waxaan habeen dhoweyd daawaday muuqaal cinwaan looga dhigay, “warbixin laga diyaariyey oo caddeyn leh musuqmaasuq”laakiin, bilowgiiba ii muuqday inaanu islahayn caddeymaha ay sheegayeen inay hayaan iyo muuqaalada ay soo bandhigayaan, haddanu ereyada anshaxa ka madhan ee hadaladooda aanay u haysan CADDEYMO iyagu, keliya waxa muuqda muuqaal aqal meel ku yaala, oo weliba xitaa aanu muuqaalkooda xaqiijinayn farsamo xumada loo duubay awgeed dhab ahaan siduu yahay, ama tafaasiil dheeraad ah. muuqaalka oo muddo dhowr iyo toban daqiiqadood socda ayaan wax ka duwan muuqaalkaa lagu arkayn, halka gebagebada gabadhan lagu magacaabo Rooda Axmed intay albaab meel ku yaala horistaagtay, ku celinaysa hadaladii hore ugu jiray muuqaalkan malo-awaalka ah, kuna hanjabayso inay hayaan caddeymo, soona bandhigi doonaan.
LA YAAB, ninbaa laga hayey nacasnimada, cimri-dheeraantu kaga darnaa, haatan waxaan leeyahay, aqoon darada, ku dhiiranaanta beenta ayey kaga dartay, haddaba, markuu sidaa noqday waxay la shir yimaadeen ayaan is-weydiiyey, tollow, ma jirto waxan ay sheegayeene, maxuu noqon karaa hadafkoodu? waxa maskaxdayda ku soo dhacday dhacdooyin hore oo gabadhani ka gashay shacabka Somaliland, balse aan si weyn loogula xisaabtamin? waxa ii soo baxday in Ilaahay ummada dib u xusuusinayey xumaanta ay hore u gashay ROODA, si loogula xisaabtamo.
muddo aan wakhti badan ka soo wareegin waxa bulshada Somaliland guddo iyo dibedba la yaab ku noqotay maqalka hadal nin ka tirsan xildhibaanada Somaliland oo Siciid Cilmi Rooble la yidhaahdo, una muuqday inuu hormood ka ahaa shaqsiyaad ay u soo adeegsadeen cadow ka soo horjeeday hirgelinta heshiiskii balaadhinta iyo casriyeynta dekeda Berbera, burburintiisa kula hadlayey dad uu ku sheegay “Beel-weynta Ciise-Muuse”, oo baraha bulshada ee lagu xidhiidho oo aqoon badan aanu u lahayn kaga hadlayey, fadeexadii ka raacdayna loo wada joogay, aya isagoo qiraya sheegay inuu uga mahadcelinayo walaal ROODA, inay u fududeysay siduu hadaladiisii uu xumaanta iyo cadaawad ku kala dhexdhigayey bulshada Somaliland inuu ka jeediyo, dhacdada dadku inta badan waxay ku dhaleeceeyeen Siciid Cilmi, balse dembiilaha koowaad ee mudnaa inuu ciqaabteeda maro waxay ahayd gabadhan sheegata xil aanay ummada u hayn oo ah Gudoomiyaha xisbiga UCID ee gobolka Saaxil, oo sifo sharci ah Gudomiyaha xisbigu Eng Faysal Cali Waraabe kaga qaaday, ka dib markii ay ka baydhay anshaxii iyo xeerarkii xisbiga.
waxaan leeyahay, Roodaay, hadii xaqiiqada la doonayo BEENAALE iyo TUUG xaday hantidii shacabka Somaliland waa ADIGA, hadaanad u haysan ka beensheegida xil umadeed inuu DEMBI yahay, waa caqligaaga kooban. waxaan kaga baxayaa, diinteenu waa u nasteexo cid walba, waxaan ku odhan laha Walaashayda muslimada Ilaahay uga tooban celi dunuubta aad shaqsiyaadka ummadu u igmatay xilkooda ka geleyso, sidoo kale dadkaad ku been-abuuratay cafis weydiiso iyo guud ahaan Bulshada Somaliland, ilayn shaqsiyaadka aad aflagaadaynayso ummada xilka u igmatee, hadii Ilaahay ku garansiinayo, ilayn sidii macnaha xadiiskii Nebigeena Maxamed CSW ahaa, calaamadaha qofka MUNAAFAQA oo hoygiisu yahay salka naarta Jahanama, waxa ka mid ah BEENTEE. Ilaahay ha innaga badbaadiyee.
Farduus Cabdiraxmaan- Magaalada Jiddah, ee Sacuudiga.