Dariiqa guusha iyo Xaqiijinta Himilada! Q.1aad

Qalinkii Suleiman Bashir Omar, Allaa mahad leh, ammaan oo dhan isaga ayaa leh, qofkuu hanuuniyo ayaa hanuunsan, ninkuu lumiyana wax hanuunin karaa ma jiraan.

SAM_4272

Waxaan kaga hadli doonaa qormadeenan oo ka koobnaan doonta dhawr qaybood rabitaanka guusha, sida ugu fudud ee lagu gaadhi karo iyo astaamaha guusha ama  qofka guusha raba. Qormadaan waxaan u doortay inaan intii karaamkayga ah inooga iftiimiyo guusha iyo waxay tahay oo ah waxa qofkastaa maanta uu u ooman yahay inuu helo gaar ahaan dhalinta hada nolosha bilaabaysa ama soo koraysa oo hiigsanaaya meelo kala duwan qabana fikiro kala duwan, akhristoow adiguna ka mid tahay. Marka la soco qormadaan oo wax badan kaa badali doonta !!!!

Intaas kadib, waan hubaa inaan dhamanteen rabno inaan guulaysano Aakhiro iyo Aduunba, Allaha inagu hago dariiqa Guusha dhamaanteenba.

Guushu waa shay qofkasta raadinayo, waa shayga aan dhamaanteen ka midaysanahay, waa shayga Alle (SWT) ugu baaqay dhamaan bani-aadamka isagoo sabab uga dhigay raacitaanka Wadada toosan ee uu Alle iyo rasuulkiisa Suubani ba ina farayaan. Waa shayga ka sheekaynteedu fududahay balse xaqiijinteedu aad u adagtahay, waa shay ka dhaxeeya Aadamaha dhamaanti, waana waxa qofkastoo inaga mid ahi uu ku seexdo kuna soo tooso isagoo ka fikiraya siduu wax walba ugu guulaysan lahaa Ifka iyo Aakhiradaba, isagoo ka eegaya dhinacyo badan oo uu aaminsan yahay inay guushu ka dhawdahay. Hadaba guul doonow ma tahay qof diyaar u ah guul If iyo Aakhiro ah??

Waa waxa uu qofkasta oo inaga mid ahi uu subax walba ugu kalaho qabashada shaqo cayiman, taas oo uu aaminsan yahay inay wax ku kordhinayso halka uu rabo inuu gaadho.
Guushu waa wax laysku dayey in inbadan la ogaado, ama la helo dariiq loo maro, balse intaanan guda galin sida loo guulaysto aan horta eegno Maxay tahay Guusha dhabta ah?  

La soco qaybaha danbe oo aad kuu xiisa galin doona, oo aan filaayo inaad ka heli doonto jawaabta Su’aalo badan oo maskaxdaada ka guuxaya iyo tilmaamo kaa caawin doona inaad gaadho himiladaada.

ALLAA MAHAD LEH

Suleiman Bashir Omar

Borama, Somaliland

Email: ibnubashiir99@gmail.com