Maxaa Ka Qaldan Dimuqraadiyadda?

Cabdirisaaq Cabdillaahi, H.K Dhaqaalaha iyo Siyaasadda. Dimuqraadiyaddu waxay ahayd fekreddii siyaasadeed ee ugu guulaha badnayd qarnigii 20-naad. Maxaa xannibay immika, maxaase la samayn karaa si boodhka looga tumo?

DSCF1021

Mudaharaadayaasha qallibay siyaasaddii Ukrain waxay lexejeclo u qabaan dalkooda. Boodhadhkaay ku mudaharaadayeen waxay ku dalbadeen xidhiidh dhaw oo ay la yeeshaan midowga Yurub (EU), iyo lasoo afjaro farogelinta Ruushka ee siyaasadda Yukrayn. Laakiin dalabkooda asaasiga ahi waaka dadka ku dhiirigelinayay tobonaan sano inay ka hortagaan musuqmaasuqa, awood maroorsiga iyo dawladda kelitaliska ah. Waxay rabaa maamul dimuqraadi ah.

Way fudu dahay in la fahmo ujeedada. Wadamda dimuqraadiga ahi guud ahaan way ka qani san yihiin kuwa aan ahayn dimuqraadi, way ka dagaal necebyihiin, waxayna leeyihiin guulo badan oo ku saabasan la dagaalanka musuq maasuqa.

Haddana xilligan, farxadaha ka dhasha dhacdooyinka lamida kuwa Kiev ka dhacay waxay wataan naxdin. Dunidu waxay u ololaynaysaa burburka keli taliyaha waxayna rabaan dhisidda dimuqraadiyadda. Laakiin eriska keli taliye waxay ka fududahay dhisidda dawlad dimuqraadi ah. Keli taliyhu wuu dhacayaa, dhaqaaluhuna wuu burburayaa xaaladduna waxay noqonaysaa mid sidii ay ahayd ka xun. Tani waa wixii dhacay kacdoonkii Carabta, iyo sidoo kale kacaankii Yellowga ahaa ee Yukrayn toban sanno ka hor.

Dimuqraadiyaddu waxay ku jirtaa xilli adag. Xilli kelitaliye yaaashii laga dareeriyey xafiisyada, kuwii ku mucaaradka ahaana ayku fashilmaan inay sameeyaan nidaam dimuqraadi ah. Sannado yar uun ka horna waxay u muuqatay dimuqraadiyaddu inay dunida wada gaadhi doonto.

Qaytii danbe ee qarnigii 20-naad, dimuqraadiyadda waxay cagaha la gashay caqabadihii ugu adkaa- Jarmalka oo ay madaxa lasoo kaceen Nazism-kii, India oo ahayd wadanka dadka ugu tirada badan ee faqiirka ahi ku nool yihiin iyo 1990-kii Koonfur Afrika oo uu ka jiray midabtarkoor badani.

2000-kii khubaro siyaasiyiin Maraykan ah oo la dhaho  Freedom House, waxay sheegeen in 120-dal, oo u dhiganta 63% guud ahaan dunida, ay yihiin wadamo dimuqraadi ah.

Wakiilo ka socda in ka badan 100-wadan ayaa ka qayb galay shirwaynihii dimuqraadiyadda dunida (World Forum on Democracy) oo sanadkaa lagu qabtay Warsaw, si ay u caddeeyaan in “ doonista dadku saldhig u tahay awoodda dawladda”.

Kalsoonida noocani waxay ahayd mid la fahmi karay kadib guulo badan oo dimuqraadiyaddu gaadhay. Laakiin haddii aynu dib u eegno, guulaha dimuqraadiyaddu waxay u muuqda kuwo aan xawli ahayn. Markii ay dhaceen Giriigu ( Athens) halkaas oo ahayd goobtii ay kasoo bilaabatay, fekerkani wuxuu ahaa mid daciifa ilaa 2000-sanno. Qarnigii 18-naad kacaankii Maraynkanka oo keliya ayaa soo saaray dimuqraadiyadda horu socota. Qarnigii 19-aadna waxa laga awood batay fekerka dimuqraadiyadda.

Horaantii qarnigii 20-aad dimuqraadiyaddii curdinka ahayd waxay ku dhimatay Jarmalka, Isbayn iyo Talyaaniga. 1941-kii waxa jiray oo keliya 11- wadan oo dimuqraadi ah.

Horumarkii dimuqraadiyadda ee la arkayay qarnigii 20-aad wuxuu is taagay qarnigan 21-aad. Inkastoo,sannadkan,  ku dhawaad 40% dadka dunida, ay ku noolyihiin wadamo laga qabto doorasho xor ah, taasoo ah tiradii ugu badnayd abid, horusocodkii dimuqraadiyadda wuu daciifay, waxaanay u muuqataa mid gadaal u socota. Intii u dhaxaysay 1980 ilaa 2000 dimuqraadiyaddu waxay la kulantay dib u dhacyo yaryar, laakiin ilaa 2000 waxay la kulantay kuwo aad u daran. Wadamo badan baa dimuqraadiyadda u haysta oo keliya doorashooyin ay qabtaan, iyagoo nidaamkan aan taageersaneen.

