Wasaaradda Maaliyadda oo Isu Beddeshay Shirkad Ganacsi oo Samaale Yeeshay

RAACDADA WARGAYSKA: Qaybta 3-aad.. Akhristayaasha sida tooska ah ugu xidhan Barnaamijka RAACDADA WARGAYSKA oo Wargayska Xogogaal Dibada ugu soo saarayo Dhukumantiyo iyo Cadaymo Daaha ka faydaya,xogaha qarsoon ee maamulka Wasaarada Maaliyada Somaliland Tan iyo Intii uu xilka La wareegay Wasiir Sh Mukhtaar(SAMAALE).

SAMAALE IYO WASAARADDA

Maanta waxaan idiin soo gudbin doonaa qaybtii Sadexaad ee Barnaamijyo Taxane ah iyo fadeexado is huwan oo wargaysku helay,Sidoo kale Wargaysku waxaa uu ka Cudur Daaranayaa In Soo bandhigista Siraha Qarsoon ee wasaarada Maaliyada Ay Ka madhan tahay Cadaawad Cid Gaar ah loo hayo Mana aha Been Iyo Buunbuunin Balse waa Raadinta Runta Iyo Xaqiijinta Shaqada Qaranka Iyo Ka hortaga Dulmiga iyo Tacadiga Shaqaalah ee ka dhanka ah Wasiirka Maaliyada Sh Mukhtar(SAMAALE).

Hadaba waxaa jirta jirta cadaymo sheegaya sida foosha xun ee wasiirkani uugu kala faquuqay shaqaalaha wasaarada maaliyada isagoo u kala jejebiyay (QAYBO) isagoo sidii afweyne u isticmaalay (Qaybi Oo Xukun)DIVIDDE AND RULE xili ay buuxaan shaqaalihii wasaarada maaliyadu oo aanay shaqayn Markii waxba loo diran waayay ayaa wasiirkani waxaa uu adeegsaday nidaamka isxanbaarka isagoo wasaarado kale kazoo walwaashay shaqaale kale sida Wasaaradaha Ganacsiga,Waxbarashada,Gaashaandhiga,Wakaalada Biyaha iyo qaar kale oo badan kuwaasi oo uu ku keenay Nidaam Beelaysan isagoo u qorsheeyey dhamaanba qaybaha kala duwan ee waaxyaha wasaarada maaliyada iyo gobolada dalka qaarkoodna uu ku qanciyay una magcaabay Xilal Sare sida,Gobolka Selel Saylac,Kalabaydh,Wajaale,Berbera,Baligubadle.

Dhacdooyinkan foosha xun ee maalin kasta hoyga u noqday inay ka dhacaan intii wasiirkan xafiiska Yuururay,waxaa ay daaha ka faydaysaa Muluqmaaluqa iyo isdaba wareega ka aloosan Uhda Iyo Afaafka Wasaaradaasi Maaliyada iyadoo ay ka mid tahay waxyaabaha uu helay wargayska xogogaal Nin lacag Celin doonayay Mudo sadex bilood ahna daba wareegayay aya loo sheegay in la bixinayo Feb,2013 Ayaa markii uu sugay isasoo taagay xiligii oo dhamaaday waxaana loogu jawaab celiyay Lama Samayn Taasi oo keentay in ninkii Uu dhaco biyana lagu rusheeyo Xanuun Hayay aawaded taasi oo ay iyagu sabab u ahaayeen Waana Markhaati Ma doon.

