Milicsiga Waxyeellada Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland! Q: 1-aad – Siciid M. Gahayr

WASIIRKA DUULISTA HAWADA IYO GAADIIDKA CIRKA SOMALILAND FARXAAN ADAN HAYBE

Wasiir Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) waxa laga beddelay wasaaradda duulista hawada kaddib markii lagu eedeeyay inay is-fahmi waayeen hawl-wadeennada wasaaraddii uu madaxda ka ahaa. Miyaad aragtay masuul loo beddelo cid ka hoosaysa awgeed?

WASIIRKA DUULISTA HAWADA IYO GAADIIDKA CIRKA SOMALILAND FARXAAN ADAN HAYBE

Waa wixii Boobe Yuusuf Ducaale uu liqi waayay 2012kii. Intii uu joogay waxa uu qortay saami ka mid ah shaqaalaha, sidoo kalena waxa uu isku deyay in uu la socdo dhaqaalaha ku dhaca bar-xisaabeedyada gaarka ah. Sidaas awgeed ayaa loo sameeyay isku shaandhayn degdeg ah, waxaana Caddaani loo wanjaafay dhinaca Warfaafinta.

Waxa xilkii la wareegay Wasiir Cumar Maxamed Faarax oo hore xannaanada xoolaha u joogay. Wasiirku waxa uu ka yaabay nin hore Wasaaradda Duulista madax uga ahaa oo haddana hadh iyo habeenba shir-doceedyo iyo kulanno kula jira adeegayaasha uu madaxda u yahay, kaas oo faro-gelin qaawan ku haya kobta uu qaranka ugu xil-saaran yahay. Wasiir Cumar waxa uu yidhi “Halkan (Wasaaradda Duulista iyo Madaarka) aniga ayaa qaranka uga masuul ah. Ma fiicna in aan kugu dhex arko adiga oo aan shaqo dawli ah u soconnin ama aan xaalad dhoof (bixid/gelid) ku jirin”. Markii la arkay in aanu ahayn nin habraya ayaa xil-ka-beddel iyo xil-ka-qaadis loo kala dambaysiiyay, sidaas ayaana xayndaabkii Golaha Wasiirrada loo weydaariyay.

14kii Ogos 2016ka ayaa Cali Maxamed Warancadde laga beddelay wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland, waxaana la doonay in loo dhiibo Wasaaradda Duulista Hawada, laakiin waa uu ka cudur-daartay. “Madaxweynuhu waa uu dhibsaday diidmadayda. Sidaas awgeed ayaan u codsaday in Safiirka Itoobiya la ii magacaabo si aan halkaas nasasho ugu qaato” ayuu Warancadde ku yidhi dad la xidhiidhay markii uu aqbalay safiirnimadii uu marka dambena ka walaacay.

Md Warancadde waxa uu ogaa in aan loo xulin Wasaarad uu xor u yahay, waxaanu ku waano-qaatay wixii gaadhay labadii wasiir ee min saddexda bilood birta lagu dhaafiyay markii ay fara-fareyeen “jiif oo jaqda” uu nin ka samaystay, welina ku leeyahay Wasaaradda Duulista. Sidaas awgeed ayaa Wasaaradda Duulista loogu magacaabay Farxaan Aadan Haybe oo oo markaas ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Wershadaha Somaliland.

Waxa aynu si kooban u eegi doonnaa waxyaabihii qabsoomay muddada uu masuulkani ku magacaaban yahay wasaaradda duulista hawada, ma yahay nin 100% go’aan ka gaadhi kara arrimaha wax-ka-beddelka u baahan ee ka jira xarunta uu hagaha ka yahay? Sidee ayaa ay wasaaraddiisu uga fal-celisaa cidda dhaliisha? Sidee ayaa gu’gan uu ku magacaaban yahay wasaaradda duulista laga yeelay dhulkii madaarka?

Wasiir Farxaan Adan Haybe waxa uu gacanta ku hayaa xarun aan wax is-beddel lagu samaynnin tan iyo Oktoobar 2015ka oo wasaaraddaas laga beddelay ninkii dhisay nidaamka uu gacanta ku hayay. Keliya waxa uu maamulaa qaab-dhismeed la sii aloosay, lana sii agaasimay. Kaas oo ku habboon dano ay cid kale ka leedahay bar-dawladeedka uu muddada sannadka u dhaw gadh-wadeenka ka yahay.

