Maareeyaha Madbacadda Qaranka Waxa Uu Noqday Musuul Gutay Waajibaadkii Shaqo Ee Loo Egmaday

“Madbacadda Qaranka Oo Ku Guulaysatay Inay Daabacaan Kaadhadhkii Caafimaadka Ee Wal Lagayn Jiray Magaalada Nayroobi”

Maareeyaha Madbacadu waa shaqsiga maareeya shaqada iyo shaqaalaha si loo helo faaiido waana masuulka ilaaliya wixii hanti ah ee ay shirkaddi leedahay isla markaana waa nidaamiyaha shaqo maalmeedka (daily activities).

Maareeyaha Madbacadda Qaranka Somaliland Mudane C/Laahi  Cali Caaray waxa uu sameeyey horumar balaadhan oo la taaban karo,islamarkaasina waxa uu ku talaabsaday guulo waawayn oo la taaban karo mudadii yareed uu xilka hayey taasna waxa ka marag kacaya shaqaalaha madbacadda qaranka oo ku diirsaday soona dhaweeyey habka uu u shaqaynayo maamulkoodu,waxaana ay sheegeen in uu wax qabad fara badan sameeyey wakhtigii yaraa ee uu shaqada hayey isagoo u soo ciliyey Lacago si khaldan looga jari jiray waxaana uu ku soo celiyey jeebka shaqaalaha islamarkaasina waxa uu u balan qaaday in sida shaqaalaha dawladda oo kale loo kordhin doono mushaharka isagoo sheegay in sida ugu dhakhsaha badan u meel marindoono,

Maareeyaha Madbacadda waxa uu ku guulaystay inuu meel mariyo shan qodob oo wax tar iyo faa’iidaba u leh horumarka madbacadda iyo shaqadaba taas oo saldhig u noqonaysa xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya maamulka sare iyo shaqaalaha islamarkaasina waxay ay taasi sahli doontaa wax wayna ka taridoontaa kala socodsiinta hawlaha shaqo ee madbacadda qaranka

Shanta qodob ee uu Cali Caaray ku mutaystay in uu ku soo jiito quluubta shaqaalaha ee uu kaga nasiibka roonaayday maareeyayaashii ka soo horeeyey oo iyaga intoodii badnayd ay dhibaato fara badani soo kala dhex martay iyaga iyo shaqaalaha madbacada ee ay madaxda u soo ahaayeen,oo iyagu garan waayey sida uu gartay maareeyaha hada

Waxyaabaha uu kaga nasiibka fiicnaaday Cali Caaray Madaxdii hore waxa ka mid ah maamul iyo shaqo wanaag ay daacadnimo ku dheehantay oo loo fuliyey sidii loogu talada galay isagoo ka duulaaya waxyaabihii caqabadda ku noqday ee ay ka dhaqaaqi waayeen madaxdii ka horeysay

1:kow markii u horeysay ee uu shaqada bilaabay maareeyaha hada xilka haya ee Cali Caaray waxa uu ka bilaabay in marka u horeysaba uu wanaajiyo wada shaqaynta shaqaalaha iyo maamulkooda

2:in uu dhammaan ka hortago waxa alaala iyo wixii hore u curyaamiyey hour socodka hawlaha shaqo ee madbacadu qaranka u hayo islamarkaasina la toosiyo masuuliyadda shaqo ee ay qaranka u hayaan.

