Maalmihii la soo maray: Mucaaridaddii Kululayd iyo Marxaladda Maanta: is barbar-dhig

qaybta 1-aad: Waxa qoray Xasan Maal Dhidar 6/4/2009 Ayey ahayd maalin uu magaalada Hargeysa ka dhacayey xuskii sanad Guuradii 28aad ee shuhaadadii SNM.
Taasoo markii uu Xuskii ka dhacay Xarunta xusbiga kulmiye uu gudomiyaha xisbiga Kulmiye ahna madaxwaynaha waqtigan mudane Axmed Siilaanyo uu ku Khudbadeeyey in Socod lagu maro laamiga isku xidha xarunta kulmiye ilaa gurigii uu markaa deganaa gudoomiyaha kulmiye oo ahaa guriga uu kuleeyahay Magaalada Hargiesa oo qiyaas ahaan u jira xarunta kulmiye ilaa nus kiloomitir.

kkkk

Waxaanay socod ka so bilaabeen xarunta dhexe ee xisbiga Kulmiye halkaasi oo Sida sawirada idiinka muuqata ay madaxdii sare ee xusbigu gacmaha isa soo Qabsadeen kadibna ciidankii bilayska ee halkaa joogay ayaa rasaas ooda kaga Qaaday hasa ahaatee dhag looma dhigin markii uu socodkii ama isku soo bixii Dhamaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay gudoomiyiihii waqtigaa ee kulmiye oo ah madaxwayne hada mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxaana hadaladiisii ka mid ahaa.

“Shirbaanu iskugu nimid xafiiskayaga nabadgalyo ah umadana waxaanu ugu Baaqnay nabadgalyo,Anaguna waxaanu ku dhaqmaynaa nabadgalyo shacbiga waxaanu utilmaamaynay, waxaa ay maslaxada umadu ku jirto, waxaanu utilmaamaynay inuu maanta xukunkii gacanta ku qabtay cid aan nasteex u ahayn, cid aan Halgankoodii qirsanayn.

“Maanta halgankii SNM wuxuu nidaamkani marinayaa inuu nagu qasbo inaannu Xafiisyada hortooda ku qabano oo maalintii khayriyada lagu qaban jiray uu ka joojiyey oo maalinba hudheel iyo meel madow uu la tagayo halkaa banaankaasanu ku qabanoo xafiiskayaga hortiisa ah anagoo waliba ciidamada Nabadgalyada umahad celinayna waad arkayseen oo waad maqlayseen anagoo wax dhibaato ku jirto halkaa ka gaysan inaanu tilmaamno dulmiga dalka ka socda mooyaane waad arkayseen inaanu nidhi aanu u lugayno ilaa gurigaygaa anigoo u soo lugaynaya xabad iyo rasaasta nagu socotay taasina maanta waxay muujinaysaa ayaan daro ciidamada loo adeegsanayo dulmiga,waxaasi waxaannu u qaadannay inuu yahay amar ka yimid Madaxwaynaha.” Sidaa ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo.

Waxaanu intaa sii raaciyey oo uu yidhi; “Waxaannu leenahay Madaxwayne wax ala waxaad la hadhaa ma jirto Cirka soo guji waan lugaynayaa waan baxayaa waan soconayaa imikaba halkaasan soo lugeeyey ciidamadaada amar sii waxaad fulinayso fuli waa dulmi waa boob waa dhac adiniga iyo umada iyo shacbigutoona kaa biqimayno waanu lugaynaynaa oo waanu soconaynaa oo mudaharaad joogta ayaanu samaynaynaa oo marwalba usoo baxaynaa oo aanu xaq uleenahay oo dastuuriyan uleenahay oo nabada jabinmayno adiguna siday kula tahay udhaqan oo u wad waxaad ka heshaad leedahay.” Kaasi wuxuu ahaa Madaxweynaha Maanta xilka haya Axmed Maxamed Siilanayo

Lasoco Qaybaha danbe.

WQ, Xasan Maal Dhidar