Gadhle iyo Gaatame: Burinta Wacadkii Madaxweynaha iyo Dhallinyarada!

Gadhle: Waar maanta waan arkaa giirka aad iska kicinaysee yaad tahay?

Gaatame: Waxa an ahay Galoolkii aad doorateen 26/June/2010kii. In aan shan-midable ahay waad ogeydeen. In aan abaal-laawe ahay waxa sheegay Mujaahid Cali Yuusuf (Cali-Gurey). Maantase waan gaadhay hankii iyo himiladii aan lahaa. Sidii aad iigu wareejiseen dal iyo dad midaysan waan bogaadinayaa.

GADHLE IYO GAATAME

Weli waxan isu aqoonsanahay galoolkii wanaagsanaa ee maydhaxda, hadhka, dhigta, udubka iyo dheeftaba aad ka heli jirteen, laakiin markii aad sanaadhka iyo buuqa iga deyn weydeen, waxa aan gartay in aan Wasiirka Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland u magacaabo dharkayn aan uga mahad-naqayo

1.      Sida uu ugu fashilmay ciyaarihii Gobollada ee u maamulay naadigii ka yimi Gobol-weynaha Togdheer

2.      Amar-ku-taaglaynta iyo cabudhinta uu ku hayo dadka gobta ah ee Reer Caynabo. Ma jiro qof deegaankaas ah oo ku biiri kara xisbiyada UDUB iyo Xaqsoor

3.      Tigtigista Sheekh Mustafe Jaamac Koosaar oo ay walaalo yihiin Guddoomiye ku-xigeenka Afraad ee Xisbigii UDUB Marwo Hinda Jaamac Xirsi iyo ………

Gadhle: naw, waar aniga miyaanad i weydiinayn qofka aan ahay? Sawdigan khudbad dheer ii galay?. Waxan ahay dhallinyaradii Somaliland ee aad shalay ku odhan jirtay “Intiinna aan maal-xatooyada iyo manaxtooyada gaadhin…. Bahdiinna aan Maxamed Daahir Rayaale la kulmin, dumarka iyo dhallinyarada ayaan isku hallaynayaa. UCID waa gun, KULMIYE waa gob. Haddii la i doorto, waxa aan Wasiirka Dhallinyarada u magacaabayaa nin da’yar… Faqash baan idinka xoreynayaa… Hayaay, ka kacaay” Maxaa ku dooriyay? Goorma ayaad miyir-qabtay ma shalay mise maanta?

Gaatame: Ma waxa aan ka liitaa faaliyihii maalinta daran abeesada wacadka la galay ee ku badhi-faray. Aniga ayaa ka mudan rahii qaanta la siiyay xilliga jiilaalka!

Gadhle: Madaxweyne UDUB iyo XAQSOOR adiga ayaa duudsiyay. Fadlan ha soo hadal-qaadin mar dambe. Imaka UCID iyo WADDANI ayaa kula baratamaya. Galool waad tahay, laakiin malaha dadka Somaliland ee ku doortay adiga oo gaboobay ayaa gumar ah! Beryahaaba war fiican lagaama keenin. Muxuu ahaa faaliyaha aad ku hal-qabsatay ma kii UNIVERSAL TV loo bannadaybaa?

Gaataame; Adeer shalay baad dhalateene, waa la shubi jiray. Beri waxa talo loo dhiibay boqor aan kalsooni badan ku qabin qaddarka iyo qorshaha Alle. Faaliyeyaashii magaaladiisa ayuu la shiray, waxaanu yidhi “ninka sheega waxa sannadka dambe dhacaya waxa la siinayaa mood iyo nool”. Talo ayaa faal-beenlayaashii ku caddaatay, mid kuwaas ah oo madaxa is-haya ayay abeeso ku soo baxday. Waxay tidhi waan ku arkaa haddaan kaa furto culayska ku haysta maxaad iga siin abaal-gudka boqorku idiin ballan-qaaday. Farxad buu kala dilaacay. “Eebbe kuma xilo! Jeex baad yeelan waxa la inna siiyo! Waan ku xasuusan! Haa…. Inaadeer…. Warka soo daa”. Is-dhaafkaas ayuu guray waa nin baahane. Iyada oo yaabban ayay tidhi “waa xilli colaadeed. Nin walowba warankaaga afee, gaashaankaana adkayso. Ku talo-gala gulufyo la isku gummaaddo”. Sidii abeesadu sheegtay ayay saadaashi u dhacday.

