Allahayoow gurracanaa Marti Goor-xun Socotood Kugu Tidhi Gun baad Tahay!

WQ. Faysal Qumuj. Sidii waajibka iyo caadadaba inoo ahayd bisinka iyo saliga nabi ayaanku bilaabay, waxa soo noqnoqnaysa guuxa iyo isgaluumida reer maroodi-jeex ee ku aaddan xukumada kulmiye,oo salka ku haysa damaca doqonimadu hagayso ee bariga burco dalka ku hagayso, oo u cuntami la’a reer maroodi-jeex.

FAYSAL1

Ahmed waxa maroodi jeex dooratay laba jeer oo uu marka hore socon waayay waa 2003, kamay tagin oo kamay daldoorsane 8sano oo mudane rayaale way  la joogeen oo la qaybsanayeen ciilka iyo cadhada uu ahmed u qabay qarankeena oo idil, waxay intaa  ugu hiilinayeen codka, oo aad ogaydeen ragayka soo sharaxeer golahii wakiilada, waxaad ogaydeen siday ugu hiilinayeen (maroodi-jeex) mar uu ahmed yidhi marwadayda imtixaan laga helay waa laga qaaday eek u dagaalama wayna kuraaceen , hadana axmatooy waatii aad tidhi golihii buu xidhay eek u dhinta oo nafta hura, hada ku nafta hurayay may ahayn burco kuwa joogay ee maroodi-jeex ayay joogeen, ahmedoow manta iyadoonay ahayn in aad laydhka kuu baxay ku qalado in uu magaalada oo dhan u shidanyahay oo ay ka laydhlaayihin, axmadow iyadoo inamadiina oo qudhi ku dooran ayay kaa yeeleen in aad shaqalaysiiso oo ay hadana qaranka xadaan marka laga hadlana maxay wargaysyada reer hebel uga hadalayaan,waxaan xasuustay maansadii ee  (hadraawi isa sudhan):

v  doolarkiyo waxaan xaday maxaa adiga kaa galay

v   yaa xisaabi kugu yidhi hantidhawar miyaad tahay  

Axamadow barigii aad ina-rayaale ka horjeeday wargaysyadu waxay ahayeen suxufiyiin qaran, hadiiba suxufiga wax qoray yahay reer dee ka wax cunayna waa reerkiina ee maad qabatid.

Madaxweyne hadii marka lagula socdana ay dadku qaran yihiin marka lagaasoo horjeestana aad tidhaa waa qabiil, taasi kaasocon mayso reer maroodi-jeex mid ayka matalaan MAROODIGA ayaankuu sheegayaa cida wax siisa way arkaan ka u diidana way kaqaataan, imika xiligii waxa lagaadhay markii ay kaa qaadi lahayeen, waliba maroodi jeex ku ridimayso ee waanay kuu dooranayn hadii aad istidhaaba mar sadexaad kaalay waayo? Waa markoodii xisbigan kulmiye ay iska soo sharaxi lahayeen hadaad isleedahay ku raadgado kaa socan mayso, oo waxa aadkula heshiisay marna adiga marna iyaga.

Hadaba inta aanada dib u cunin sumcadii aykugu raaceen ama aanay kaa qaadan meesha adeerow u banee hadii kale sidii kuwo hore oo waayay cid salaanta ayaa kuu danbayn, ama waxaad ku sifoobi tixdan kuwa ay sheegayso :

 Sheeko gaaban baa tidhi;-

“Nin ay gaajo haysaa

guri yimi duleedkii

soddoh garasho dheer uu

gabadheeda qabay baa

dhito godollo sheellayd

ugu geysey meeshii..

..Isaguna guddoon yiri,

laysu guud mar toyashada

caanaha gadhoodhaa

inay guura-guuraha

weelka gaararkiisiyo

gunta badi ku ururaan

waa ged lagu yaqaannee,

godankii isugu tage.

..Isaguna ka geyn waa

inuu dhiilka gororsado

gacantana ma dari karo.

Isagoo xil-gubashada

u daruuray gaashaan

Isma gabe wuxu yidhi:-

“Markii ay na gelayeen,

waa nala gilgilayoo

inta nala gun-dhebey baa

afka nalaku gaacsaday”.

..wadnihiisu galow ma leh

ku gadaangad ceebtii

libintana ku geeraar

xeeshiise lagu garay

murti guun ah laga reeb.

 

Jiiftada gar-dhaladka ah

waxan uga gol leeyahay

Allahayow gurracanaa

marti goor xun socotood

gobannimo ku soortood

kugu tidhi gun baad tahay!.

Qalinka Faysal Qumbuj

qumuj81@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland.

Qoraalkan waxa Masuuliyaddiisa leh oo ay u gaar tahay qoraaga, maaha mid ay Aftahannews leedahay Masuuliyad ahaan, hase-yeeshee, waxaannu u baahinnay dhiirrigelinta qoraaga, fikirka xorta ah iyo is-weydaarsiga aaraahda iyo rayi-dhiibashada Bulshada Akhristayaasha iyo Qorayaasha.