“Bahda Camuud, Waxa Lafoole Looga Yaqaannay Kacaan-diid..”

Professor Saleebaan Axmed Guuleed..Waa qaybtii Afraad ee wareysigii taariikhiga ahaa ee aynu la yeelannay Professor Saleebaan Axmed Guuleed oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud.

Prof-Saleebaanssss

Isaga oo Professor Saleebaan sii iftiiminaya ujeeddooyinka salka u ahaa in la hawl-galo furitaanka Jaamacadda Camuud oo ah hooyada Jaamacadaha Somaliland waxa uu yidhi “Haddii aan la helin da’yar waxbarata waxa dhacaya arrimahan 1. Dalku ma helayo cid horumarisa 2. Lagama shaqayn karo nabadda 3. Ummad aan rejo lahayni waa kuwo asal ahaanba baaba’aya, rejaduna in dhallinyarada loo nooleeyo ayay ku habboon tahay.

Markaa tii baan dhallinyarada u soo celinnay. Waxa aan ku bilawnay laba kulliyadood oo muhiim ah. Labadaa kulliyadood midi waxbarashada (soo saaraysa macallimiinta). Bareyaashu waxa ay ka soo bixi jireen Lafoole, meel kale kama soo bixi jirin, markii ay Soomaaliya burburtay taasi waa joogsatay. Jaamacadda Camuudna markaa macallimiinta ayaan ku bilawnay. Kulliyadda labaadna waxa ay ahayd maamulka iyo maaraynta (business and puplic administration).

Maadaama oo ay hawlihii ummaddu u wareegeen waaxda dhaqaalaha gaarka ah (private sector) waxa aanu is nidhi waxa habboon inaad soo saartaan aqoonyahanno xirfadleh oo maareynta, maamulka xisaabaadka, suuq-geynta iyo qaybaha kale ka shaqayn kara. Si ay dhallinyaradu shaqo ugu hesho… Xilligaasna ma ay jirin dawlad xooggan oo dammaanad qaadi karta shaqaalaynta dhallinyarada, shirkadaha xilligaa bilaabmayayna waxa ay u badnaayeen kuwo  ay qof iyo qoyskiisu leeyihiin. Waxa aannu doorbidnay inay barbaartu kuwaas dhex galaan oo shaqo ka raadsadaan. Kulliyadaha Jaamacadda Camuud hadda ka furani waxa ay marayaan saddex iyo toban. Kolba ta aad karaysaan bilaaba, ayaanu is-nidhi.”

Marka laga yimaaddo dhanka shaqada, Professor Saleebaan Axmed Guuleed oo ka jawaabaya caqadaha iyo guulaha soo maray kuwa uu ka xusi karo waxa uu yidhi “nolosha ayaa farxad iyo dhibaato labadaba leh. Macallinnimadu welwel badan ma leh. Waa shaqo farxad badan, oo culayska siyaasiyiinta culayska haystaa nama saarna. Cadho way leedahay, hawl kastaana dhibteeda way leedahay kol ardaydu kaa xanaajiso. Mana aha mid hurdada ku diidda oo aad habeenkii is-rogrogayso, aroortiina aad la toosayso. Laakiin mid aad ku raagayso ma aha. Imaka waxa aan shaqeynayaa sannadkii lix iyo afartanaad. Haddana sidii aan bilawgii u jeclaa ayaan macallinnimada u jeclahay. Intaaba dad iga da’yar oo qoslaya ayaan la sheekaysan jiray. Dad welwelsan oo fara badan oo da’ weyn sida loola sheekaysto ma aqaan. Maadaama oo aan weligayba dad iga da’yar oo faraxsan la joogay. Meesha aad ku raagto ayaad caqliyaddeeda yeelanaysaa, markaa farxad ayaan dareemaa.

Waxoogaa dhibaato ahi waa iska jiraan oo marka aad aragto qorshihii aad wadday oo wax ka si noqdeen waad dareemaysaa dib u dhac. Anigu sidaydaba qof danta guud ka shaqeeya ayaan ahay oo hagardaamooyin qof ahaan iigu dhacay wuu iska yaraa. Xagga qoyskayagu waxa ay ahaayeen dad fiican oo aan sabool ahayn. Shaqada aan haystaana waa mid fiican. Gabadha xaaskayga ahina waa qof aqoonyahan (masters degree) sidata. Jaamacaddana aan wax ka wada dhigi jirnay, waxaanay maamule mashruuc (project manager) ka ahayd barnaamij ay haayadda EVAT ka wadday gobollada Awdal iyo Selel.

Xilliyada aad cadhoonaysaa waa marka aad maamuullada is-qabataan gaar ahaan xilliyadii Koonfur la joogay. Colkayaga Camuud oo dhan waxa Lafoole nalagu xisaabin jiray Kacaan-diid, waanay iska jireen waxoogaa noocaas ahi. Laakiin caqabad aan sheego oo aan ka soo kaban waayay ma jiraan.

Xagga farxadda kuwo badan ayaa jiray oo mar kasta oo aan qalin-jebiyaba waan farxi jiray. Laakiin haddii aan duudduub kuugu sheego, intii ugu farxadda badnayd noloshaydu waa lix iyo tobankii sanno ee Camuud joogay ee u dambeeyay. Taas oo ah inaad ku farxayso inaad mustaqbalkii dalkan iyo dadkan aad wax ka beddelayso. Marka aad haayadaha iyo dawladda eegto, gobol aanay cidi bahda Camuud ka joogini ma jiro. Tiro-koobkii u dambeeyay ee dalka waxa uu ahaa inay dalka ka jiraan 104 dugsi sare. Mid aanu macallin Camuud ka soo baxay joogini ma jiro. Qaarkood ayaa haayadaha iyo wasaaradaha ka madax ah. Dhawaan waxa aan rejaynayaa inaan ka talax-gabo xagga Jaamacadda oo hadda werwerka Jaamacadda ayaa igu badane, waxa aan filayaa inaan dhanka cibaadada u leexdo si uu u diyaar-garawga iyo fekerka Aakhiro iigu bato. Markaa xilli kasta oo aan joogo qalin-jebin Camuud ah laga bilaabo 2003dii waa farxad joogto ah, haddii aan weydiintaadii ka jawaabay”.

La soco qaybta 5aad haddii Alle idmo.

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Facebook: Saeed Mohamoud Gahayr Hargeysaawi.

saedmgahair@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland.