M. Saleebaan Tubeec: Erey sagootis ah: Q/3-aad

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, Qormada 3aad. Waxa habboon inta aynaan halkan isla dhaafin in aynu kala saarno Heellooyinka iyo Heesaha oo labadaba muusig raaco. Heellooyinku waa qaraamiga. Waxa laga tidcaa oo laga soohaa oo keliya Badda Dhaantada ee Maansada Soomaaliyeey. 

MAXAMED SALEEBAAN TUBEEC

 “Giddigeed adduunyada intii, geesi lagu faanay,

Gocasho iyo magac baa ka hadha, gobi u aydaaye,

Waad gudatay Muusow xilkii, kula gudboonaaye,

Guushii ifkiyo aakhiroba, lagu guddoonsiiye,

Gol-dalooladeennii kuwii, kula gufayn waayay,

Ee nolosha kugu gabay ayaa, taagan goonyaha  e’,

Markaad guurtay bay leeyihiin, Ina Galaaloowe,

Mar haddaanad geerida horteed, geesiga aqoonsan,

Gablan weeye Soomaalidaay, garashadaadiiye,”

Maansadii Galaal ee Cali Sugulle Dun-carbeed, 1980kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Qormada 3aad

Waxa habboon inta aynaan halkan isla dhaafin in aynu kala saarno Heellooyinka iyo Heesaha oo labadaba muusig raaco. Heellooyinku waa qaraamiga. Waxa laga tidcaa oo laga soohaa oo keliya Badda Dhaantada ee Maansada Soomaaliyeed. Mowjaddan Heellooyinku iyada oo bilaabantay kontanaadkii qarnigii 20aad waxay ku soo af-jarmaysaa xilliyo ku beegnaa 1962kii. Heellooyinka magaca waxa la siiyaa codka ee lama siiyo ereyada. Heellooyinku baadi-soocda kale ee ay leeyihiin waxa ka mid ah in qof keliyi tirin karo iyo in la qalin-daraaleeyaba oo curintooda la wadaago. Waxa kale oo u gaar ah Heellooyinka in la wadaago oo heesaagu aanu kala lahayn ee ay wada qaadi karaan in kasta oo ay dhacdo in codadka qaarkood cid gaar ah oo ku wanaagsan lagu suntado.

Heesaha oo ka dambeeyay Heellooyinka magaca waxa la siiyaa midhaha. Heesaha waxa laga falkiyaa Badaha Maansada ee kale oo dhan ee aan ahayn Dhaantada oo Heellooyinka u gaar ah. Bal hadda u fiirsada in beydadka heellooyinka mid kasta lagu qaadi karo cod kasta oo waxa la kala duwayaa yahay laxanka ama codka oo keliya. Inta badan heesaha lama wadaago e’ intii hore oo dhan qof waliba heesta uu qaado ayuu iska lahaa, intii aanay soo bixin qurbo-jooggan aan dhaqammada caynkaas ah bir-ma-geydada ka lahayni. Labadaa marxaladoodba Maxamed Saleebaan Tubeec waa uu ka soo adeegay.

Sida aanu ka soo xigannay wareysi aad u dheeraa oo uu Maxamed Saleebaan Tubeec siiyay mareegta Somalilandtoday, yaraan ayuu fanka ku bilaabay isaga oo aan weliba helin cid gacan qabata oo macallin u noqota. Ku-sinnaan 1953kii ayuu bilaabay isaga oo 12 jir ahaa in uu durbaan iyo daf kaga heeso aroosyada magaalooyinka Berbera iyo Burco. Jabuuti ayuu qaan-gaadh ku tegay waxaanu hawl ka bilaabay Idaacadda Jabuuti oo uu markaa haystay Cabdiqaadir Waaberi.

Sida uu wareysigaa ku sheegay Maxamed Saleebaan Tubeec waxa beryahaa muusigga gacanta ku hayay niman Carbeed oo uu ka xusay: Maxamed Siciid, Cali Dammaan, Daaha, Xubeyri iyo Rashiid. Saaxiibbadii ayaa kula taliyay in uu tago Radio Hargeysa oo markaa shidnaa, sida uu ku tilmaamay wareysigaasi dheeraa. Waxay wada socdeen Maxamed Nahaari oo ay walaalo ahaayeen Ismaaciil Nahaari. Maxamed Nahaari kamanka ayuu tumi jiray, Ismaaciilna Dhex-yarta ama Rabaabka. Dhalasho ahaan Hindi ayay ka soo jeedeen. Waxay ku degeen Maxamed Siciid Faarax, Gu’-roon-jire oo qabay Maxamed Nahaari walaashii oo markii dambe ka dhimatay iyada oo carruur u lahayd.