Sidoo kale Nin magaciisa ka gaabsaday inaan shaacino kana hawlgala wasaarada maaliyada waxaa uu barnaamijkan Raacdada Wargayska u sheegay in guno Xileed la qaybiyay waaxduu ka tirsanaa ay heshay ay heshay 3 qof,bakhtiyaanasiibna loo sameeyey ka dibna uu ku guulaystay 1 qof labada kalena ay saaxiibadii heleen,taasoo markay ka danbaysay laba cisho loo yeedhay laguna wargeliyay in inaanu liiska iyo nasiibkiisaba la deedafeeyey ka dib markii la ogaaday Beesha hoose ee uu kazoo jeedo,waxaana ay sababtay ninkaasi inuu ka cadhooday Cadaalada darada ka socota hadh iyo habeen wasaaradaasi inuu Kambayuutarkiisii uu watay Gidaarka ku kala jebiyo,iyadoo ay halkaasi ka muuqato in ay wasaarada ka jirto Dayaca iyo Maamul xumada wasaarada ee agaasimihii ku shaqada lahaa oo aan hadli karin lagana iibsaday Kursigiisa shaqo inagoo cadadyadeena danbe ku xusi doona Qiimaha Looga Gatay Kursigiisa oo loo geeliyay Miisaniyada .

Sh Mukhtaar(SAMAALE) Waxaa ay Fidnada uu dalka iyo dadka dhexdiisa la Dhukusayaa waxaa ay gaadhay inuu xisbiga Kulmiye Ka Dhex Sameeyey Garabyo iyo Xafiisyo Dusha Sare ka ah xisbiga kulmiye hoostan ka Ah NEW KULMIYE waxaana la sheegay in uu garabyada taageersan oo uu ku biiliyo halkoodaa ugu talo galay inuu gunaanadka iyo gebogebada ula goosto Dhankaas iyo xisbiga WADANI oo ay hoosta iska Ogyihiin.

Waxaynu Gelaynaa Cadaalad darada qarsoon ee dhex mushaaxaya wasaarada Maaliyada waxaa ka mid ah shirarka la isugu yimaado wasaarada todobaadkiiba hal mar kulankaasi oo loogu yeedhay Shirka Agaasimayaasha uuna gudoomiye u Yahay Sh Mukhtar Kana kooban 9 xubnood oo ay 7 ka mid ahi yihiin Caailadiisa dhow iyadoo qaarkood yihiin una shaqeeyaan Sida NSSta,isla markaana qaata mushaharka Agaasimayaasha Guud iyo Waaxyaha Qaarkood Ayna sidoo kale ka Awood Badan yihiin Agaasimayaasha MAgcaaban Una Hawlagala Sidii Taliskii Afweyne.

Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha DAwlada Nuux Muuse Ducaale Ayaa ka warhelay Muluqmaaluqa ka aloosan wasaarada iyo sheegashada xilalkan ugubka ku ah Dalka Isagoo Ka hortagayay Lunsashada Hanti qaran waxaa uu wasaarada Maaliayada u soo qoray Wasiirkan Isagoo ogaysiin siiyay Xisaabiyaha Guud Iyo Hantidhowraha Qaranka Iyo Madaxtooyada Warqadaasi oo Sumadeedu Tahay  CSC/WM/07-487/2013 kuna aadanayd Maalintii taariikhda bishu ahayd 25/05/2013 kuna saabsanayd ILAALINTA QAAB DHISMEEDKA WASAARADA MAALIYADA,Ilaa iyo hada ma jirto dhegjalaq loo siiyay waraaqdaasi oo  xaaraan ka dhigaysay inaanay wasaaradina bedeli Karin qaab dhismeedka u yaala waxaana ay noqotay Hal BAcaad Lagu Lisay.

Ugu Danbayntii Qormadeenan waxaa jirta iyana Warqad uu Qoray Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Maaliyada Somaliland Oo Qeexaysa Qaabka loo bixinayo amase loo maareeynayo Miisaaniyada Wasaarada Maaliyada 2014 taasi oo sumadeedu Tahay WM/02/08/-03/76/2014 kuna taariikhaysan 08/01/2014 taasi oo uu doonayay in lagu dhaqmo si uu uga baxsado wixii dhacay sanadkii ina dhaafay 2013ka waxaana waraaqdaasi lifaaq ka mid ah helay wargayska inagoo soo bandhigayna cadadkeena kan ku xiga iyadoo faahfaahsan….

LASOCO QAYBTA 4AAD