Maxamed Saleebaan Tubeec: Erey sagootis ah

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale .. Laba cod oo uu aad ugu dheeraaday ayaan jecelahay in aynu halkan ku wadaagno, kuwaas oo kala ah codadka Raaxeeye iyo Murug oo midba saddex nooc ka qaadayo ama ku luuqaynayaba.

MAXAMED SALEEBAAN TUBEEC

“Giddigeed adduunyada intii, geesi lagu faanay,

 Gocasho iyo magac baa ka hadha, gobi u aydaaye,

 Waad gudatay Muusow xilkii, kula gudboonaaye,

 Guushii ifkiyo aakhiroba, lagu guddoonsiiye,

 Gol-dalooladeennii kuwii, kula gufayn waayay,

 Ee nolosha kugu gabay ayaa, taagan goonyaha  e’,  

 Markaad guurtay bay leeyihiin, Ina Galaaloowe,

 Mar haddaanad geerida horteed, geesiga aqoonsan,

Gablan weeye Soomaalidaay, garashadaadiiye,”

Maansadii Galaal ee Cali Sugulle Dun-carbeed, 1980kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

15/3/20014ka, Hargeysa,

Qormada 2aad

Sida aanu ka haynno Jaamac Saleebaan Tubeec oo ay Maxamed walaalo yihiin, hooyadood waxay ahayd Shaqlan Cumar Saalim. Sida ka muuqata magaceeda waxay ka soo jeedday qoys asalkoodu Yaman ka yimid oo Reer Xadramowt ahaa ama qowmiyadda loo yaqaanno Xadramiinta. Shaqlan waxa dhalay Cumar Saalim Cawad

Cabdalla Al-maxsani oo u soo haajiray markii hore magaaladii taariikhiga ahayd ee Bullaxaar.

Maxamed Saleebaan Tubeec oo loo yaqaannay Boqorka codka Somaaliyeed, wuxu ka mid ahaa hooballadii yaraantoodiiba ku ababay fanka Soomaaliyeed. Waa da’aaddii Cumar Dhuulle Cali iyo Axmed Cali Haaruun (Dararamle) iyo qaar kale oo badan ama badnaaba. Wuxu ka mid ahaa Maxamed da’dii lagu anqariyay Qaraamka ee u ban-baxday ballaysinkii fanka heesaha iyo muusigga Soomaaliyeed.

Maxamed Saleebaan Tubeec oo lagu wareystay war baahinta qaar  ayaa sheegay in uu yaraantiisii isaga oo 10 jir ilaa 12 jir ah ka heesi jiray aroosyada. Wuxu intaa ku daray in la tuman jiray daf iyo Darbuugad oo aanu qalab kale oo muusig jirinba.

Haddii aanay xusuustaydu I dagayn Cumar Dhuulle iyo Axmed Cali Haaruunba waxaan ka hayaa in ay igu yidhaahdeen labadooduba ilaa lix iyo toban jirkii ayaanu heesaha ku bilownay. Waxaan xusuustaa in ay labaduba imtixaanka ku galeen heellada Isku-shuban. Maxamed Saleebaanna la fil ayuu ahaa. Haddii aanan qaldanayn Maxamed Saleebaan wuxu dheeraa in uu xilliyadaa hore sannado ka mid ah ku noolaa dalka Jabuuti. Maxamed Aadan Dacar oo aan ka wareystay noloshii-faneed ee hodanka ahayd ee Maxamed Saleebaan Tubeec ayaa ii sheegay in uu fanka ka soo galay magaaalada Jabuuti oo uu markaa deggenaa. Waxay Jabuuti ku kulmeen Cali Feyruus iyo Maxamed Siciid Faarax oo loo yaqaannay Gu’-roon-jire.

Maxamed Saleebaan Tubeec, ayaa halkaa kaga luuqeeyay codka Raaxeeye oo uu qaadi jiray Maxamed Axmed, Kuluc. Beryahaa rikoodh ma jirin ee heellooyinka waxa lagu geli jiray ‘Live.’ Maxamed Saleebaan Tubeec, wuxu ku galay imtixaanka codka Raaxeeye sidaas ayaana lagu qoray shaqada oo uu ka bilaabay Radio Hargeysa oo beryahaa lagu furi jiray ama lagu soo geli jirayba: “Halkani Hargeysa, Radio Soomaali.” Maxamed wuxu Hargeysa u soo wareegayaa xilli ku sinnaa badhtamihii 1958kii sida aan ka soo xigtay rug-caddaa ay ka mid yihiin Maxamed Aadan, Dacar iyo Rashiid Bullo. Walaalkii Jaamac saleebaan Tubeec se wuxu ii sheegay in uu Hargeysa yimid dhammaadkii 1959kii.

