“Dalkeenna Nimcaa Fadhida”: Hees La Duudsiyay Agoontii Dhaxalka U Lahayd!

Logo“Indhaha nuurka eegayow

Dunidaasaan ka dhawrayoo

Dhulkeenna nimcaa fadhida

Dhalihi foocaarta iyo

Dhagaxa macdantaa ku badan

Dhirtiisa badh baa irmaan

Dhuumaha shinnidiyo dhurdaha

Dheeftiisa nimaan la bixin,

Miyuu dhudhun xoogsadiyo,

Dhafoor fekeraa ku yaal? “maya”

Ereyadaasi waxa ay ka mid yihiin heesta caan baxday ee dhulkeenna nimcaa fadhida oo uu allifay Alle ha u naxariisto Marxuum Abwaan Sahal Axmed-Jabane oo xijaabtay 24/Disember/2012ka. Marxuumku waxa uu ka tirsanaa kooxda Gaashaan ee Ciidanka Qaranka Somaliland oo uu ka ahaa jile iyo hal-abuur labadaba. Waxa ayaan-darro ah in Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Md Ismaaciil Maxamed Shaqalleuu amar ku bixiyay joojinta gunnadii lagu kabi lahaa agoonta, xaaska iyo qoyska uu ka geeriyooday Marxuum Abwaan Sahal Axmed-Jabane, isaga oo meel-marsaday sharci ah in gebi ahaanba la dayaco ehelada ruuxa ka tirsan ciidanka qaranka ee xijaabta.

Marwo Qamar Axmed oo ah xaaska uu ka tegay marxuum Sahal Axmed Jabane oo ay laanta warbaahinta ee Akadamiga Suugaanta iyo Cilmibaadhistu kula kulmeen Hargeysa ayaa sheegtay in aanay wax daaddihin iyo daryeel ah ka helin xukuumadda Somaliland ee saygeedu ka shaqayn jiray waxaanay tidhi “maalintii uu geeriyooday ayaa la gooyay mushaharkii uu qaadan jiray. Waxa kale oo na loo sheegay in ay magaca heesta lacag ku qaataan rag ay marxuumka saaxiib ahaayeen kuwaas oo si been ah ugu sheegay TV-ga Qaranka iyo Radio Hargeysa in ay allifeen heestan”.

Ugu dambayntii waxa ay Marwo Qamar Axmed ugu baaqday warbaahinta dawladda Somaliland in ay joojiyaan adeegsiga heestan oo ay la aasaan hal-abuurkii curiyay oo geeriyooday muddo laga joogo sannad iyo saddex bilood. Taliyaha ciidaanka qaranka iyo masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta oo aanu isku daynay in aanu arrinkan wax ka weydiinno ayaanaan ka helin wax warcelin ah, sababo la xidhiidha adeegga taleefanka awgii.

Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista

Hargeysa, Somaliland