Sirta Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo!

Waxa qoray Cabdicasiis Mahdi Ahmed ‘Wiseman’ AFEEF: Arrinta kedisada ahayd ee mahadhada noqonaysa ayaa waxay tahay dhiirashada uu madaxwenuhu ku dhacay ee ah booqoshada deegaan xeebeedka Laasqoray oo ah markii ugu horreysay ee Madaxweyne Somaliland ka socdaa tago.

IMG_0466

Madaxweynaha Jamhuriyadda Somaliland MD. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa billaabay socdaal uu ku gaalaa bixinayo gobolada ay ka arrimiso xukuumadiisu min bogox ila bari, Lawyocaddo ilaa Laasqoray, waxuuna madaxweynuhu safarkiisa u adeegsaday inuu farriin cad u gudbiyo dad badan oo ay u muuqatay inuu madaxweynuhu ula danlahaa socdaalkiisan.

Socdaalkan oo aan anigu ‘TURXAAN BIXIYE’ugu magac darray ayaa kusoo beegmay xilli ay dadweynaha Somaliland is weydiinayeen ‘meeyey madaxweynihiinii aad doorateen??’ tan ayaa marag u ah in madaxweynaha ay soo gaadhay waydiintaasi damcayna inuu Waydiintaa kaga warceliyo hab ficil ah halkii uu hadal ahaan uga jawaabi lahaa.

DULUCDA MAQAALKA:

Sidaynu kawada warqabno wuxuu madaxweynuhu socdaalkiisa ka billaabay galbeedka dalka isagoo intii uu ku gudajiray safarkiisa ‘TURXAAN BIXIYE’-na rumeeyey amuuro tiro badan

o u muuqday riyo aanu dalku weligiis ka lib keenaynin. Arrimahaan aan carab dhabay waxaa ugu tun weyn oo aan soo qaadanayaa:

1. Madaxweynuhu wuxuu si xor ah oo xarrago leh u dhex mushaaxay magaalooyinka uu isu maray. Tusaalaha ugu culus ee aan cuskanayaana waa salaadii Jimce ee uu madaxweynuhu markii ugu horraysey la oogay dadweynaha magaalada Berbera.

2. Madaxweynuhu wuxuu jebiyey deyr ahaa suurto galnimada madaxweyne waqti la qaato dadkiisa, siiba da’yartiisa. Waxaanu madaxweynuhu, iska daa inuu waqti la qaato oo keliyee, xitaa la badaashay dhalinyarta wax u baranaysa dalka ee dhigta Cilmiga badda ‘Marine biology’ee degmada Berbera.

3. Qodobka aan kusoo xusay kor ayaa sidoo kale laga dheegan karaa farriin dhayda ka cad oo uu madaxweynuhu u diray cidkasta oo aaminsan in madaxweynuhu hawl-gab yahay ‘Xag caafimaad; jidheed iyo maskaxeedba’.

4. Safarka madaxweynaha ayaa laga dhex akhrisan karayey dhambaal ku socda dadwenaha dalka u dhashay ee ku dhaqan debada dalka iyo kuwa aan u dhalan ee daneeya nabada dalka, farriintaas oo ahayd dalka Somaliland nabad la isku hallayn karo, oo u saamaxday madaxweynihii dalka inuu si nabada ula daanshoodo dadkiisa min dacal illaa daraf, ayaa taalla.

5. Arrinta kedisada ahayd ee mahadhada noqonaysa ayaa waxay tahay dhiirashada uu madaxwenuhu ku dhacay ee ah booqoshada deegaan xeebeedka Laasqoray oo ah markii ugu horraysay ee madaxweyne dalka ka socdaa uu cago dhigto magaalada Laasqoray!!

6. Qodobkan aan kor kusoo carrabaabay ayaa wuxuu isna watay ismuujin uu hoggaanka dalku is muujinayo inuu awood u leeyahay inuu amintuu doono booqan karo arladuu doono oo dalka ka mid ah.

GUNAANADKII:

Gabagabadii Sirta socdaalka Siilaanyo ayaa waxay ahayd quus goyn cidkasta oo nabada ku durrayda kuna xanuusata horumarka la gaadho.

Allaah ayaa mahad leh.

W/Q:C/casiis Mahdi Ahmed ‘Wiseman’

Email: muslim.guudcadde@hotmail.com

Tell: +252 63 4396459

Qoraalkan waxa Masuuliyaddiisa leh oo ay u gaar tahay qoraaga, maaha mid ay Aftahannews leedahay Masuuliyad ahaan, hase-yeeshee, waxaannu u baahinnay dhiirrigelinta qoraaga, fikirka xorta ah iyo is-weydaarsiga aaraahda iyo rayi-dhiibashada Bulshada Akhristayaasha iyo Qorayaasha.