Guddoomiyaha Baanka Dhexe Waa Masuul mudan ku Dayasho

Qalinkii Daahir Cabdi Ciise (DAAHIR CAMEEY) .. Dal kasta ha yaraado ama ha waynaado, haddii uu yahay kuwa  Hodanka ah ama mid sabool ah, ha la aqoonsado ama yaan la’ aqoonsan waxa lagama maarmaan ah in uu yeesho baan dhexe; hawlaha ugu muhiimsan ee uu dalka u hayo waxa ka mid ah: Qiimaha .Lacagaha oo ah  mid uu illaaliyo had iyo jeer islmarkaasina ka illaliyo Sare u kac iyo hoose u dhac ku yimaado.

DAAHIR CABDI CIISE 112

Haddaba, tan iyo intii loo igmadda inuu hoggaanka u qabto gudoomiyaha Baanka Dhexe waxa uu muujiyaya kartida iyo dadaal. Ka muuqda xaruumaha baananka Dalka oo dhan isagoo dib u casriyeen ku sameeyey guudahaantood Waxaana  uu ku shaqeeyo Baananka  sida Kuwa   Dunida ka jir, Baanka Somaliland wuxuu Nidaamka shaqada la wadaagaa Bankiyada Adduunka.

1 Xisaabaha Dadka Macmiisha ah(Private Sector) ha joogeen Hargeysa ama Gobolada Dalka,kuwaas oo xisaabahooda ku shubta SL-shillings ama US Dollars oo iyagaa xisaabohooda ku maamusha Jeegag ay saxeexaan.

2-Xisaabta Dawladda(Treasury Account) oo ay ku dhacaan dakhliga Dawlada kuna baxa Foojaro iyo Jeegag ku lifaaqan oo xisaabiyaha Guud iyo sarkaal kale Soo saxeexaan,kuwaas oo Bankigu xisaabaha ay la leeyihiin ugu shubo.

Accountkooda.

Gudoomiye  Cabdi Dirir Cabdi waxa uu ku guulaystay waxa qabta muuqado oo y ka mid yihiin ariimahan ku hoose ku xusan

A:Badalaada Lacagta Giinbaarta Ahayd Ee Burco iyo Ceerigaabo- madaama oo xisbiga kulmiye ee maanta talada dalka hayaa, ay ka mid ahayd balan qaadkiisi wakhtigii u olalaha adag ku jiray inuu goboladda bariga ka bedeli doono lacagta giimbaarta ah, taas oo ka dhabeeyay gudoomiyaha baanka hadaan Baanka dhexe loo magacaabin hogaanka khibrad u leh dhaqaalaha iyo shaqada Baanka, isagoo balan qaadka ka dulaaya ayaa wax  u hawl galay si balankaasi u suuro gali lahaa, waanu  ka dhabeeyay oo wuu  fuliyaya  arintaas, hawshan waxa ku guul daraystay masuuliyiinti ay xukumadihii hore u magaaci jireen baanka dhexe ee somaliland.

Laakiin, Guddoomiyaha maanta ay wax uu  darasadeyey Kana baraan dagay  sida  goboladda Bariga  lacagta looga bedeli karaa?, Waxa uu diray  khuburo soo darasadaysa lacagt bedelkan lagu samaynaayo, isagoo kaashanaaya, xisaabaadka guud ee qaran Iyo waaxda baadhista  ee wasaarada maaliyada, ka dib waxa la helay xaddiga maaliyadeed ee arintaa lagu hujuumi karo, waxana arintan hirgalinteed iska lahaa hogaan Sare ee baanka dhexe, waana guulaha ugu weyn ee ay soo hooyayay intii u Xilka hayay,taasina waxa u riyaaqay bulsho wayntay ku dhaqan goboladda Bariga oo ka raystay lacagtii giinbaartahayda, Gudoomiyaha baanka dhexe Cabdi Dirir cabdi  hadaba  waxaan ku tilmaami  kara masuul ka soo dhalaayay Hawlshii qaran uu u

Si kastaba  ha ahaatee Baanka Dhexe ee Somaliland wuxuu awood u leeyahay inuu geli karo xafiisyada baadhina karo, xisaabaha, Bugaagta, qoraalada iyo kayd- qoraal (records) Baanka, sariflaha lacagaha qaalaad, hawl wadeen hab lacag bixineed, adeeg bixiye lacageed, adeeg bixiye daamaanadaha.

Hawlwadeenka habka wareejinta damaanadaha ama qof kale oo ruqsad ka Haysta ama ka diiwaangashan Baanka Dhexe ee Somaliland si uu uga helo xog Cidaas hadii Baanka Dhexe ee Somaliland u arko in xogtaasi lagama marmaan u Tahay mas’uliyadiisa korjooganimo.

Alleh ayaa mahad iyo mudnaanba leh,

Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)

Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq

Qalinkii Daahir Cabdi Ciise

(Daahir Cameey)

Daaha013@hotmail.com

Qoraalkan waxa Masuuliyaddiisa leh oo ay u gaar tahay qoraaga, maaha mid ay Aftahannews leedahay Masuuliyad ahaan, hase-yeeshee, waxaannu u baahinnay dhiirrigelinta qoraaga, fikirka xorta ah iyo is-weydaarsiga aaraahda iyo rayi-dhiibashada Bulshada Akhristayaasha iyo Qorayaasha.