“Hambalyaan u dirayaa Golaha Guurtida….”

Qore:-  Maxamed Xuseen Jaamac.. Anigoo ah muwaadin magaciisu yahay maxamed xuseen jama, ku nool caasimaad Hargeisa waxan halkan dhambaal hambalyo ah uga dirayaa golaha guurtida Jamhuuriyada Somaliland ee sida fiican ee odaytinimada leh ee khibrada iyo kalsoonidu ku jirto u dhameeyay khilaafkii soo kala dhex galay Labada dhinac ee golaha wakiilada.

Mohamed Husein jama

Sidaynu kawada warqabno golaha guurtida JSL waxa uu ku suntanyahay boga tarikhada Somaliland golahasoo kazoo qayb qatay xalinta khilaafaadka umadeena geeskastoo laga eegaba, guud ahaan wadanka meelkastoo shaqaaqo ka dhacdayba guurtidu waxay u dirtaa odayaal ka tirsan golaha guurtida.

Halkan waxan hambalyo iyo bogaadin gaara uga dirayaa odayga reeer Somaliland ee Xaaji Abdikariim Xaaji xuseen (abdiwaraabe) oo kaalin weyn ka qaatay xallinta is maandhaafkii ka aloosmay golaha wakiillada oo mar kale taariikhda geli doona.

Xaaji abdi kariim Taarikhada ayay u gali doonta labadii jeer ee sida odaytinimada leh ee uu ugu kala guntaday ismaandhafkii golaha wakiilada.

Guntii iyo gabagabadii

waxaynu ognahay ina Somaliland markastoo is qabato ay leedahay odayaal soo kala dhex gala oo xalinta khilaafaadka ilahay haybad u siiyay, Golaha guurtida waxan leeyay ilahay caafimaadka iyo cimrigaba haydiin siyaadsho.

waxan kula talinayaa Fulinta iyo maxkamada iyo sharcid dajintaba in golahasi (Upper house) aan lagu dag dagin dedjinta sharciyadooda, hadii ay ka marmi waydana waa in golahaasi lagu soo doortaa habkii hore ee lagu soo dortay, dad badan baa yidhaahda golaha gurtida halagu soo doorto cod.

Hadii cod lagu soo doorto golaha gurtida waxa cad in dhallin yaradu ka qayb galayso, wayo waxynu ognahay in doorashadii dhawyd ee Golaha deeganka wax laga badlay oo lagu soo daray in dhalintu ka qayb gali karto, runtii dhalintuna kuma haboona xalinta khilaafadka, odayaasha ayaku haboon xalinta khilaafadka wayo waynu aragna maant amidha hoodia.

Hadii dhalintu soo galsho golaha wakiilada waxa dhici doonta in ay soo baxdo goaamo dag dag ku dhisan, waayo waxaynu ognahay in dhalinta manta joogta ay ku dheerayso qabyaalada, labadii sxbka aha ayay kala fogaysa oo ay ka dhigta laba hoosta waxiskugu haya waxna kala qarsada.

Hadii manta ninkii sidaas ahaa loo dhibo xil guurti, oo sexeexna yeeeshay inuu haligi doono wadanka tasoo macna heedu yahay in ay meesha iman karto nin necbaysi ka sii qoto dheeer ta manta jirta.

Alla mahadleh

Qore:-  Maxamed Xuseen Jaamac

Hargeysa/Somaliland

E-mail:- masmas122@gmail.com

Tel. 4417018