Kelmadaha Uu Neceb Yahay Wasiir Cali Maxamed Warancadde (1)

Uma qalantid Xoghayaha Guud ee UDUB… Dr Cabdi Aw Daahir Cali ayaa kaaga habboonaa.

CALI WARAN-CADDE

Awalba waynagii haanta malabka ah wada dhuuqi jirnay.. Markii dabadu kaa go’day ayaad sannaadhaysaa!

Maxaad shaqo u siin weyday dhallinyarada Bariga Hargeysa

Alley ha ina siiyo ajarka badan ee nabad-sugidda

SNM waa geesiyaal… Ma aha fulayo yaacay

Halkee ayaad joogtay markii la riday Maxamed Siyaad Barre?

Guddiga diiwaan-gelinta iyo Cabdirisaaq Ciyaale ayaa laalay murashaxnimadaada UDUB.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen maanta waa murashaxa rasmiga ah ee Madaxweynaha UCID

Bannaanbax lagu taageerayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa ka dhacay gurigaaga hortiisa

Sababma ayuu Madaxweyne Siilaanyo kuugu caddayn waayay musuqa uu 29/Sebtember/2011 kugu eedeeyay.. Habeenkii uu saqda dhexe shaydaanku toosiyay!

Yaa ka dambeeyay xadhigga Guuleed Daahir Samatar?

Weli miyaad bixisaa qaadhaanka Xisbiga WADDANI?

Hore ayaad isugu magac-dartay laami iyo dugsi ku yaalla Hargeysa… Meelo kale ma isugu magac-daraysaa?

Awalba waxa aad qandaraas ku qaadatay duminta UDUB! Madaxweyne Siilaanyana waxa idinka dhexeeyay wacad ah in KULMIYE guulaysto

Barbaarta TALO iyo TAWFIIQ ayaa casuumad u samaynaya Badhasaabkii Hore ee Gobolka Togdheer

Meeday sirtii aad mucaaridka ka haysay?

Faysal Cali-Waraabe waa siyaasi daljir ah. Ma geyo inaad Xamar la xidhiidhiso

Axmed Muumin Seed iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa cambaarayn kulul kuu jeediyay

Ma ahayn inaad TABANTAABO ku shaambadayso siyaasad! Waa urur samafal!

Maxaad Wasiir Xirsi ugu yeedhay shirkii KAAH ee ay qabsanayeen muwaddiniinta isku deegaanka ahi!

Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan ayaa la halgamay KULMIYE oo kaaga xaq badan xukuumadda. Gadaal ayaad kaga soo biirtay.

Af-hayeenka dhallinyarada TALO iyo TAWFIIQ ayaa kuugu baaqay in aad xilka ka degto.

Waxa jira masuuliyiin, madax-dhaqameed, xildhibaanno iyo hal-door kaaga dambeeyay Qasriga Madaxtooyada.

 
Gudbinta Ghasim Amoud
 
Khadar Maxamed