Baafin: Cali Maxamed Warancadde, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland?!

Shan iyo labaatankii Juun, 2013ka waxa qasriga Madaxtooyada Somaliland ka soo baxday digreeto isugu jirtay magacaabid, isku shaandayn iyo xil-ka-qaadid taabanaysa Golaha Wasiirrada, waxaana soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

CALI WARAN-CADDE

Hal-doorka lagu magaacabay digreetadaas waxa ka mid ahaa Siyaasiga weyn ee Cali Maxamed Warancadde oo loo xulay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland. Saddex cisho kaddib oo ah 29/June/2013ka ayuu si rasmi ah xilka ula wareegay Warancadde, waxaanu ka tirsaday Maxamed Nuur Carraale (Duur).

Isla munaasibadda waxa uu Wasiir Warancadde ka jeediyay khudbad ballaadhan oo ay la dhaceen qaybaha bulshada Somaliland, waxaanu sameeyay ballan-qaadyo ay ka mid ahaayeen:

La-dagaallanka laaluushka

Qurxinta magaalooyinka

Adkeynta nabadgelyada IWM.

Waxyaabaha uu Wasiir Warancadde uu wacadka ku maray maalintaas waxa ka mid ahaa “waxa aannu samayn doonnaa guddi qaran oo shaqadeedu tahay in khilaafaadka Somaliland lagu xalliyo wada-hadal”. Waa hadal quruxsan oo haddii la hirgeliyo wax badan inoo tari lahaa. Waa gaashaan meel weyn inaga gufeyn lahaa. Waa naruuro lagu diirsaday. Waa…. Waa…. Waa….. Ma garanayo meel uu ku dambeeyay ballan-qaadkan uu wasiirkeenna waxqabadka lihi.

Shakhsi waa ay iga go’nayd in guddigaas la dhiso, waanan hambalyaynayaa weedha u baahan ficilka ee masuulkeennu sheegay. Haddii aan awoodday ka hawgeli lahaa-na, iima ay suurtogelin in aan kulan, email iyo taleefan midna ku xasuusiyo Wasiir Warancadde hawshii uu fagaaraha ka naadiyay. In kasta oo aanu aqoon shakhsiyadeed isu layahnna waxa uu isku xeeray askar iyo xeyn-daab dad ah oo aan loo dhaafi karin.

Sidaas darteed ayaan Cali Maxamed Warancadde, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland dhambaalkan ugu marinayaa saxaafaddii maragga ka ahayd ereygiisa… Waxaanan weydiinayaa

1.      Hadalkaasi ma mid kaa go’an ayuu ahaa mise khudbadda ayaad ku qurxinaysay?

2.      Maxaa ka hirgalay dhismaha guddidii xallinta khilaafaadka?

3.      Ma kala hadashay asxaabta, aqoonyahanka, xukuumadda, goleyaasha qaranka, oday-dhaqameedka iyo guud ahaan muwaaddiniinta Somaliland ee guud ahaan dhibbanaha u noqda khilaafaadka curta?

4.      Mise, waxa aad bulshada u haysataa maangaab aan kula xisaabtami karin oo waad na maaweelinaysay?

5.      Maxaa caqabad kaa qabsaday fulinta ballankii aad samaysay?

Ciddii xog ka haysa weydiimaha aan badka soo dhigay iyo Wasiir Warancadde labaduba, aniga oo u mahad-naqaya waxa iigu soo warcelin karaan ciwaannadan hoose.

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

saedmgahair@hotmail.com

Facebook: Siciid Maxamuud Gahayr

Tell: 4428604/9169034.