Xaalada Dalka Iyo Duruufaha Ku Gadaaman By Fouad Abdisalam

In xumaha la doorshiyo
Xil Daryeelidiisiyo,
Dad U Hiilin maahee
Geenyadda dekaanka ah,
Aan aan dul-buuxshoo
Dalasado Markaygoo,
Daadka aan ku dhaafee,
Iiga soo deg weeyaan!!  Abwaan Hadraawi.

hand with pen 333

Waxaa sideynu la wada socono todobaadkii  ugu danbeeyey dalka Somaliland ku soo kordhey xiisad siyaasadeed oo udub dhaxaadkeedu yahey awoodaha kala duwan ee habka maamulka iyo muran hadheeyey waaxyaha ugu sareeya dalka ee fulinta  iyo sharci dejinta, muranka siyasadeed maaha mid Somaliland ku cusub ee mid aynu u soo wada joogney oo mudooyin badan oo hore sidanoo kale wax u dhaceeen, waxaa  ayaandarro ah in maslaxad shaqsi siyaasi ah ama shakhsiyaad siyaas ahaan iyagu isku eryana in danta dalka iyo horumarkiisa lala jeedho, ama xukuumadda manta talada dalka heysa ha ahaato ama xildhibaanadda golaha wakiiladda labadaba ay yihiin mid ay dadweynuhu soo doorteen una doorteen in ay maslaxada iyo baahiyaha umadda u adeegaan.

Guud ahaan dalku waxaa uu marayey meel wanaagsan dhinac walba inagoo ogsoon in duruufaha ku gadaaman ay yihiin qaar cawaaqibkooda leh oo saameyn balaadhan ku leh geedi socodka nololeed ee shacabka Somaliland. Waxaa marag ma doon ah in isbedel kasta oo ku dhaca siyaasadda dalka ay raad muuqda ku yeelaneyso nolosha shacabka iska tabaaleysan una baahan mar walba in la dhiso o kor loo qaado dhaqaale ahaan iyo nolol ahaan,

Xiisadda muranka siyaasadeed ee barlamaanka dul hoganeysa waxey anfariir ku noqotey shacabka u heelan in la dheerigaliyo oo horumarka iyo kor u kaca dhaqaale u taagnaa iyadoo xukuumaduna kaga mashquushey isbedeladaas ka taagan barlamaanka , waxaanad dareemeysa in shacabka iyo madaxtuba ku mashquulsan yihiin hadal heynta iyo falanqeynta buuqa barlamanka ku xeeran.

Waxan qoraalkan ku soo afmeerayaa  fariin cad halkan uga dirayo  barlamaanka iyo xukuumadda, Barlamaanka waxaan leeyahey waxad ogtihiin sharcigiina iyo doorka aad dalkan ugu jirtaan, kumeydaan iman kursiga xildhibaanimo dagaal aad u gasheen iyo laaluush se cod shacab ayaad ku timaadeen, iyagaad ka turjuntaan oo aad u adeegtaan waxaa idinku waajib ah in maslaxada dalka iyo dadka ka shaqeysaan is qabqabsiga iyo muranka aan danta shacabka quseyna la idinka hanweynaa, farogalin kasta oo xukumadda ama cid kale idinkaga timaadana hadey jirto isku duubnideena iyo wadajirkiina kaga gudubtaan, cadowgiinuna noqdo kuwa diidan Somaliland iyo horumarkeeda.

Xukuumaddana waxaan faraya in ay ka masuul tahey dalka iyo shacabka, eedeymaha kala duwan ee dul hoganayana shacabka ay ka qanciyaan kala saaraana sharciga iyo waajibaadka saran gole kasta o qarankani leeyahey. Dalkana ku maamulaan sharci aan laheyn xisbi jecleysi ama shaqsi jacleysi, maalinbaa iman doonta sideynu u soo wada joogney talada dalku idinka wareegto waxaad umadiina iyo qaranka u qabataan e wanaagsan ayaad heeli idin noqon doono.

Waad Mahadsantihiin

Fouad Abdisalam