Aaminaadda dimuqraadiyaddu waxay ku kooban tahay uun xilliyadda isbedelka farxadda leh, sida kacdoonkii Masar iyo Libiya, keliya si kursiga looga tuuro kelitaliyaha. Debedda wamadamada reer galbeedka dimuqraadiyaddu waxay u tag taa uun inay burburiso, gudaha reer galbeedkana waxay u jirtaa uun inay debedda gaadho. Dimuqraadiyaddu weligeed way lahayd cid dhaliisha, laakiin immika waxaa loo heley cadaymo dheeraad ah.

Labada dhibaato ee ugu wayni waa dhibaatooyinkii maaliyadeed ee 2007-2008 iyo horumarka China. Burburka ay keeneen dhibaatooyinkaa maaliiyadeed waxay ahaayeen kuwo lacageed iyo kuwo niyad jab. Waxay daahfureen goldoloolooyinka badan ee siyaasadda reer galbeedka, taasoo meesha ka saartay kalsoonida dhaqaalahooda oo ahady hanti muhiima oo ay ku faanaan.

Dawladuhu waxay si isdaba jooga u fidiyeen kharashaadka, iyagoo ogolaaday daymo khataro badan inay qaataan si ay dhaqaalaha u horumariyaan. Siyaasiita reer galbeedkuna waxay ku doodayeen inay iska bixin karaan daymaha, khatartoodana xakamayn karaan. Dad badan baan la dhacsanayn fekerka siyaasiyiintooda.

Arrin kale oo muhiima, xisbul xaakimka SHUUCIGA ah ee ka taliya China, waxa uu meesha ka saaray kootadii horumarinta dhaqaalaha ay ku haysteen wadamada dimuqraadiga ahi. Larry Summer, oo bare ka ah Harvard University, wuxuu sheegey markii dhaqaalaha Maraykanku uu ku korayay xawaarihii ugu badnaa, in nolol wanaagga dadku uu laba jibaarmi jiray ugu dhawaan 30-kii sanoba. China nolol wannaaga dadku wuxuu laba jibbaarmayay ugu dhawaan 10-kii sannaba marka la eego daraasaadka la qaaday 30-kii sano ee ugu danbeeyey.

Hoggaamiyeyaasha China, waxay ku doodayaan in habkooda- uu sida adag u maamulo xisbiga SHUUCIGA ahi, uu ku dedaalay inuu hawl geliyo aqoonyahanno iyo goommiyeyaal firfircoon, kuwaasoo ah inta badan cidda talada ugu sarraysa haysa, waxay ku doodayaan in habkani ka waxtar badan yahay dimuqraadiyadda, kana fogyahay isku buuqqa.   

Hoggaanka siyaasadda China waa la bedelaa 10-sano oo kasta, waxana jira dhaliinyaro aqoonyahhano cusub oo si joogto ah ugu soo biira talada dalka si tamartooda ay u taliyaan tacabna wadankooda u geliyaan.

Dadka dhaleeceeya siyaasadda China waxay si wayn u dhaliilaan sida adag ee ay dawladdu u maamusho arrimaha iyo fekradaha dadwaynaha, laga soo bilaabo xadhigga mucaaradka ilaa xannibaadaha ay saartey rugana bulshada ku xidhiidho ee internetka. Dhanka kale, hogaamiye yaasha China, waxay si fudud muddo yar ugu xalliyeen arrimo la xidhiidha dawlad dhiska kuwaasoo tobanaan sanno ku qaatay wadamada dimuqraadiga ah inay xal ka gaadhaan.

Keliya laba sano, China waxay kordhisay dadka ay siiso lacagta hawl gabka 240 million oo qof oo ah beerolay reer baadiye ah, tusaale ahaan—tiradani waxay si aada uga badan tahay inta ilaa haatan ay gaadheen Maraykanku inay bixyaan.

John Adams, madaxweynihii 2-aad ee Maraykanka, waxa uu mar sheegey in dimuqraadiyaddu aanay raagayn. Dhakhso ayay u fashilmaysaa, u burburaysaa isuna jebinaysaa laf ahaanteedu ayuu yidhi. Haddii la rabo dimuqraadiyaddu inay kusii jrto guulihii ay hore u gaadhay qarniganigii 20-aad, waa in marka ay cusub tahayna si wacan loo soo barbaariyaa, marka ay qaan gaadhana la ilaaliyaa.

Cabdirisaaq Cabdillaahi,

H.K Dhaqaalaha iyo Siyaasadda.

Golis Berbera.

Qoraalkan waxa Masuuliyaddiisa leh oo ay u gaar tahay qoraaga, maaha mid ay Aftahannews leedahay Masuuliyad ahaan, hase-yeeshee, waxaannu u baahinnay dhiirrigelinta qoraaga, fikirka xorta ah iyo is-weydaarsiga aaraahda iyo rayi-dhiibashada Bulshada Akhristayaasha iyo Qorayaasha.