W/Maaliyadda oo Isu Beddeshay Shirkad Ganacsi oo Samaale Yeeshay

Raad-raaca Wargeyska Xog-ogaal: Qaybta 4-aad.. Akhristayaasha sida tooska ah ugu xidhan Barnaamijka RAACDADA WARGAYSKA oo Wargayska Xogogaal Dibada ugu soo saarayo Dhukumantiyo iyo Cadaymo Daaha ka faydaya,xogaha qarsoon ee maamulka Wasaarada Maaliyada Somaliland Tan iyo Intii uu xilka La wareegay Wasiir Sh Mukhtaar(SAMAALE).

SAMAALE IYO WASAARADDA

Maanta waxaan idiin soo gudbin doonaa qaybtii Afraad ee Barnaamijyo Taxane ah iyo fadeexado is huwan oo wargaysku helay,Sidoo kale Wargaysku waxaa uu ka Cudur Daaranayaa In Soo bandhigista Siraha Qarsoon ee wasaarada Maaliyada Ay Ka madhan tahay Cadaawad Cid Gaar ah loo hayo,Shaqsi dil Iyo Nacayb Gaar ahaaneed Mana aha Been Iyo Buunbuunin Balse waa Raadinta Runta Iyo Xaqiijinta Shaqada Qaranka Iyo Ka hortaga Dulmiga iyo Tacadiga Shaqaalah ee ka dhanka ah Wasiirka Maaliyada Sh Mukhtar(SAMAALE).

Shaqo xumada maamul ee mudooyinkii Sh Mukhtaar xafiiska joogay ku habsatay wasaarada maaliyada Somaliland ayaa ah mid maalinba maalinta ka danbaysa ka sii daraysa taasi oo aan anaguna idiinku soo gudbin doono Barnaamijkeenii Taxanaha Ahaa ee Raacdada Wargayska Xogogaal oo isagu ku daba jira Soona bandhigi doona Faylal,dhukumantiyo iyo Cadaymo muujinaya Sida foosha xun ee loo maamulo wasaarada maaliyada oo qaranka u qaabilsan ururinta iyo soo xaraynta dakhli lagu kaabo horumarinta ciidamada qalabka sida,mushaharooyinka macalimiinta iyo shaqaalaha dalka.

Wasaaradani ayaa isku bedeshay goob olole oo markasta uu ka aloosan yahay buuq iyo sawaxan ay abuurtay gurashada iyo xadista hantida qaranka taasi oo aan loo aabo yeelin marka lagu Daro salaadiin iyo siyaasiyiin Hadh iyo habeen tuban Xafiis Lagu xidhay wax loo yaqaan  Deyrkii Baarliin oo wasiir Sh Mukhtar Ka Hor qotomiyay Xafiiska loogu talogalay wasiirka maaliyada kaasi oo u haysta inuu weligiis Joogayo.

Hadaba waxaa jirta waraaq aanu hore idiinku soo sheegnay taasoo lambarkeedu soo baxay 08/01/2014 taasi oo ay ujeedadeedu ahayd {SANAD CUSUB,QORSHE CUSUB,MIISAANIYAD CUSUB IYO KU DHAQAN CUSUB}

Boga hore ee waraaqda waxaa uu cadaynayaa inuu jiray musuqmaasuq baahsan iyo isdabamarin Waana Tan warqadaasi oo aan qornay “

{Runtii Mudadii aan wasaarada maaliyada ka ahaa Agaasimaha Guud,Waxaan ka bartay waxyaabo wanaagsan & arimo aan haboonayn,waxaana lagama maarmaan ah in wixii wanaagsana aynu sii wanaajino wixii dib u dhac ahna aanu meesha ka saarno,Waana arin hadaynaan ku baraarugin Hal bacaad lagu lisay ka dhigaysa Dedaalkeena.

Waxyaabaha aan doonayo inaan isdul taago waxaa ka mid ah habka aan u galno kharashka qaarkood oo ah mid aan ku dhisnayn nidaam maaliyadeed oo mararka qaarkood ay ka muuqato JAANTAA ROGAN,iyadoo si macno la’aan ah aynu ku bixino lacag badan oo wax weyn u qaban lahayd horumarinta wasaarada iyo tayaynta Cududeena Shaqaale}

Arimaha aanaan indhaha ka aqrsan doonin waxaa ka mid ah waa sida uu hadalka qoraalka warqadaasi u dhigay agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada Somaliland ku dhowaad 10 qodob oo hoos ku qoran waxaana ka mid ahaa:::

1: Bixinta kharashka caafimaadka iyo cidda mudan  Iyo welibana sida loo xulayo qofka loo garto.

2:Kharashka lama filaanka ah iyo halka loo isticmaalayo.

3:Kharashka ololaha dakhli ururrinta iyo ladagaalanka kootarabaanka,xaaladaha loo isticmaalayo iyo cida awooda u leh Bixinteeda.

4:Kharashka Safarada iyo habeen dhaxyada Yaa xaq u leh yaase ogalaanaya.

5:Kharashka casuumadaha Martiqaadyada.