3:Maareeyaha Madbacaddu talaabooyinka uu qaaday ee uu ku guulaystay waxa ka mid ah,oo uu joojiyey si uu uga guddbo duruufihii iyo dabinnadii adkaa ee horjoogay shaqada kuwaas oo kala  ahaa Lacago si khalad ah looga go’ayn jiray,xadhiga iyo shaqo ka joojin ka haystay shaqaalaha madbacadda marka ay Buug khaldaan ama ay si dhaafiyaan.taas oo ay ku mutaysan jireen xadhig iyo jeel iyo waliba shaqadoo laga eryo arimahaas oo aan runtii ahayn kuwo munaasib ku ah hawlwadeenadda

 “intaa kadib waxa uu ka fikiray sidii loo heli lahaa badal ta aka wanaagsan waxaana uu taa badalkeeda ka dhigay in uu joogiyo arrimaha noocaasiya qofka wax khalda ama xumeeya in la ganaaxo lacag dhan Boqol kun oo kaliya qorshahaasina waxa uu noqday mid ay ku farxaan soona dhaweeyaan shaqaalahu.

4:waxa kale oo uu u balan qaaday in shaqaalaha madbacaddu ka mid noqon doonaan dawaldda oo kale isla markaasina ay heli doonaan dhammaan adeegyada ay helaan kuwa kale

5:waxa uu ku guulaystay oo fuliyey mudadii uu xilka hayey in uu isku xidho wada shaqayn dhex marta Hay’addaha qaramadda midoobay iyo  Madbacadda Qaranka si uu kor ugu qaado dhinaca dakhliga iyo horumarinta daabacaadda,waxaana uu suura galiyey daabacaaddii ugu badnayd ee abid soo marta madbacadda,waxaana uu ku guulaystay maareeyaha madbacadda qaranku in uu daabaco kaadhadhkii caafimaadka ee markii hore laga soo daabici jiray wadanka Kenya gaar ahaana magaalada Nayroobi

Hadaba waxa maanta guul u ah Somaliland gaar ahaan madbacadda qaranka in ay hirgalisay himiladeedii ahayd inay daabacaan dhammaan kaadhadhka caafimaadka ee Dalalka Somalia,Putland,Garoowe iyo kuwii Somaliland ba

 

Sidoo kale waxa uu maareeyahu mudadaasi yar ku soo kordhiyey madbacadda qalab farabadan oo iskugu jira noocyada kala duwan ee ay ku shaqayso madbacadu ama ay ku hawlgasho sida waraaqaha noocyadooda kala duwan iyo laba Mishiin oo  casri ah oo kala ah mishiin katar ah iyo mishiin Baafarayshan ah

 

Sidoo kale waxa ay wax u daabacdaa dhamaanba  xafiisyada dawlada ee dalka oo dhan buugaagta ay ku shaqeeyaan in ay ka daabacdeen  madbacada qaranka, waxaanu yidhi “Dhamaanba gobol iyo degmo kasta oo ka tirsan Jamhuuriyada Somaliland xafiis ay dawladu leedahay oo aan buugaagta lacagta qabashada iyo kuwa hawlaha lagu fulinayo aanu oolini ma jirto.

Taasina waxay daliil u tahay amarkii madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) amar wareegto ah oo uu ku  soo saaray wasaaradaha iyo Ha’yadaha dawladda ku amray inay dhammaan wixii dukumanti ay daabacayaan ay ka daabacdaan madbacadda qaranka Somaliland.

Waa maareeyahay horumarinta iib-gaynta ee Hay’addiisa ama  Shaqadiisa waxaa ka mid ah tababarida shaqaalaha waaxda suuq-gaynta (sales staff), diyaarinta xeeladaha suuq-gaynta (sales policy) iyo soo dhamanynta heshiisyada wax iibineed (sales deals).

Sida ka muuqata magaca wuxuu masuul ka yahay dhamaan wixii shaqo u baahan tahay sida abuurista macaamiil cusub, tababaridda shaqaalaha suuq-gaynta iyo iib-gaynta (marketing staff), horumarinta xeeladda sixir goynta (developing pricing strategy), kobcinta xajiga suuqa, ogaanshaha baahidda macaamiisha, tartanka shirkaddaha kale iyo kawar qabida dhamaan baddeecadaha ama adeegyadda kale ee suuqyadda kusoo kordha amaba ka baxaya.

Axmed M.M.C