Gadhle & Gaatame: Madaxweyne Siilaanyo Kama Liito Faaliyihii Wacadka La Galay Abeesada! Qaybta 1aad

Gadhle iyo gaatame… Waa qormooyin duurxul ah. Waa gurmad u hiilin doona dulmane kasta.. Waa gantaallo loogu mashxaradi doono sidii Dubbe iyo Doolaal ay Xisbiga KULMIYE ugu riyaaqi jireen intii aan lagu wareejin dal iyo dad midaysan, ee uu daaddihin jiray Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga Somaliland… Waa gumacyo looga nixi doono sidii saska iyo selelka looga qaaday qormooyinkii ciwaankoodu ahaa “Magacaabistaydii iyo Maagistaydii” ee uu sida runta iyo xaqiiqada ah inoogu daaddihin jiray Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

Ma maqasheen; “waa maadays adduunyadu dadkuna way metelayaan”. Waa taxane ah riwaayad ay iska kaashan doonaan Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista ERA, Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, Madasha Toosinta iyo Talada Qaranka, Golaha Macallimiinta Qaranka, Saxaafadda, Hal-abuurka iy cid kasta oo jecel midnimada, caddaaladda iyo horumarka Somaliland. Gadhle iyo Gaatame waxa ay idin leeyihiin xejista qosolka! Maalinba nin weyn oo aad xilkas u taqaanneen ayay maradu ka dhici doontaa!

Waa dhambaallo adeegsan doona hagoog iyo hadal sarbeeb ah. Maanta ayay bilaw yihiin. Waa qoraallo af-maldah ah. Jileyaal badan ayaa ka qaybqaadan doona. Waa kuwo loogu badheedhayo xadhig lagu dallaco sidii awalba loo taxaabay Abwaan Hadraawi 1973kii, Guuleed Daahir Samatar Badhasaab ku-xigeenkii hore ee Togdheer, Madaxdii Ururka Qaran: Dr Maxamed Cabdi Gabboose, Engineer Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid Ibraahin iyo dulmane kasta oo aragtidiisa suugaaneed, siyaasadeed, waxbarasho iyo halgan loo cabudhiyay.

Waa kuwo ummaddu ku baran-doonto qalin-maalka dhawaan loo geystay xadhigga, jidhdilka iyo nabaradda duudsiga ah (Siciid Maxamuud Gahayr) oo u mahad-naqaya cid kasta oo ka dhiidhiday shirqoolka loo maleego. Ma jecli in aan tacaddigan ku eedeeyo cid ka hooseysa ninka ay Gadhle iyo Gaatame u aqoonsan doonaan Taliyaha Guwaantannaamo, horena loogu yaqaannay magacyo ay ka mid yihiin Libaaxa hurda, shan-midable, Aasaasaha DULMIYE, abaal-laawe, danayste, siyaasi, aqoonyahan, guddoomiyihii ugu muddada dheeraa SNM, wasiirkii hore ee maaliyadda iyo qorshaynta, ninkii u babac-dhigay dawladdii kacaanka, geesiga iyo derejooyin badan. Maantana ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamuud Siilaanyo.

Gadhle iyo Gaatame, ma aha laba nin oo shacab ah waa garyaqaanno, macallimiin, abwaanno, siyaasiyiin iyo qoraayo u banbaxay loollan iyo tartan. Waxa ay ka soo aroorayaan hal-abuur diyaar u ah in uu buuxiyo kaalintii run-sheegnimo ee halgamaagii caan-baxay ee Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye, Eebbe ha u naxariisto’e, iyaga leh “annaga ayaa gelanynna kaalinta laf-dhabar ee geeridaadu nagu bannaysay. Kaama maaranno, laakiin wedka ayaa mahuraan ah”.. Gadhle iyo Gaatame, waa niman hadalkoodu yeelan doono sogordoh, anshax iyo asluub. Waa kuwan iyaga oo sheeko wadaagaya.

Gadhle: Waar maanta waan arkaa giirka aad iska kicinaysee yaad tahay?

Gaatame: Waxa an ahay Galoolkii aad doorateen 26/June/2010kii. In aan shan-midable ahay waad ogeydeen. In aan abaal-laawe ahay waxa sheegay Mujaahid Cali Yuusuf (Cali-Gurey). Maantase waan gaadhay hankii iyo himiladii aan lahaa. Sidii aad iigu wareejiseen dal iyo dad midaysan waan bogaadinayaa. Weli waxan isu aqoonsanahay galoolkii wanaagsanaa ee maydhaxda, hadhka, dhigta, udubka iyo dheeftaba aad ka heli jirteen, laakiin markii aad sanaadhka iyo buuqa iga deyn weydeen, waxa aan gartay in aan Wasiirka Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland u magacaabo dharkayn aan uga mahad-naqayo

1.      Sida uu ugu fashilmay ciyaarihii Gobollada ee u maamulay naadigii ka yimi Gobol-weynaha Togdheer

2.      Amar-ku-taaglaynta iyo cabudhinta uu ku hayo dadka gobta ah ee Reer Caynabo. Ma jiro qof deegaankaas ah oo ku biiri kara xisbiyada UDUB iyo Xaqsoor

3.      Tigtigista Sheekh Mustafe Jaamac Koosaar oo ay walaalo yihiin Guddoomiye ku-xigeenka Afraad ee Xisbigii UDUB Marwo Hinda Jaamac Xirsi iyo ………

Gadhle: naw, waar aniga miyaanad i weydiinayn qofka aan ahay? Sawdigan khudbad dheer ii galay?. Waxan ahay dhallinyaradii Somaliland ee aad shalay ku odhan jirtay “Intiinna aan maal-xatooyada iyo manaxtooyada gaadhin…. Bahdiinna aan Maxamed Daahir Rayaale la kulmin, dumarka iyo dhallinyarada ayaan isku hallaynayaa. UCID waa gun, KULMIYE waa gob. Haddii la i doorto, waxa aan Wasiirka Dhallinyarada u magacaabayaa nin da’yar… Faqash baan idinka xoreynayaa… Hayaay, ka kacaay” Maxaa ku dooriyay? Goorma ayaad miyir-qabtay ma shalay mise maanta?

Gaatame: Ma waxa aan ka liitaa faaliyihii maalinta daran abeesada wacadka la galay ee ku badhi-faray. Aniga ayaa ka mudan rahii qaanta la siiyay xilliga jiilaalka!.

La soco haddii Alle idmo

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Facebook: Saeed Mohamoud Gahair Hargeysaawi

saedmgahair@hotmail.com