Guddiga Khayraadka Dabeeciga ah WADDANI oo si adag uga hadlay hadalka Wasiirka Macdanta

Hargeysa(AFN)- Gudida Khayraadka xisbiga Wadani ayaa ka jawaabay hadalo kasoo yeedhay Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale.

wada-291x300

War-Saxaafadeed ay habeenkii xalay soo saareen gudida Khayraadka Dabiiciga ee WADANI ayay ku sheegeen inuu wasiir Xuseen Cabdi Ducaale wado qiid isku qarin, isla markaana aanay wadaynin tani.

War-Saxaafadeedkaas oo loo qaybiyay Saxaafada oo nuqul kamid ah ay soo gaadhsiiyeen Shabacada Berberapost ayaa wuxuu u dhignaa sida;

Guddida Khayraadka Dabiiciga ah iyo Tamarta ee xisbiga Waddani isagoo tixraacaya warsaxaafadeedkii wasiirka macdanta iyo tamarta, Xuseen Cabdi Duale uu maanta 09.04.2014 ka hor jeediyey saxaafada, ka jawaabayaa sida xaqiiqda ka dheer ee uu wasiirku fariintiisa u gudbiyey.

Guddida Khayraadka Dabiiciga ah iyo Tamarta ee xisbiga Waddani, waxay halkan ku cambaaraynayaan cabudhinta iyo tacadiga ay xukuumadu ku hayso saxaafada madaxa banaan.

Waxaan bulsho weynta Somaliland u sheygeynaa in marnaba wacyigalintii/qoraalkii aan u gudbinayey saxaafadda udhigneyn  in uu khayraadka dabiiciga ahi inoo horseedayo burbur/Resource curse.

Warsaxaafadeedkaa soo baxay taariikhdu markay ahayd 06.04.2014, waxay guddidu uga digaysay xukuumada Somaliland in maamulxumadu iyo cadaalad daradu horseedi karto burbur/‘Resource curse. Guddidu waxaytusaale u soo qaadateen wadamada qaarada Afrika ee aan shuruuc iyo cadaalad ku maamulin dalalkooda halkay ku danbeeyeen. Kuwaas oo tusaale inoogu filan si aynaan ku dhicin jidkii ay mareen.

Mudane wasiir adiga ayey xukuumadda aad ka tirsan tahay kuu igmatay in aad samayso shuruucda khayraadka dabiiciga ah iyo Tamarta. Hadii aanad u samayn qorshe cad oo daahfuran sida loo maareynayo shirkadaha ka shaqeynaya iyo dakhliga kaa soo gala waxaa soo gali kara mugdi iyo tuhun farabadan.

Guddida khayraadka dabiiciga ah iyo tamarta ee xisbiga Waddani waxay halkan bulshada Somaliland ugu soo gudbinaysaa marxaladaha muhiimka ah ee soo saarista shidaalka loo maro iyo siday u kala horeeyaan:

1)      Bilowga waa iney rajo ”geologic” ahaan mujisaa eeriyada ama deegaanka laga baadhayo shidaalka.

2)      Sahamin diyaradeed iyo tu dhul.

3)      Daraasad lagu sameeyo sahamintaa loo soo maray dhinaca cirka iyo dhuka.

4)      Hadii guul ay muujiso sahamintaas kor ku xusani, waxaa la qodaa  ceel tijaabo ah.

5)      Markuu ceelku guul muujiyo oo ay is waafaqaan sahaminta, ayaa la sameeya mashruucii lagu soo saaro shidaalka.

6)      Mashruuca soo saarista iyo maareynta shidaalka ayaa kadib mudo socda

Bilowga ilaa inta laga soo saarayo shidaalka, shirkadaha heshiiska lala galay ayaa maalgashada. Waa dariiq dheer oo u baahan wadatashi dhinaca baarlamaanka iyo bulshada Somaliland ee aqoonta u leh khayraadka dabiiciga ah. Waa arrimo u baahan foojignaan iyo taxadir si qaranka Somaliland uga fa’ideysto.

Guddida khayraadka dabiiciga ah iyo tamarta ee xisbiga Waddani waxay fiira gaar ah u yeelanaysaa sida xukuumada Somaliland u maarayso khayraadka dabiiciga ah ee qaranka Somaliland, taas oo hadafkeedu yahay sidii qaranka Somaliland horumar dhaqan dhaqaale oo ku salaysan cadaalad saami ah ugu gaadhi lahaa khayraadka dabiiciga ah.

Su’aalaha iswaydiinta mudan ee u baahan in bulshada Somaliland loo soo bandhigo waa:

1)      Maxaa inoo qabsoomey maxaase inaga xumaadey?

2)      Halkey maraysaa sahamintii bilowga aheyd, sahamintaas oo ubaahan in daraasad dheer lagu sameeyoo oo la soo saxo wixii khaldamay?

3)      Maxaa inooga qorsheysan dakhliga inaga soo gala hesheesyada shirkadaha lala galo?

4)      Waajibaadkii ka saarnaa wasaarada macdanta iyo tamarta ee ahaa in tayada/xirfada shaqaalaha wasaarada kor loo qaado, xagay maryaasaa? Wasaaradu magudatay kor u qaadidii tayada shaqaalaha?

5)      Shuruucdii khayraadka dabiiciga ee qabyo qoraalka ahaa ee wasiirku waday goormaa la dhamastirayaa oo baarlamaanka la horkeenayaa.

Xisbiga Waddani guddidiisa khayraadka dabiiciga ah iyo Tamartu wuxuu marlabaad wasiirka iyo xukuumadda uu ka tirsan yahay u  bayaaninayaa hadii wasiirka si qalad ah loogu akhriyey ducadii ay guddidu ugu ducaysay qaranka Somaliland oo u dhignayd sidan:

”In Ilaahay Somaliland hareermariyo Resource curse iyo dhibaatooyinka uu wato”.

In Eebe ka dhigo khayraadkiisa dabiiciga ah mid barakaysan, khayrqaba oo umadda ku nool darif ilaa darif anfaca oo waxtar u leh.

Allaah mahadleh

Xisbiga Waddani

Guddida Khayraadka Dabiiciga ah iyo Tamarta