Maayerka Toronto Oo Kubbad ku dili Gaadhay Gool-haye Carruur ah iyo Muddahraadyo Ka dhashay

Toronto(Aftahannews):- Maayarka had iyo jeer buuqa abuura ee magaalada Toronto, caasimada wadanka Canada ee Rob Ford ayaa sii wada xaaladaha kicinta dareenka dadka huwan ee uu caanka ku yahay kadib markii uu xaflad ilyartu is qabatay horteeda kaga dhawaaqay furitaanka mustaqbalka ee xero caruurtu ku ciyaarto, isagoo u talaabsaday dhulkii laga hirgalin lahaa xayn daabkaas.

dadweynaha-toronto-oo-gadoodsan

Maayar Rob RordRob Ford wuxuu saxaafada horteeda ku sameeyey arin yaab noqotay kadib markii uu ilmo caruur ah oo la dhex joojiyey gool ballaciisa awlaada ku haboon yahay , uu ku laaday kubada ay ku ciyaaraan dadka qaan gaadh ka ah, kama uu dhalin kubad kaliya ee wuxuu hadana marlabaad inta awoodiisa ah laag ugu kiciyay kubadii , labadii rigoodhe ee loo dhigayna sidaas awooda badan uu ku dhaafiyey goolwadaha yar ee miskiinka ah.

dadweynaha toronto oo gadoodsanWaxa ka daran, wuxuu Ford , iska leeyahay markii uu kubada labaad laagayay hadaladan:- “Wakhtigii aan yaraa waxaan ku ciyaari jiray kubad yar,” xoogii uu ku laadayna kii yaraa jabaqda waxaan ahayn wuu maqli waayay oo goor ay dhaaftayba ma arkaynin.

maayarka toronto

Shacab gadoodsan ayaa mudahraadyo arintaas lagu cambaaraynayo uguna baaqayaan inuu is casilo ka dhigay , shaaracyada Toronto , waxaanay isweydiinayeen, bal ka waran haddii ay ilmaha yar kubadu wajiga ama caloosha kaga dhacdo iyadoo ku socota xawaaraha maayarku ku gannay.?

Muuqaal Vedio oo laga duubay dhacdadaas, maayarku ku galaafan gaadhay nafta saqiirka yar , waxaad ka daawan kartaa halkan hoose

Xigasho Cadalool.com