Maxamed Siciid Faarax ayaa Maxamed Saleebaan Tubeec hello u tumay. Codkiisii ayuu ka yaabay. Aroortii Radio Hargeysa ayuu geeyay oo uu saddex heesood ka qaaaday oo kala ahaa: Carwo, Laac iyo Aroor. Sidii ayaa lagu qaatay laguna shaqaaleeyay. Waxa loo qoray mushahar ahaa: 230 shilin oo markaa u dhignaa lacag badan. Waxaan si fiican u xusuustaa in dhowr iyo lixdankii, magaalada Muqdisho sarrifka halka dollar ahaa lacag u dhiganta 6 shilin oo Soomaali ah. Abu-bidaarkaasi sidaas ayaanu qiimo u lahaan jirin, dadkuna aanay Hay’ado iyo Mareykan u sugi jirin. Ilaahay ayuu dadku u ciirsan oo la baryi jiray, iimaankana waa la qabay. Fiisayaashan lagu waashay cidiba ma doonan jirin iyada oo ay dalal badan Soomaalidu u fasaxnayd in ay bilaa fiise ku gasho oo Jarmalku ka mid ahaa beryaha qaar.

Wareysigan uu siinayo Somalilandtoday, Maxamed Saleebaan Tubeec oo ka sheekaynayay fannaaniintii berigaa joogtay Radio Hargeysa wuxu ka xusay: Cabdillaahi Qarshe,  Balweeye, Maxamed Yuusuf Cabdi iyo Cismaan Maxamed Cabdikariim oo raga ahaa. Dumarka wuxu ka xusay: Xaafuun, Nooleeya, Guduudo-carwo iyo Iftin.

Maxamed, wuxu ka sheekeeyay in uu kala kulmay waxoogaa hinaase ah codadkii uu la wadaagi jiray heesaaga kale. Markii dambe ayay heesaagii isu tegeen oo ay go’aansadeen ama soo jeediyeenba in aan qofna heestiisa laga daba qaadi karin. Xaaji Cabdi Ayuub ayay ula tegeen isaguna wuxu u gudbiyay madaxdii ka sarreysay oo kala ahayd Mr. Weber iyo Cabdiraxmaan Caabbi Faarax. Sidaas ayuu go’aankaasi ku meel-maray, Maxamedna wuxu intaa ku daray in aanay markaa wax la qaadaaba u hadhsanayn.

Maxammed Saleebaan Tubeec, wuxu intaa ku daray oo raaciyay in hal-abuurku ninba ninka xiga inta badan u dhiibi jiray heesaha. Waa iska dhaqan dabeecad inoo noqday immikana waa laga sii darayba oo wax waliba waxay iska noqdeen xigto-miis. Maxamed kama saarin meesha in uu hal-abuurka intiisa badan heesaha iyo ereyadaba ka heli jiray oo aanay kaga masuugi jirin.

Wixii intaa ka dambeeyay, Maxamed wuxu ku biiray halgankii siyaasiga ahaa ee xoreynta dalka isaga oo ka mid noqday xisbigii SNL (Somali National League). Inta badan fannaaniinta heesaha waa loo samayn jiray, ragga wax allifana waxa ugu mudnaa: cabdillaahi qarshe iyo Gu’-roon-jire.

Maxamed isaga ayaa samaysan jiray heesaha uu qaadayo, tii ugu horreysayna waxay ahayd: Ina-abti Hodaneey. Heesaha kale ee berigaa caan-baxay waxa ka mid ahaa: Bal dadyow adduunka, Ammaanada Ilaahay, cimrigiiba jacayl iyo qaar kale.

Laba heesood ayaa beryahaa hal-ku-dheg noqday oo uu labadaba ereyadooda iska lahaa Xuseen Aw Faarax Dubbad. Haddii aanan khaldanayn sannadku waa 1964kii. Magaaladu waa Hargeysa beryihii ay shidnayd ee ay ahayd xarunta fanka, suugaanta, riwaayadaha iyo idaacadaha Soomaaliyeedba.

Ammaanada Ilaahay waxa la odhan jiray waxa loo tiriyay Maryan Xaashi oo madaarka Hargeysa Qaahira uga baxaysay. Waxay deeq-waxbarasho oo muusigga ka heleen dawladdii Masaarida. Waxa wada tegay: Axmed Cali Haaruun, Feysal Cumar Mushteeg, Axmed Maxamed Good iyo Maryan Xaashi. Beryihii dambe magacii Ammaano waxa loo bixiyay Maryan Xaashi.

(La soco……………………)

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

Maxamed Saleebaan Tubeec: Erey sagootis ah, Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, Qormada 3aad

Waxa habboon inta aynaan halkan isla dhaafin in aynu kala saarno Heellooyinka iyo Heesaha oo labadaba muusig raaco. Heellooyinku waa qaraamiga. Waxa laga tidcaa oo laga soohaa oo keliya Badda Dhaantada ee Maansada Soomaaliyeed

Description: Tubeec“Giddigeed adduunyada intii, geesi lagu faanay,

Gocasho iyo magac baa ka hadha, gobi u aydaaye,

Waad gudatay Muusow xilkii, kula gudboonaaye,

Guushii ifkiyo aakhiroba, lagu guddoonsiiye,

Gol-dalooladeennii kuwii, kula gufayn waayay,

Ee nolosha kugu gabay ayaa, taagan goonyaha  e’,

Markaad guurtay bay leeyihiin, Ina Galaaloowe,

Mar haddaanad geerida horteed, geesiga aqoonsan,

Gablan weeye Soomaalidaay, garashadaadiiye,”

Maansadii Galaal ee Cali Sugulle Dun-carbeed, 1980kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

17/3/20014ka, Hargeysa,