Isku shaandhayn kuma samayn karo agaasime-waaxeeyada wasaaraddiisa. Waxa la odhan karaa waxa uu hoggaamiye ugu qoran yahay shaqaale ka madax bannaan oo cid kale hoos taga. Tusaale ahaan xilliyadii aan xidhnaa, adeegayaasha wasaaraddiisu si aanay isaga u daba-fadhiisan jirain ayay dacwaddayda faraha ugula jireen. Xilliyada qaar waxa la soo tebin jiray in Wasiirka Duulistu Md Farxaan Aadan Haybe uu yidhi “Siciid Maxamuud Gahayr uma xidhna Wasaaraddayada, Maxamed Yuusufna naguma metelo. Isaga ayaa hawshan watay, dacwad-ka-noqosho aanu qoraynnaana ma jirto“.

Yaab! Tolow haddaa ma Isaariil ayaan u xidhanahay? Maxaa xaska dabada loo gelinayaa?. Hadalkan waxa uu yidhi mar si toos ah xaajadayda wax looga weydiiyay. Xilliyo dhawr ah oo uu damcay in uu tallaabo ka qaado adeegayaal wasaaraddiisa hoos tagana, qorshihiisu ma hirgelin. Waxaana sabab ah cidda ay isku hallaynayaan kuwa uu madaxda ugu magacaaban yahay.

Ma aha masuul go’aan buuxa ka gaadhi kara cidda ay wasaaraddiisu u qaadanayso shaqaale. Keliya waxa uu qoraa hormooyin kala dambeeyay oo loo yeedhiyay. Wasiir Farxaan Aadan Haybe waxa shaqo u doontay dhallinyaro reer Hargeysa ah, waxaanu yidhi “Illaa sannadka soo socda waa la sii caseeyay. Wasiir hore ayaa kaga tegay shaqaale ku-meel-gaadh ah oo sugaya in si rasmi ah dawladdu u qaadato. Sidaas awgeed cidna ma qori karo”. 

Xilliyada qaarkood oo ay Madaarka Cigaal qoraallo ka sameeyeen niman dhallinyaro ahi waxa ay Wasaaradda Duulistu dacwad u gudbisay shirkad madax bannaan oo uu ka hawl-galo aqoonyahan da’yar oo faalleeyay nidaamyo ka jira Wasaaradda Duulistu. Maadaama oo ay dano badani iska xidhan yihiin Xukuumadda iyo Ganacsatada, waxa ninkii lagu amray in uu faraha ka qaado faalladiisa uu ku muujinayo waxyaabaha huursan wasaaradda duulista ama uu shaqada ka tago.

Dhanka kale waxa uu Farxaan Aadan Haybe, uu ku takri-falay dhulkii danta guud ee lagu kordhiyay madaarka. In muddo ah waxa aan maqlayay in uu Farxaan Aadan Haybe ku fooggan yahay qorshe uu ku lunsanayo dhulka Gegada Cigaal loo qoondeeyay. Sidoo kale masuul ka tirsan Wasaaradda Duulista Hawada ayaa horraantii sannadkan shir la galay dadkii hore dhulka loo qaaday “Waxa aanu u baahannahay dhul kale oo Madaarka lagu kordhiyo” ayaa uu yidhi. “Wax aan xabbad ahayn ku qaadi maysaan” ayaa ay dadkina yidhaahdeen. “Warkaasi waa sir, cidna ha u sheegina” ayaa uu yidhi masuulkii ka socday wasaaradda Duulista Hawadu.

Ugu dambayntiina waxa uu Farxaan Aadan Haybe si cad u sheegay in ay dhul siiyeen ganacsade ka dhisaya garoon la seexdo “Waxa aanu dhul siinnay muwaaddin ku maalgelinaya laba milyan oo doollar, si uu uga dhiso meel la  seexdo”. Hadalkiisa waxa aan ka dhadhsansaday in uu Turkigu maal-gelin ku samaynayo Madaarka Hargeysa. Markii laga fara-xashay dekeddii Berbera, haamihii, madaarkii Berbera, Wershaddii sibidhka iyo meelo kale, waxa la wadaa qorshe lagu gacan-geliyo Garoonka Diyaaradaha Hargeysa. “Hadduu iib yahay”.

La soco qaybta labaad insha Allah

Siciid Maxamuud Gahayr

saedmgahair@hotmail.com