Waxaannu Tacsi u diraynaa Qoyska Maxamed Jaamac Cabdalla (Af-nugaal) oo caawa Hargeysa ku geeriyooday

Bahda Aftahannews meel kasta oo ay joogaan waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, ehelka, qaraabada iyo Asxaabta uu ka baxay Allaah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Jaamac Cabdalla (Afnugaal) oo caawa ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaalla magaalada Hargeysa. waxaannu Marxuumka Illaahay uga beryeynaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna ka siiyo guud ahaan qoyska, ehelada, qaraabada iyo asxaaabta uu ka baxay. aammiin….ammiin…..aammiin. Allaah ha aqbalo.