Somaliland Development Team (SDT) Oo kullan Ballaadhan ku qabanaya GUTHENBURG

GUTHENBURG-(Aftahannews)- Annagoo aaminsan in Isku duubnidu horseed ka noqoto  Horumar kasta, Kana duulayna sidii muwadin kasta  oo reer Somaliland ahi aduunka meelkasta oo  uu joogo uu xil isaga saari lahaa iskaadhiga Waxqabadka dalkiisa iyo dadkiisa”We have to work global and together so we can help our country our people”

Ururka Horumarinta Dhallinyarada Somaliland ee dalka gudihiisa iyo debeddiisa, Somaliland Development Team (SDT) Oo arrintaa ka duulaya waxa uu shacbiga Somaliland ee ku nool waddanka Sweden Ogaysiinayaa inay kala soo qaybgalaan kulan lagu lafa-guri doono Horumarinta Dhallinyarada, Taariikhda  01/24/2014 oo ku began Jimcaha, gaar ahaan magaalada Guthenburg place Gamlestaden, time 19.00. 01.00.

Kulankan mudada uu socdo waxaa lagu soo bandhigi doonaa Majaajilooyin iyo taariikh, waxaana k amid ah Cabdi Haybe Laambad, Maxamed Jacbur iyo kuwo kale.Xaaf

Kulankan waxa lagu martiqaaday aqoonyahano, odayaasha magalada, jaaliyadaha Sweden, dhalinyarada magalada iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Waxyaabaha Kulankan lagaga doodi doono.

1)      Horumarinta Guud

2)      II) La dagaalan tahriibka, qabyaalada,  musuq masaqa.

3)      III) Ka hor tagga shaqo la’aanta iyo Jahliga

4)       IV) Sidii loo Cawin lahaa caruurta, dhalinyarada, wayeelka, dumarka iyo raga, cidna laga tagi mayo.

5)       V) Gacan qabasho joogto ah, Talo  joogto ahiyo  tageero joogto ah.

ONE NATION! ONE LOVE! WAXKASTE INAGA QABSAN KARNA.

Waxa kugu martiqaadaya Guddoomiyaha Ururka SDT Maxamed Dhamac.

Ka soo qaybgalkaagu waa muhiim.