Bilicda Sawirrada Munaasibad ay Marwada Koowaad ka qaybgashay

Hargeysa(AFN):- Marwada koowaad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Maxamuud Jirde (Aamina-Waris), ayaa Maanta ka Qaybgashay Munaasibad ballaadhan oo loogu mahad celinayey Golaha deeganka Sheffield oo dhawaan aqoonsaday Madaxbanaaniida Somaliland.

0304050610   Munaasibadaasi oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa ka qaybgalay Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancade, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shirre, Taliyaasha Ciidamada, Siyaasiyiin, Xisbiyada Mucaaridka, Xildhibaano, Salaadiin, qaar ka mid ah qurbajooga Somaliland eek u nool dafaha dunida ee wakhtigan jooga Hargeysa, iyo dadweyne kale oo aad u badan.

Munasibadaasi ayaa waxa hadalo ka jeediyey Xubno qurbajoog ah oo ka kala yimid Dalalka Ustareeliya, Maraykanka, Holland, Swedan, iyo Dalka Ingiirska.

Madashaasi ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Cabdiraxan Geel jire, oo ku hadlayey afka jaaliyada Waqooyiga Ameerika, iyo Suldaan Maxamed Cabdilaahi oo ku hadlayey Jaaliyada Bremiganham ee dalka inagiriiska waxayna sheegen in loo bahan yahay in dhammaan jaaliyadda reer Somaliland ku daydaan jaaliyadda Sheffeild sida ay aqoosniga u keenay.

66Hibaaq Cabdilaahi Siciid oo ku hadlaysay Afka Jaaliyadda Reer Somaliland ee Imaaradka Cabdikariin Salaax oo isaguna ku hadlayey afka jaaliaydda Ustareeliya oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraday sida ay Somaliland guusha u gaadhay, waxayna tilmaameen in maanta uu aqoosnigii guud ee Somaliland kaabiga saran yahay.

66dsXassan Cali wayne oo reer Bristol ah oo isugan halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo bahan yahay in dhammaan jaaliyadda reer Somaliland eek u nool Ingiriisku dhexda u xidhaan sidii golaha wakiilada ee Ingiriiskuna u ictiraafilahaa somaliland.

00000

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.