Haweenka Soomaaliyeed Hal Maalin oo Dabbaal-dag ah ma mudna

Waxa qoray Cabdi Nuur Faarax Maxamuud.. Asalaama Calaykum dhammaan ummadda Soomaaliyeed.  Waxaa Aduunka laga xusaya maalinta 8, Maarso ama march oo loo Asteeyey Maalinta Haweenka Aduunka oo Soomaaliyana ku jirto waxaa is waydiin mudaan Haweenka Soomaaliyeed ma` xaqbaa inaan hal”maalin u Aqoonsano?.

Cabdinuur-faarax-maxamuud

Ummaadd kastaa waxay leedahay haldoor laf dhabar u` ah jiritaankooda aniga oo Anan ka hadlayn ummaddaah kale waxaan rabaa inaan qormadaan ku eego Haweenka Soomaaliyeed iyo haybadda ay mudan yihiin inaan lagu soo koobi karayn hal”maalin oo loo calaamadeeyo waayo hal bawlaha Umadda Soomaaliyeed ama hal doorka ummadda Soomaaliyeed?

Haweenkeena Soomaaliyeed waa kuwo qaali nagu ah oo` aan lagu soo koobi karayn Hal`maalin inay leeyihiin taas badalkeed haweenka Soomaaliyeed waxaay naga mudan yihiin inaan maalin kasta saacad kasta iyo xili kastaa inaan xusno kuna dadaallo daryel kooda iyo wanaagoodda waa hadii aan nahay Raga Soomaaliyeed oo baryahaan fartu ku godan tahay.

Haweenka Soomaaliyeed waa laf” dhabarka Ummadda Soomaaliyeed tariikhada Hablaha Soomaaliyeed waa mid gun adag leh waxaan tariikhada ku hayaa xiligii Gobonimmo doonka haweenka Soomaaliyeed inay ahayeen kuwo ka feejig naa raga ayaga oo ka mid ahaa haldoorkii ku hawlanaa in Ummadda Soomaaliyeed ay helaan xornimadooda.

Xiligii Gumaysiga

Xiligii Gumaaysiga lala dagaalamayey Haweenkeena Soomaaliyeed ayaga oo ilamaha Korinaaya ayaga oo uur leh ayaga oo dumara ayey hadana waxay ahayeen kuwo Garaab tagnaa ragooda Soomaliyeed waxaana Qarkood geeriyoodeen ayaga oo la dagaalamaya Cadowgii Ummadda Soomaaliyeed waxaa kale oo jirtay inay xabsiyadii Gumaysiga galen kuna dhinteen kuna umuleen ayaga oo ku jira xabsi gudihiisa.

Alle ayaa gudi kara xaquuqdda hooyada Soomaaliyeed

Allaha wayn ayaa gudi kara xaqa ay leedahay Hooyo Soomaaliyeed allaha wayn ayaa Gudi kara Hablaheena xaqa ay inagu leeyihiin hal,maalina kuma fila inaan u Calaamadno ee xili kasta waxay naga mudan yihiin wax qabaad xushmo iyo u hagar bixiid joogtaa nin kasta oo Soomaaliyana waa waajib saran taas.

Qayb kamida qaybaaha Haweenka Soomaaliyeed ay dheeryihiin haweenka Aduunka kale

Geesinimo

Qodobka koobaad waa geesinimo buuxda oo ay ku kal soonyihiin naftoota oo ay amiin san yihiin inay damaanaad qaadi karto mas,uuliyadda umad dhan waxaana markhaati kuku filaan markii Dawladii Soomaaliya Bur,burtay halka kaliya ee loo baxsaday waa haweenka Soomaaliyeed dal iyo dibad`baa , ayaga oo dusha u ritay badbaadinta Ummadda Soomaaliyeed alle ayaa wax badbaadiya laakiin waxay quudiyeen kumanaan Soomaaliyeed.

Isku xirka bulshada Soomaaliyeed

Qodobkaka labaad ee ay uga duwan yihiin hablaha aduunka hablaha Soomaaliyeed

Gabadha Soomaaliyeed waxaay isku xirtaa bulsha ama labo Qoys taas oo ah in uu guursdo nin ka soo jeeda qabaa,iil kale kadibna labada qabaa,iil ay dhex marto Xididtinimo` Xididtinimo waa hab xiriir oo ka dhexeeya labo bulsho oo, ay isku xirtay Gabar Soomaaliyeed waana habka hablaha Soomaaliyeed ay uga duwan yihiin Haweenka Aduunka.

Marti soorka

Marti soorka Gabadha Soomaaliyeed xiliga ay timaado marti ama dad safara Gabadha Soomaaliyaad waxay karti buuxda u leedahay inay marti soor u samayso martita ku soo hoyatay hoygeeda ama Qoyska ay hooyada u tahay hadii uusan joogin mas,uulka Reerka waxaa mas,uuliyada qaatata Hooyada Soomaliyeed ayada oo martita ku maamuusta hanaan heersara miyi iyo magaalaba taasina wa hanaan kale oo ay uga duwan yihiin haweenka aduunka kale.

Gabo`gabo

Waxaan ku soo koobaya Haweenka Soomaaliyeed ma` mudna maalin kaliya ee waxay mudan yihiin in maalin kasta ayaga la xuso waxay mudan yihiin in la hormariyo Caafimaadkooda Waxbarashooda iyo daryeelkooda Haweenka Soomaaliyeed waa wax soo saarka dhammaan wax kasta oo ummadeena faa,iido u leh hadii ay noqon lahayd dhaqaale nabaad raadinta ayaga oo ku cabira hab suuganeed daryeelka qoysaska Soomaaliyeed dal iyo dibaad.baa waxaa waajib inagu ah inaan ogaano hal bawlaha ummadeena inuu yahay Haweenka Soomaaliyeed.

Waxaa Qorey Cabdi Nuur Faarax Maxamuud
Guuleed72@hotmail.com

Qoraalkan waxa Masuuliyaddiisa leh oo ay u gaar tahay qoraaga, maaha mid ay Aftahannews leedahay Masuuliyad ahaan, hase-yeeshee, waxaannu u baahinnay dhiirrigelinta qoraaga iyo fikirka xorta ah ee Akhristayaasha iyo Qorayaasha.