M. Saleebaan Tubeec: Erey sagootis ah: Q/4-aad

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, Qormada 4-aad. Meelaha ama munaasibadaha sida gaarka ah loogu calaamadsaday Maxamed Saleebaan Tubeec fannaanimadiisa iyo cod-wanaaggiisa waxa ka mid ah fursaddii calan-saarkii 26kii Juun ee 1960kii oo ka dhacday ama ku qabsoontayba Beerta Xorriyadda ee Hargeysa.

Tubeec

 “Giddigeed adduunyada intii, geesi lagu faanay,

Gocasho iyo magac baa ka hadha, gobi u aydaaye,

Waad gudatay Muusow xilkii, kula gudboonaaye,

Guushii ifkiyo aakhiroba, lagu guddoonsiiye,

Gol-dalooladeennii kuwii, kula gufayn waayay,

Ee nolosha kugu gabay ayaa, taagan goonyaha  e’,  

Markaad guurtay bay leeyihiin, Ina Galaaloowe,

Mar haddaanad geerida horteed, geesiga aqoonsan,

Gablan weeye Soomaalidaay, garashadaadiiye,”

Maansadii Galaal ee Cali Sugulle Dun-carbeed, 1980kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

18/3/20014ka, Hargeysa,

Qormada 4aad

Heesihii 26kii Juun

Meelaha ama munaasibadaha sida gaarka ah loogu calaamadsaday Maxamed Saleebaan Tubeec fannaanimadiisa iyo cod-wanaaggiisa waxa ka mid ah fursaddii calan-saarkii 26kii Juun ee 1960kii oo ka dhacday ama ku qabsoontayba Beerta Xorriyadda ee Hargeysa. Markii hore labada calan – Ingiriiskii iyo kii Soomaalida waxa la isku weydaariyay garoonkii kubadda cagta ee Malcaamadda Ina Baraawe u dhawaa. Waa goobta uu Timacadde ka jeedinayo maansada cir-baxday ee “Kaana sib, kanna saar.” Waa goobta uu Ibraahin-dheere ka dhisay Masaajidka oo hore u ahaan jiray xaruntii Xaafaddii 26kii Juun. Bilowgii goobtu garoon carruurtii aan ka midka ahaa kubbadda ku ciyaarto ayuu ahaa.

Habeennimadii waxa la isugu tegay Beerta Xorriyadda. Laba kooxood oo faneed ayaa ka heesayay: Walaalo Hargeysa iyo Kooxdii Xisbiga NUF-ta ee ay ka midka ahaayeen Cismaan Maxamed, Siraad iyo Cali Jimcaale oo muusigga tumi jiray. Maxamed Saleebaan Tubeec Kooxda kale oo Cabdillaahi Qarshe madax u ahaa ayuu la socday.

Heesihii Maxamed Saleebaan Tubeec habeenkaa madashaa billayd ka qaaday:

1.       Soomaaliyeey dallacnoo, manta dawlad baynu nahee oo uu ereyada, laxanka iyo ku-luuqayntaba uu isagu iska lahaa,

2.       Caawa waa habeenkii oo uu ereyada, laxanka iyo codkaba iska lahaa,

Waxa kale oo jirtay in uu Maxamed madashaa habeenkaa ka qaaday heesaha kala ah: Waa mahad Allee, Alla Maanta ayaantan iyo qaar kale oo badnaa oo uu luuqdooda iyo dareenkoodaba ku xarragooday dhego baanna ku soo jiitay.

Halkaa markii uu marayay ayaa Maxamed Saleebaan Tubeec, wuxu wareysigiisaas Somalilandtoday ku odhanayaa: ka dib waynagii is-dhiibnay ee Xamar la wada tegay.” Wuxu sheegay in markii ay dadkii Xamar u hayaameen fankiina raacay.

Maxamed Saleebaan Tubeec, wuxu intaa ka dib ka sheekaynayaa fannaniintii ay halkaa ugu tageen waxaanu xusay magacyada kala ah:

Muusigyahannada: Xuseen mabruuki, Baajuuni iyo Maxamed Siciid oo dhammaantood uu ku sheegay Baajuun. Magacyada kale ee uu xusay waxa ka mid ahaa: Axmed Naaji, Xareedo Faarax (Duniya) iyo Qadiija Cabdillaahi Dalays. Wuxu Maxamed sheegay in aanay heeso lahayn bal se ay qaadi jireen wixii ay Radio Hargeysa ka dhegaystaan.

