Fikirkii Habeen -nimo! W/Q. Cabdishakuur Raage

W/Q. Cabdishakuur Raage. Caawa xilli dambe ayuu soo hoyday, kadib wakhti badan oo uu albaabka garaacayey oo waliba uu shiid iyo dhagaxaan ugu daray, waxa ka furtay walaashii oo da’ ahaan ka yar iyadoo karahsan, hiifaysa, haaraamaysa, hoosna u gunuunucaysa. Waxa uu inantii ku cannaantay in ay hore uga furi wayday, markii uu albaabka sidaa uga soo galay ayaa uu la kulmay hooyadii oo habaartamaysa “bal dibjirkaa xun eega, xilligaas uun buu shiid nagu wada kiciyaa, wax allaala wax uu soo kordhiyana lama yaqaan, sammada loola baxa baasi.”

Raage

Isaga oo aan garawsan doodda hooyadii ayuu ku dhaafay yuus iyo yooyootan qolkiisana hore u sii xuluushay, waxa uu ka soo baxay isaga oo macawis yar iyo dacas gashan, “cashaddii meeday?” ayuu isaga oo cadho madax marsan ku tiraabay, “Jabcadda daboollan bal ka eeggo,” ayey walaashii ugu jawaabtay. Bariis yar oo qaboobay, laakiin mallaha markuu diirranaa aad u macaanaa ayaa uu afka ku jiiday, kadibna xaggaa furaashkiisa u dhaqaaqay.

Wax helayba hore indho isuguma geyn, waxa u bilaabmay galgalad iyo is-rogrog waxay isku soo fakadeen fikir, faalayn iyo falanqayn. Waxa uu  xisaabiyey halka uu wax marinayo,  hannaanka uu nolosha u wajaho iyo halka uu ku wado, waxa uu is tusay da’da uu jiro iyo sida aanay waxba ugu soo kordhin, qayrkii waxa ay qabsadeen ee  bulshadu ku tixgaliso iyo halka uu isagu ku jiro dhalanteed, dhayalsi iyo dhacdiid u jiif.

Waxa uu naftiisa kula shawray “Ma yarid oo nin weyn oo gadh iyo gafuur leh baad tahay, maanta haddii uu  reer yagleeli lahaana carruur arlada ku soo kordhin lahaa. Himilo, hiigsi, hayaan iyo hindise nololeed ma lihid. shaqo kuma fooganid haddana ma fadhiisatid, camal ma haysid mar walbana  mashquul baad tahay.  Jaamacad baad dhigataa waxba aanad ka ogayn meel ay wax dhigistu ka maraso. Habeen walba waxaad soo hooyataa xilliga diigu cida u diyaarka yahay. Reerkana waxaad ka sii siddo mooyee waxba kuma soo kordhisid.”

Isaga oo jiifa oo wali dhex mushaaxaya tashi xooggan oo uu nafta  kula jiro ayuu dhinaca kale isu rogay,  haddalkiisiina ku ladhay “horta xaqa hooyadu kugu leedahay sawdiga og.  iskadaa xaq aad ka jawaab celiso’e dhib iyo hagardaamo kaama waydo. Maxaa kuu diiday in aad xilli hore iska soo hoyato? saw  fiid horeba jaamacadda kama soo baxdid?  Waxa aad intaa ku maqan tahay haddal iyo laqwi uun saw ma aha?

Markii uu su’aalahan is weydiinayey  waxaa qalbigiisa ka hugmayey dareen murugo huwan.

Waa kan sii dhex muquurtay tooyasho hor leh oo uu nafta ku harqiyey: “haddii aad sidan wax ka bedesho tolaw ma ku dheefaysaa? Wakhtigaaga intiisa badan waxaa kaa cuna sheeko, meel fadhi iyo ciyaar daawasho’e horta iyaga kuwan ciyaaro ah maxaa kaa soo gala? Ciyaartiiba waxa kaaga luma laba saacadood marka ay dhammaatana kalama soo kacdid wax faa’iido leh. Murankoodu ma dhamaado, cid isu garawda arki maysid, or iyo qaylo ayaa dhuunta ku qalajisa. nin aan ku ogayn wax aad ku sugan tahay ayaa aad u sacab tuntaa, u dabran tahay, u dooddaa, u abtirisaa, da’diisa iyo hayntiisana ka war qabtaa, ku dayataa oo si indho la’aan ah u canjishaa dhaqankiisa.  Bal haddii wakhtiga halkaa kaaga baxa aad ku bedesho wanaag, wax korodhsi, wacdi qaadasho, wax akhhris iyo wax qoris qayrkaa ma gaadhi lahayd?.

Maalin walba marka ay cadceedu soo baxdo iyo habeenkii oo dhan maxaad ku shuqlan tahay? Waxba, khasaare uun. Waxa aad soo toostaa barqadda, xilli xeedho iyo fandhaal kala dhaceen. Xaga ay qayrkaa salaadda subax u ambabaxaan uguna foofaan hawlahooda  iyo qadhaabka goobaha shaqo, taasi miyaa aanay ahayn ta dhaxalsiisay inay dabbaraan dhammaan baahiyahooda nololeed iyo ta qoysaskoodaba. waxa aad wakhtiga ku soo ridaa ka sheekaynta makhaayadaha iyo muran ma dhalays ah, ilaa inta salaada duhur laga  soo baxayo wax kale uma hollatid. Marka aad soo qado tagto ayaad  hurdo u qalqaalataa. Si fool adag ayaa  jaamacadda laguugu kiciyaa casar oo la tukanayo. maba tukatide, cagajiid baad ku tagtaa. Marka aad ka soo rawaxdanna guriga toos uma abaartide haasaawe hor leh ayaa aad u jilba duubataa, maalinta ay ciyaar shaydaan jirtana wakhti badan baad ku karash-garaysaa….”

Isaga oo caawa meel la qabtay ma ogiye qirsan in duco waalid meel lagu gaadho laguna tannaado ayuu xasuustay “gondaha hooyadda ayey jannadu taalaa ee orod oo iyada la joog oo u samafal waa jihaade” sawkii rasuulku SCW ku lahaa ninkii yidhi aan jihaadka kuu raaco. Iyo ninkii hooyaddii mudadda tunka ku siday ee lagu yidhi “kaama dhawa xataa hal mar oo ay ka naxday qaydkoo ka furtay”. Adna iska daa inaad dab ku dhajisee dhibtaadaba kama gama’do. ILLAAHAW noo dambi dhaaf.”

Waxa uu talo ku gooyey in uu taagan yahay waqtigii uu u xadhko xidhan lahaa unkidda iyo alifidda qorshe u hor kaca wax ka badalka nololeed.

Cabdishakuur A. Cabdiraxmaan (Raage).

Hargeisa Somaliland.

cabdiraage13@gmail.com.

Xigasho Jamhuuriyamedia.com.

Qoraalkan waxa Masuuliyaddiisa leh oo ay u gaar tahay qoraaga, maaha mid ay Aftahannews leedahay Masuuliyad ahaan, hase-yeeshee, waxaannu u baahinnay dhiirrigelinta qoraaga, fikirka xorta ah iyo is-weydaarsiga aaraahda iyo rayi-dhiibashada Bulshada Akhristayaasha iyo Qorayaasha.

.