Damqashadii, Dareen-naxdineedkii iyo Daruurihii Hooray 03/Mey/2002da!

Qormooyinkani waxa ay hordhac u yihiin diiwaan-taariikheed la yidhaahdo oo xambaarsan Guul-sooyaaleedka Geesigii Geeska Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Si wadajir ah waxa gacanta ugu haya labada qoraa ee hoosta kaga saxeexan. Haddii Eebbe waxa aanu si joogto ah u soo tebin doonnaa illaa 03/Mey/2014ka: Sannad-guuradii laba iyo tobnaad ee ka soo wareegtay geerida Madaxweynihii Labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Cigaal Book cover

Sida uu Xaramku uga sharfan yahay dhulka intiisa ayay ayaamuhu u kala boqran yihiin, waaga beryay waa arooyo Jimce ah, saddexdii bishii Meey, sannadkii 2002da. Dhegaha iyo indhaha dadka Somaliland waxa ay si weyn maqal iyo aragba ku baalla-daymaayeen jihada Koonfureed gaar ahaanna cusbitaal ku yaallay magaalada Biritooriya oo daaweyn iyo xaalad caafimaad ay u tageen Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Madaxweynihii Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefdi la socday.

War iyo wacaalba waa loo oommanaa. Waxa aan maalintaa dhegaysanayay Idaacadda Radio Hargeysa, gaar ahaanna barnaamijka xulashada oo uu gu’yaalkaas soo-saare ka ahaa Suxufiga weyn ee Maxamed Xasan Cali (Weji), xilliga uu soo geli jiray waa goorsheegtu marka ay dul-taagan tahay 02:15-02;45 duhurnimo. Warka duhurnimada ayaa ka horreeyay oo aan dhegta u raariciyay. Labada midkoodna duco mooyaane, dayro kama maqal.

Fallaadh ayaa igu taagnayad. Dhiiggaygaygu xawaare ayuu ku qulqulayay, been-abuur laba cisho ka hor la faafiyay ayaa digtooni i geliyay. Habaar aan ka xumaaday oo lagu sheegay geerida Madaxweyne Cigaal dhaayaha qudhaanjada iyo didmada tukadaha ii yeelay.

Waa xaq geeridu. Mawdku mahuraan aan la gees-marin. Inkasta oo aynu noolaanno da’ kasta dhammaanteenba wedka Alle ayaa inoo xaqiijiyay. Abbaaro 03:30 galabnimo aan dibadda uga baxay guriga waxa aan la kulmay dhallinyaro aanu jaal iyo deris nahay, judhiiba waxa ay ii sheegeen inuu xijaabtay Madaxweyne Cigaal. Isha ay warkaas ka maqleenna waxa ay ahayd Idaacadda Itoobiya iyo Laanta Afka Ingiriisiga ku hadasha ee BBCda.

Haddii aan cabbaar magaalada sii dhex-galayna waxa aan arkay ummaddii Somaliland oo wada-maqlay geerida Madaxweynihii Jamhuuriyadda Somaliland. Murugo ayaa xadhkaha goosastay. Dadkii welwel iyo walbahaar ayaa wehel u noqday. Guud-caddaa iyo gadh-madoobe, cuqaal iyo caruur, rag iyo dumar, aqoonyahan iyo indhow-garad, idil waa laga wada naxay dhambaalka ka yimi Koonfur Afrika. Farta ayaa wadnaha lagu qabtay. Daruuro murugo ah iyo dawanno oohineed ayaa yeedhay.

 Yaa halkiisii buuxin doona? Miyaa la is-dili?. Soohdimaha dalka min Lawyacaddo illaa Yoocada waxa is-weydaarsaday farriimo dhiillo xambaarsan. “Ilaahay ha u naxariisto. Godka lagu jannee, geesi naga baxoo, guul-dhashuu ahaa. Qabriga Eebbe ha u nuuro”.

Barbaartii aan maalmahaa arkay ee hadalkoodu saamaynta igu reebay waxa ka mid ahaa wiil aanu deris ahayn, aniga oo ka xun in aan magaciisa hilmaamay, weedhiisu maankayga kama tirmin. Waxa uu yidhi “haddii xagga Alle laga yeelayo oo qofka dhintaa dib u noolaanayo, maanta waxa aan naftayda u bixin lahaa nolosha Cigaal!.

Qoys ahaan waa la iga weynaa, waxa sannadkaas noolaa adoogay Marxuum Maxamuud Gahayr Warfaa (Kabadheere). Xilli gabbal-dhac ku dhow ayaan isugu nimi guriga, korkiisa waxa laga dheehanahay tiiraanyo. Sannadkaas waxa uu jiray afar iyo lixdan gu’. Guurtidii doorka ka qaatay nabadda Somaliland ayuu ahaa, ee demisay colaadihii ka aloosmay caasimadda Hargeysa 1994-1996kii. Annaga oo wadna faallo iyo falanqo uu waalidku nagu hoga-tusayo ayaa waxa erey-guurtiyeed yidhi gaban markaas toddoba gu’ noolaa!. Malaha waa ilhaan xagga Alle uga yimi!. “Aabbo, hadduu Madaxweyne Cigaal geeriyooday, halkiisa miyaa lagu beddelo ku-xigeenkiisa?” ayuu yidhi Abuubakar Maxamuud Gahayr.

Markiiba waanu is-eegnay. Yaa hadlay? Intee da’da iyo hadalkani isu jiraan! Gu’ga iyo garaadku waa kala laba. “Rag badan ayuu dhaamaa” ayuu Marxuum Maxamuud Gahayr ku bogaadiyay wiilkiisa. Lama koobi karo intii hadal iyo hawraar laga yidhi geerida Hoggaamiye Cigaal.

In aan baroor-diiq curiyo dharaartaas waan jeclaa! Maanso aan ka xasuusto meerisyadan ayaan qoray

“Mar hadduu dalluun galay

Geesigii dalkeenniyo

Daaddihiyay qarankani

Daruur murugo oo madaw

Ayaa ina dul-joogtoo

Naxdin baynu derisnee

Daayinow Allahayow

Darka xawdka ka cabsi

Haddii aynu u gudubno sidii dadweynaha, dawladda, baarlamaanka iyo saaxiibbada Somaliland uga jawaabeen geerida naxdinta leh ee dalka ku habsatay …………………….

La soco haddii Alle idmo

Wixii talo, taariikh, suugaan iyo xog aad ka haysaan Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal fadlan ku soo hagaajiya.

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi) iyo Cabdirisaaq Cabdillaahi Aadan (Keyd

Tell: 0634428604/0634435149/

Email: saedmgahair@hotmail.com, cabdirisaaq_007@hotmail.com

Facebook: Saeed Mohamoud Gahair