oo laga heli karo waxyaabo aad u badan oo faa’iido u leh qof walba iyo bulshada dhamaanteedba. Laakiin dhinac kale, waxaa iyadna jirta waxyaabo badan oo bulshada guud ahaan khasaare dhinac walba leh u soo jiidi kara. Sida aynnu wada ognahay sannadihii dembe waxaa aad u soo badanayay dhallinyaradda Soomalida ah ee baraha bulshada soo galaya kuwaas oo ujeedadooda koobaad ay tahay in ay ka sameeyaan lacag iyo waliba magac, arrinkani marka si loo eego waa shaqo abuur dhallinyaro badanni ay ka soo saartaan nolol maalmeedkooda, kuwaas oo isku daya in ay bulshada u soo gubiyaan waxyaabo ku cusub aragooda oo ama madadaalo ama aqoon korodhsi ahaato.

Hase-yeeshee, waxaa inta badan dhacda in ay la fogaato sheekadu iyagoo baadi goobaya lacag, in ay ka tallaabaan xadkii ay ahayd in ay ku sugnaadaan am ugu yaran aanay dhaafin, iyagoo wadada u jeexay qaar kale oo aad moodo in aanay Soomaaliba ahayn markaad eegto Dhaqankoodda ama Ficiladoodda. Sheekadda mawduucanni uma gaar ah Wiilasha oo kaliya balse waxaa iyaguna dhinacooda kaga jira gabdho Soomaaliyeed oo aad moodo in ay dhaqankiiba gurigoodii kaga yimaadeen. Waxaad moodaa in lagu yidhi “Haddii aad is-qaawiso caan baad noqonaysaa” ama  dad badanni baa ku daawanaya. iyagoo aan wax muhiim iska siin Diinta iyo Dhaqanka-toona, waxaase iyadna af-kala qaad iyo amakaag ah haddii aad u fiirsato ama aad is-barbar-dhigi ku samayso muuqaalada khayrka iyo wanaaga dadka faraya iyo kuwa dhaqan xumada iyo fisqigu ku dheehan-yahay waxaa aad loo jecel-yahay kuwa aan fiicnayn ama dhaqan xumad dadka la horimaanaya, taasi waxay daliil u tahay in Dhallinyaraddii ay meel dheer ka sii dhacayaan una baahan-yihiin badbaado iyo gargaar.

Laakiin, taa bedelkeedda waxay ka helayaan sacabka badan oo ay ka heleen dadka xidhan oo ay ka fahmeen habka hufan ama wanaagsan ee ay u isticmaali lahaayeen waxa aynna ka leexdeen dhaqankii suubanaa ee Soomaalida iyo Diinteenii  macaaneyd, haddii aad aragto waxyaabaha ka socda baraha bulshada waqtiyadan dembe waxaa ku qabanaya werwer badan  iyo hallaag ka iman karra waqti dhaw. 

Ugu dembayn arrintan haddii uu sidaa ku sii socdo runtii uma baahnaan doono dhibaato kale oo inagaga yimaada dibada. Waayo maanta waqtiga aynnu joogno warbaahintu waa shayga keliya ee wax walba oo aad rabo ku fushan karto. Tanni waxay noqon doontaa dhibaato ay adkaan-doonta xalindeedu, waxaanse qabaa in hadda ay tahay waqti la xakameyn karo, iyadoo dawladu qorshe ka soo saarto,  iyadoo adeegsanaysaa culimada iyo dadka wanaaga jecel. Arrintanni waa shaqo inoo wada taala xalinteedu  dawlada iyo shicib isu-duuban.

You must be logged in to post a comment Login