6:Kharashka isticmaalka shidaalka.

7:kharashka Dhiirigelinta.

8:Kharashka gacan ku haynta iyo masuuliyadiisa iyo weliba cida Hayn karta(IMPRESS)

9:Dalacaada shaqaalaha iyo deeqaha waxbarashadooda

10: Qorista shaqaalaha cusub,Ganaax,Shaqo ka fadhiisin,Dalacsiin iyo Deeqaha

Ugu horeyn hadaba waxaa aynu soo qaadan doonaa qodobka labaad oo ka hadlaya Kharashka lama filaanka ah iyo halka loo isticmaalayo kaasi oo aynu ku qeexayno Kharashka lama filaanka  ah waxaa loo qoondeeyey in lagu isticmaalo baahiyaha soo waajaha wasaarada isla kuwaasi oo aan loo hayn Miisaaniyada loogu talogalaywaxaana go;aaminaya isla markaana bixinteeda ogolaanaya wasiirka oo keliya iyadoo ay sidaasi jirto hadana looma isticmaali karo hawlo ka baxsan dardargelinta Hawlaha Maaliayada.

Qodobka sadexaad ayaa sheegaya isaguna Kharashka ololaha dakhli ururrinta iyo ladagaalanka kootarabaanka,xaaladaha loo isticmaalayo iyo cida awooda u leh Bixinteeda.waxaana uu yahay kharashkani mid muhiimad weyn kor u qaadida dakhliga haseyeeshee hadii aan loo isticmaalin sidii loogu talogalay waxaa uu noqonayaa mid aan XALAAL ahayn waxaana keliya lagu bixin karaa si looga hor tago ku xadgudubka kharashkaasi.

  • Waa in uu jiraa qorshe cad oo ay leeyihiin waaxyaha dakhliga qorshahaas oo qeexaya siyaabaha loo kordhinayo dakhliga laguna sahlayo cashuur ururinta isla markaana lagu gaadhayo goobo cusub oo la tiigsanaayo in cashuurta laga hirgeliyo ama cashuur gaar ah oo la doonayo in laga midho dhaliyo ama dadka la baro.
  • Qorshahaasi waa inuu ahaadaa mid si cad u qeexaya oo ugu yaraan ku fadhiya qorshaha sadex bilood kasta waana in uu ahaadaa mid loo soo kala horaysiiyay sida ay u kala mudan yihiin
  • Haba yaraatee kharashkaasi ma noqon doono mid lagu isticmaalo qorshe aan cadayn oo laga baaraan dagay,iyadoo la is barbardhigayo kharashka iyo Faaiidada lagu gaadhaayo mudada gaaban amase dheerba,waxaana reebay kharashkaasi waxa kale oo loo isticmaalo ama mashaariicda ma dhalayska ah iyo dano gaar ah oo loo leexiyo.

Qodobka 8aad waxaa uu ka hadlayaa Kharashka gacan ku haynta waxaana uu sheegayaa inta lagu gudo jiro Miisaaniyada sanadka 2013 waxaa bilaabmay habdhaqan kazoo horjeeda nidaamka maaliyada qaranka waxaana dhacday oo la bixiyay waxa loogu yeedhay kharashka gacan ku haynta isla markaana ay noqotay mid abuurtay khaladaad iyo Tartan Guracan.

Hadaba Ugu danbayntii waxaa ay isweydiintu tahay sababta ay tahay ujeedada agaasimaha guud ula jeeday maadaama uu yahay kii bixiyay kharashka gacan ku haynta sanadkan 2013 oo dhan walba u badnaa inuu siiyo Sh Mukhtaar(SAMAALE) Waxaanuna ka helnay cadaymo kala duwan oo muujinaya arintaasi Iyadoo sidoo kale agaasimaha guud waraaqdani ay u dhinayd sidan.

[Hadaba si aan uga taagnaano nidaam xisaabeedka waxaa reeban,Lacag magacaas leh oo loo dhiibo masuul ka tirsan wasaarada maaliyada Somaliland,qadarka yare e loo qoondeeyey arintaasina waxay noqonaysaa mid ku jirta gacanta khasnada dhexe ee wasaarada maaliyada waxaana ka masuul ah Agaasimaha Maamulka iyo Khasnajiga]

Qoraalkan ayaa waxaa uu hadaba cadaynayaa isla markaana markhaati cad u yahay  mid lagu soo dhoweystay isla markaana xalaalaynaysa musuqmaasuqa baahsan ee ka aloosan wasaarada maaliyada.

Gebagebadii qoraalkeena manta lama oga waxay ku danbaysay waraaqdani waxaana aynu la socon doonaa qoraaladeena danbe taasi oo aynu kusoo bandhigayno qodobada kale ee ay xanbaarsanayd nuqulkaasi aanu helnay iyo waxay ku danbaysayba inagoo ka hadli doona soona qadan doona Tacrifadaha LA Dhimay ee Ee Kastamada Iyo Waaxda CAshuuraha Beriga Somaliland. Xigasho Wargeyska Xog-ogaal.