Gadhle: Madaxweyne faaliyaha kollay waad isku far eegtihiin markaad sharraxnayd 2010kii. Dhoobadiinna ayaa meel laga wada qaaday! Muxuu yeelay markii colaaddu qaraxday? Ma sidaada ayuu gawaan kaga hayaamay/?

Gaatame: Naw, muxuu yeeli lahaa! Dee gulufkii jiray ayuu caanihiisii u daray. Abeesadii oo sooryo doonaysa ayuu eebo ku riddeeyay! Dirqi ayay ku baxsatay. Lafaheedii ayay la carartay, oo god ayay madaxa la gashay. Wax la yidhi qof sigtay ma nabad-gelin. Maalintaa dirqi iyo faro-ciddiddood ayay ku badbaadday.

Gadhle: Naw, oo tani waa adduunyo’e miyaanay mar kale wax isaga baahan?

Gaatame: Miyuu ka maarmayaa! Mayee sannadkii ku xigay ayuu boqorki ku amray in ay saadaal kale bixiyaan. Faaliyihii oo qoomammo la tiicanaya, farta dhexda ka qaniinay oo ka murugaysan abaal-xumidiisa ayay abeesadi ku tidhi “aniga ayaa ku dhaami doona. Sannadka bilanayaa waa xilli xilli abaareed. Kaydsada waxa gacantiinna ku jira”. Mar kalena tabtii ayay u dhacday, waxa dhab noqday tilmaantii abeesada. Abaar la mid ah gaatama, dabadheer IKK ayaa dad iyo duunyaba naafaysay.

Gadhle: Faaliyihi miyuu qadiyay abeesada mise wuu abaal-celiyay?

Gaatame: Abaalkee? Yaa abaaraha dheglay isu dara! Wuu dayrshay, waayo gunnada la siiyay waxa ay ahayd mid isaga uun ku filan. Way ladnaydba haddii aan abeesada daalac laga doonin. Yaabku-se waxa uu dhici doonaa kolka saddexaad ee ay kulmaan!

Gadhle: Gu’gaasna maxaa jiray ma xanuun iyo aafaad, kollay sheekadaaduba samaan ma xambaarsana’e?

Gaataame: Oddorosku waxa uu noqday xilli barwaaqeed. Hagar li’ ayay ugu sheegtay nimcada la durduuran doono. Wuxuu doonay inuu wax ka siiyo abaal-gudkii uu labada jeer ka qadiyay. Laakiin way ku gacan-saydhay waxaanay tidhi “Gugii colaadda liiskii cadawga ayaad igu dartay ceebna ma aha! Wakhtigii abaartana waa la is-wada qadinayay ceebna maaha! Maanta waa barwaaqo, qofna qof waxba ugama baahna!. La noqo cadh-quudheedka aad soo walwaalshay!

Gadhle: Madaxweyne, dhallinyaradu waxay ku tidhi “kama liidatid faaliyahaas. Immisa wacad ayaad nagaga baxday! Immisa ayaad nagu guurtay! Imissaad furtay xafiis shaqo-abuur oo aan dib loo maqal! Maanta waxa aanu cod, cudud, caqli iyo cilmi ku taageeraynnaa murashaxiinta kaa ayniga yare ee indheer-garadka ah! Looma baahna inaad na horjoogto illaa lixdankii!.

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Facebook: Saeed Mohamoud Gahair Hargeysaawi

saedmgahair@hotmail.com0907714333