Googgaale iyo Gabaacuul Ku Socda Wasiirka Warfeenka, Wacyi-luminta iyo Dhaqanka Somaliland

Gadhle: Adeer iska warran Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse). Waa yarkii qori jiray buugga Odayga Somaliland. Markii u dambaysay ee aan kulannaa waxa ay ahayd 16/Disember/2013ka oo aynu buugga SAMO-TALIS ku bandhignay Jaamacadda Hargeysa. Waad ku mahadsan tahay imaanshihii munaasibadda.
GADHLE IYO GAATAME
Hase-yeeshee, waad carartay markaad aragtay Boobe Yuusuf Ducaale, isla markaana aad maqashay in Engineer Faysal Cali-Waraabe munaasibadda imanayo. Waxa kaa fiicnaa Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo nala dhammaystay xafladda, mooyi wax ku dhacay yarkii Wasiirka Madaxtooyada isna wuxuu ku mashquulay inqilaabkii Cirro iyo Waddadii Ceerigaabo oo ma iman xafladda, laakiin waa ninka leh mahadda in buuggani soo baxo Alle kaddib.
 
Gaatame: Adeer, si fiican ayaad u kaftamaysaa. Anigu kuma aqaan, laakiin waynu is-aragnay malaha xilligii aad buugga qoraysay. Sannad iyo badh ayaan ku meermeeriyay markii aad rabtay kelmadda Madaxweyne Siilaanyo. Markii dambena Xirsi ayaa ku yidhi “madaxweynuhu nin nool waxba uma yidhaahdo ee buugga daabac oo ka sii daa!”. Waa nin adag oo gaashaan u ah ciyaalka raba inay hoggaamiyaha qaranka wareeriyaan. Adiguna kuwaas ayaad Imaam u tahay. Adeer, maxaa ku waalay miyaad nafistid?
 
Gadhle: Adeer sannadkan waan is-bartay. Wiilna wuu ii dhashay, dadka aabbe ayaan ka dhigan jiray, laakiin imaka aniga ayaa aabbe iyo imaam ah. Kursigaygii baan bannaysanayaa. Hadduu halganku ku jiidho waad is-difaaci! Adeer, kollay waan ku aqaan waanad cabban tahaye, fadlan shaydaanka naar oo ka jawaab googgaale iyo gabaacuul aan kuu giraangiriyay oo kala ah
 
1. Halkee laga raacay Xamse Cali Bulbul? Waa weriye da’yar oo u qalma madaxa wararka SLNTV (Siilaanyo-laliyaya neceb talada Faysal)
2. Door intee leg ayaad ku lahayd maagistii Wasiirkii ugu fiicnaa ee Madaxweyne Siilaanyo u magacaabo kursiga aad ku fadhido
3. Maxaad u beddesheen magaca MAANDEEQ? Ma taariikhdii Cigaal iyo Rayaale ayaad aasaysaan?
4. Xukuumaddu maxay u dhammays tiri weyday waddooyinka Sallaxley, Oodweyne, Balligubadle iyo Dawga Cad. Ma waddada Ceerigaabo (Garadag) ayaa keligeed qaadhaan loo raadinayaa?
5. Halkee ayuu marayaa kiiskii isku-dayga dil ee Maxamed Faarax Qabille
6. Hubaal, Haatuf iyo UNIVERSAL waad ka adkaateen. Reer Muqdisho ma ka codsannaa in ay soo eryaan Horn Cable TV?
7. Wasiir Dr Xuseen Xoog oo kaa aqoon badan ma aftahamada ayaad kaga adkaatay?
8. Maxaad uga xanaaqdaa magaca Safiirka Wareega ee Somaliland: Danjire Kaysar Cabdillaahi Maxamed?
9. Haddaad tahay wasiir buuxa, maxaad u magacaabi weyday Cumar Maxamed Faarax iyo Xuseen Cabdillaahi Deeqsi? Ma kooxdii Horyaal ayaa meesha xoraysatay?
10. Maxaad u qadiseen Xasan Xuseen Cabdillaahi (Keefkeef) isba HORYAAL adhaxdeeda ayuu ahaa. Ma abaal-laawayaashii ayaa halmaamay markuu geeriyooday Marxuum Hal-door Suxufi, rag-yaqaan Cabdirisaaq Maxamed Dubbad?
 
La soco haddii Alle idmo.
 
Imaam Siciid Maxamuud Gahayr (Kabadheere)
saedmghair@hotmail.com
Facebook: Saeed Mohamoud Gahair Hargeisawi