Haddii aynu u leexanno dhinaca Riwaayadaha, Maxamed Saleebaan Tubeec raad caynkaas ah kagama tegin. Marka aynu dhex qaadno taariikhdiisii faneed, waxa dhacday in Maxamed saleebaan Tubeec jilaaga 1aad ka noqday laba Riwaayadood oo muhiim ahaa. Riwaayadahaasi waxay kala ahaayeen:

Alla-aammin ma iisho, waxa curiyay Axmed Saleebaan Bidde. Waa Riwaayaddii uu ku caan-baxay. Waa sannadkii 1964kii iyo magaalada Hargeysa. Asalkeedii hore Riwaayadda (original) waxay jilayay Seynab Xaaji Cali, Baxsan iyo Maxamed Yuusuf Cabdi. Mar kale ayaa Riwaayaddan la qaadayaa, markanna waxa jilaa ka noqday Maxamed saleebaan Tubeec iyo Faadumo Cabdillaahi, Maandeeq. Maxamed Aadan Dacar, wuxu ii sheegay in ay Riwaayaddaa Cadan u qaadeen.

Riwaayadda 2aad ee aan Maxamed Saleebaan Tubeec, ku bartay kuna daawaday waxa iska lahaa Cabdilqaadir Cali Cigaal. Waa dhowr iyo toddobaatankii iyo Muqdisho. Waxa jilayay Maxamed Saleebaan iyo Magool. Magacii ma xusuusni, laakiin waa Riwaayaddii ay ku jirtay heesta caan-baxday ee Nayruusku waa.

Dhowr Riwaayadood oo uu xataa samayntoodii wax ku lahaa isla markaana jilay ayaa jiray oo ay ka mid ahaayeen:

1.       Jacayl boob uma baahna,

2.       Isa-seegga jacayl,

Haddii aynu u noqonno dhinac noloshiisii qoysnimo, Maxamed Saleebaan Tubeec tiraba 3 jeer ayuu guursaday. Wuxu kala guursaday:

1.       Qadiija Ismaaciil: 3 wiil iyo 2 hablood,

2.       Faadumo Duur: 1 wiil,

3.       Xaawa Aadan: 1 gabadh, 

Maxamed Saleebaan Tubeec, wuxu ku sheegay wareysi ay BBC-du ka qaadday in uu aabbihii gabyi jiray. Maxamed, wuxu wareysiyadaa ku tiriyay tuducyo ka mid ahaa afarrey uu aabbihii tiriyay mar magaalada Berbera lagu xidhay. Waxaan aad uga xumahay in aanan halka ku soo gudbin karayn luuqdii macaanayd ee uu Maxamed tuducyadaa ku tirinayay. Waa kuwan labadii tuduc:

Aabbihii oo ka cabanayay Adeerkii Cali oo xabsigii ugu iman waayay ayaa yidhi:

 “Aw Cali sifaa duunyadii, gelinba waa cayne,

 Waxaad igu salaantaa berriyo, saad dambaan imanne,

 Wixii sadkaa laga dhigaad, igu sabaysaaye,

 Ha ii soo fidin hadalkaagu waa, sun iyo waabaye,”

Maxamed Saleebaan wuxu intaa ku daray in beryahaa qofka la xidho silsilad lagaga jebin jiray lugaha oo haddii cidi u timaaddo laga furi jiray. Saleebaan wuxu bilaabay in uu ka cawdo silsiladdii ku xidhnayd ee adeerkii uga soo gurman waayay, waxaanu yidhi:

“Addimmada bir baa igaga jaban, agab-la’aaneede,

Edge baa la igu oodayoo, la igu eegaa dheh,

Ardaygaba haddaan macallin wadin, ma aflaxeen diin dheh,

Usha kulul haddaan lagu gubayn, erey ma yeedhsheen dheh,

Anigana sidii oori dumar, edeg la ii ood dheh,”

(la soco berri haddii Eebbe idmo…)