Somaliland: GOBOL Wasiirro u Xidhan..!

amiin yare

Gobolka Badhan oo ku yaalla Sanaag Bari ahna gobolka ugu Kooneeya Somaliland. Gobolkani waxa uu xuduud la wadaaga Maamul-goboleedka Puntland, waa gobol ku fadhiya baaxad aad u ballaadhan, waa gobol Allaah ku mannaystay qurux iyo bilic.

Gobolka Badhan waxa ku yaalla Buuraha loo yaqaanmo Cal-madow. Gobolkan waxa hoos taga degaanno taariikh leh lagana yaqaanno inta Somaalidu dagto. Waxa ku yaal Xeeb aad u ballaadhan. Dadka Deegaanka ku nool waxay ku abtirsadaan dawladda Somaliland oo iyadu mar kasta ku doodda in dhulka Somaliland yahay lama tabtaan.

Haddaba, Somaliland ma gaadhsiisay gobolka nidaamka dawladnimo iyo wax-qabdka ay ka waddo gobollada iyo degmooyinka kale ee dalka Somaliland? Jawaabta su’aashaas, mawduuceenna gudihiisa ayeynu ku eegi doonnaa, hase-yeeshee, aynu marka hore is-dul-taaganno gobolka iyo inta degmo ee uu ka kooban yahay.

Gobolka Badhan waxa uu ka mid yahay gobolladii uu bixiyay Madaxwaynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Raayale Kaahin, gobolku waxa uu ka kooban yahay shan degmo oo kala ah Badhan, Laasqoray, Dhahar, Xiin-galool iyo Buraan. Haddaba, Maamul nooce ah ayaa ka shaqeeya gobolka Badhan?

Madaxwaynihii hore ee Somaliland Md. Rayaale, waxa uu magacabay gobolka 7 sano ka hor maamul-gobol oo ka kooban Guddoomiye, Guddoomiye Ku-xigeen, Maayer iyo Maayer Ku-xigeen, Xoghaye gobol iyo Taliyaha qaybta Booliska. Maamulku ma ku shaqeeyaa nidaam dawladnimo ama dadka deegaanka ma gaadhsiyeen waxay tahay dawladnimo?

Aynu ka biloowno maagalo-madaxda gobolka Badhan waxa jooga laba Maamul oo ku kala magacaaban Somaliland iyo Puntland, intiinna badan waxaad is waydiinysaan waa maxay labadan Maamul ee ka kala tirsan labad dal?

Qaarkiin waxa ku soo dhacaysa magaalada ma xuduud ayaa dhex-mara kala qaybiya labada Maamul? Maya. Hase-yeeshee, magaalada Badhan waxay ku dhex taal xuduudka Somaliland xadka Maamulka Puntland ee Soomaaliya-na waxa uu u jiraa 120 Km. Dadka deegaanka oo aan in badan wax ka weydiiyay sababta ay labadan Maamul uga wada shaqeenyaan inta badan iimay wada iftiimin dadku.

Balse waxay qaarkood ii sheegeen in labadan Maamul ku joogan laba sifo haddii ay tahay Somaliland waxay ku joogaan xuduud dawladeed amase gobolkani yahay deegaanka Somaliland. Hase-yeeshee, waxay ku doodayaan inay Somaliland iska illoowday gobolkan haddii ay tahay Puntland maamulkeeduna ku joogo waxay ugu yeedheen Isir ama wax-isu- ahaansho Puntland cidda degta. Koox saddexaad oo kale waxay ii sheegeen in labada Maamul ee meesha joogaa aanay metelin dadka deegaankan ee mid kastaaba ku shaqaysanyo magaca gobolka oo dhinaca uu dantiisa ka arko Somaliland ha noqoto amaba Puntland e uu raacayo ama la shaqeeya-ba.

Bal aynu yar dul-istaagno waxa ka hor-jooga Somaliland in ay dadka deegaanka iyo gobolku-ba ay gaadhsiiso nidaamka dawladnimo. Gobolkan Badhan waxa uu Caasimadda Somaliland ee Hargeysa u jiraa 1,300 Km (kun iyo saddex boqol oo kiiloo-mitir) qiyaastii, waa masaafo aad uga fog Caasimadda. Waxa loo maraa waddo rafa una badan Buuralay, balse Somaliland haddana kama maqna wax ka ogaanshaha xaaladda gobolka oo waxa ugu magacaaban Maamul heer gobol, degmo iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo iyagu sheegta in waxa laga weydiiyo xaaladda iyo guud ahaanba arrimaha gobolka Badhan iyo deegaannada ku xeeran-ba.………LASOCO QAYBTA 2-AAD

Mahamed Bashiir Nuur Giriig

Email:Nuur_Giriig1@hotmail.com