Maxamed Saleebaan Tubeec, wuxu ka mid ahaa foolaadkii ugu mudnaa fanka heesaha iyo muusigga Soomaaliyeed. Heesaa aan laga xiiso-goyn ayuu ahaa oo codkiisu la yaab lahaa. Codkaasi is-ma beddelin tan iyo maalintan uu dhimanayay. Wuxu ahaa laxan-dhaadhi curiya codadka.

Maxamed Saleebaan Tubeec, wuxu ku suntan yahay foolaadkii qarqooray ee dhidibbada u taagay guud ahaanba fanka Soomaaliyeed, gaar ahaanna heesaha, alxaanta iyo muusiggaba. Maxamed wuxu ka mid yahay horseedkii fanka. Wuxu ku bilaabay Qaraamigii oo ahaa casrigii Heellooyinka. Waxa ka horreeyay oo keliya balwadii ay hormuudka ka ahaayeen Qadiija Ciye Dharaar (Qadiijo-balwo) iyo Cabdi-sinimoo naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’.

Maxamed, wuxu ka mid ahaa raggaa ama rabacaa rabacii xigay. Waa beryihii uu muusiggu socod-baradka ahaa. Waa beryihii darbuugadda, defka iyo sacabka. Waa beryihii ay caalamka muusigga ku soo kordheen: Cuudka, Dhex-yarta (Violin), foodhida, ‘clarinet-ka’ iyo qalab kale oo hor lihi.

Balwadii uu horseedka ka ahaa Cabdi-sinimoo waxay ku suntan tahay hilaad ku siman ilaa 1943kii. Isha ay Balwadu ka soo aroortay ama ay ka soo unkantay waa Dhaantada oo saacadaha dambe habeenkii lala fadhiisan jiray ardaaga oo fadhiga lagu heesi jiray. Kala-guurkaa Dhaantada iyo Balwada raggii horseedka ka ahaa waxaynu ka xusi karaynaa Diiriye Faarax Cabdi oo loo yaqaannay Diiriye-baalbaal, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Beryahaa Diiriye Baal-baal iyo hooballadii kale ee caan-baxay ee ay ka midka ahaayeen: Meyti-naar, Cadowubille, Sigad, Dhug-dhugle iyo qaar kale oo badnaaba waxa xarun u ahaa magaalada Jigjiga.

Halkaa markii xaal marayay ayay Heelladu dhalanaysaa iyada oo uu hormuud ka ahaa Cabdillaahi Qarshe. Waa xilliyo ku beegnaa kontannadii qarnigii 20aad. Qarshe wuxu Berbera ka soo degayaa 1945kii isaga oo Cadan ka yimid. Maxamed Saleebaan Tubeec waa halkan meesha uu kala qabsanayaa fanka Soomaaliyeed. Wuxu ka mid ahaa hooballada tirada yar ee u ab-tirin karayay codadka ama alxaanta qaraamka. Waxa jira cajalad uu duubay intii uu qurbaha ku noolaa oo uu kaga sheekaynayay codadka qaraamiga ama Heellooyinka. Waxaan xusuustaa, aniga oo nasiib u helay in aan cajaladda dhegaysto oo aan filayo in weli ku jirto keydka cajaladaha guriyga yaalla.

Laba cod oo uu aad ugu dheeraaday ayaan jecelahay in aynu halkan ku wadaagno, kuwaas oo kala ah codadka Raaxeeye iyo Murug oo midba saddex nooc ka qaadayo ama ku luuqaynayaba.

Xilligaa waa uu u soo joogay oo uu weliba si fiican ula fal-galay. Codadka qaraamka ee Maxamed Saleebaan Tubeec sida la yaabka leh ee loogu xusuusto waxa ka mid ah: Murug, Aroor, Xusuus, Isku-shuban, Kaar, Nugul, Carwo, Beer-dillaacshe iyo qaar kale oo badan.

(La soco………………..).