Madaxweyne Siilaanyo oo Tacsi u diray qoyska Caaqil ku Shil Baabuur ku geeriyooday

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Sulaadiinta, Cuqaasha, Caaqilada, Madax dhaqameedka iyo Dhammaan Shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Caaqil Cabdi Maxamed Cigaal oo ku geeriyooday Magaalada Hudise ee Berbera 20/03/2013.

tacsi1

Madaxweynuhu sidoo kale waxa uu tacsi taasi la mid ah u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay marxuumku, isaga oo illaahay uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Sulaadiinta, Cuqaasha, Caaqilada, Madax dhaqameedka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

 

 

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

     Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.