Maxamed Saleebaan Tubeec: Erey sagootis ah

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, Heesihii uu maalintaa duubay waxa ka mid ahayd hees uu mar keliya oo ahayd 1964kii Radio Hargeysa u duubay, dib dambena aanu marna u qaadin. Waxa loo tumayay muusiggan casriga ah ee muusiggu ma ahayn kii dhaqameed ee Cuudka.

MAXAMED SALEEBAAN TUBEEC

“Giddigeed adduunyada intii, geesi lagu faanay,

 Gocasho iyo magac baa ka hadha, gobi u aydaaye,

 Waad gudatay Muusow xilkii, kula gudboonaaye,

 Guushii ifkiyo aakhiroba, lagu guddoonsiiye,

 Gol-dalooladeennii kuwii, kula gufayn waayay,

 Ee nolosha kugu gabay ayaa, taagan goonyaha  e’,  

 Markaad guurtay bay leeyihiin, Ina Galaaloowe,

 Mar haddaanad geerida horteed, geesiga aqoonsan,

 Gablan weeye Soomaalidaay, garashadaadiiye,”

Maansadii Galaal ee Cali Sugulle Dun-carbeed, 1980kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

21/3/20014ka, Hargeysa,

Qormada 6aad

Dhacdada 3aad

Waa dhacdo kale. Mar kale ayaan nasiib u helay in aan dhegaysto Maxamed Saleebaan Tubeec oo ay BBC-du wareysanaysay. Wuxu joogay dalka Swizerland, gar ahaan magaalada Geneva. Waxa laga wareysanayay cajalad ay ku jireen dhowr heesood (album) oo uu lahaa. Maxamed wuxu

ku sugnaa meel ‘studio’ ah oo waqti xaddidan loo kireeyay si uu u duubo qaar ka mid ah heesihiisii. Muusigga waxa laga tumayay magaalo ku taalla Mareykanka oo labada dhegood ayuu ku haystay samaacado uu muusigga ku dhegaysto.

Maxamed Saleebaan Tubeec maalintaa wuxu wareysigiisaa ku sheegay in aanu wax tababar ama diyaargarow ah samaynin, bal se uu muusiggii ku heesay isla markii la soo daayayba. Maxamed wuxu maalintaa ku sheegay wareysigiisaa in aanu daqiiqadna ha noqoto e’, wax diyaar-garow ah samaynin. Waa wax ay adag tahay sida lagu sameeyaa oo aanu qof waliba samayn karayn, bal se ka suurtowday Maxamed Saleebaan Tubeec.

Heesihii uu maalintaa duubay waxa ka mid ahayd hees uu mar keliya oo ahayd 1964kii Radio Hargeysa u duubay, dib dambena aanu marna u qaadin. Waxa loo tumayay muusiggan casriga ah ee muusiggu ma ahayn kii dhaqameed ee Cuudka iyo durbaanka ahaa. Heestu waxay ahayd heesta hal-ku-dheggeedu yahay: “Waan duuli gaadhay sida dabaysho.”

Hal-abuurkii, murti-dhaadhigii, laxan-dhaadhigii maadeeyaha ahaa ee Xuseen Jaamac Rooble (Xaaji Gujis) ayaa iiga sheekeeyay in uu heestaas ereyadeeda ku curiyay gaaf (aroos) ay ka qayb-galeen oo Hargeysa ka dhacay 1964kii. Xaaji gujis wuxu intaa iigu daray in ay isla habeenkiiba codka saareen, subaxnimadiina Radio Hargeysa u duubeen.

Fahmada iyo surmo-seegto la’aanta muusigna sidaas ayuu ka ahaa Maxamed Saleebaan Tubeec.

Xanuunkii iyo geeridii

Maxamed Saleebaan Tubeec, sida in badan oo la mid ahayd ama la xirfadba ahayd wuxu dibad-baxay dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya sadheeyay. Calafka iyo nasiibkuba waxay geeyeen dalkaa Swizerland oo aan marti-gelin dad badan oo Soomaaliyeed. Fannaaniinna waxaan u malaynayaa in uu keli ahaa haddii aanu qof kale wehelin.

Maxamed, wuxu ku xanuunsaday Swizerland, ka dibna waxa loo soo qaaday dalka Jarmalka. Xaaladdiisii caafimaad ayaa laga deyriyay. Qaylo-dhaantii ayaa is-qabsatay. Baaq dheer oo gurmad iyo taakuleynba lagu dalbanayo ayaa meel walba loo diray. Shacbiga Soomaaliyeed meel ay joogeenba waa lala hadlay. Maammullada kala duwan ee degellada Soomaaliyeed ayaa lala hadlay. Cidba meel ay tamari dhigtayba laga soo gurmay.

Maxamed xaqii ayaa ku soo degay, isaga oo ay la joogeen laba ka mid ah carruurtiisii. La-ye Maxamed Saleebaan Tubeec intii aanay naftu ka bixin wuxu ku dardaarmay in lagu aaso magaalada Berbera oo ay ku aasan tahay hooyadii Shaqlan.

Muran iyo dood ayaa ka dhacay. Waa la kala jiitay. Berbera ayaa la geynayaa. Maya e’ Muqdisho ayaa loo qaadayaa. Hadal iyo hadaaq badan ka dib, Maxamed Saleebaan waxa lagu aasay magaalada Muqdisho. Nin walba halkii Ilaahay u qoray ayaa lagu aasayaa.

Cid kasta oo Maxamed Saleebaan u gurmatay waa ay mahadsan tahay. Geesta kale haddii aad iska taagtana xil saarnaa oo isaga iyo dad kaleba ka saarnaa ayay gudatay Xukuumadda Muqdisho..

Maxamed, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, waxay ahayd in loo tix-geliyo dardaarankiisii ahaa in Berbera lagu aaso. Si kale haddii aan u dhigana, Maxamed ruuxiisii halkii uu jeclaa ayuu tegay ee bedkiisii ayaa lagu aasay Muqdisho.

Haddii Muqdisho lagu aasayna waa degel Soomaaliyeed oo ubadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba soo booqan karaan. Kol haddaan meel baas iyo reero muskood iyo dibad la inagaga aasin, waa Ilaahay mahaddii.

Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo, dhammaanteenna, samir iyo iimaan ha ka siiyo.

Dhammaad