Faallo: TALAALKA QABYAALADA BURCO.By Sahra Ladan

sahra ladan

Waayaha ku Xeeran Magaaladda Burco:

Magalada Burco waxay leedahy taarikh ku xardhan geediga iyo jiritaanka Somaliland burco oo ah magalo aad uu wayn

isla markasna xarun uu ah gobolka togdheer waxay jiirta qarniyo aad uu badan maha magaalo yar dhinaca koboca dhaqalaha  iyo dhinaca aqoontaba waa magalo dhashay hanado ka caan ah gayiga ay somalidu degto waa magalo ku caan ah dhinaca xoolaha nool,  warshadah  iyo wax sosaarka sidokale waa magaalo ku caan ah suugaanta iyo taariikhda somalida dhanwalba waa magaalo ay ka muuqadn dhismayaa l casri ah waana magaalo aad uu mudan wayo waxa ka so jeeda ama ku dhashay geesiyaal badan oo wadanka uu shihiiday waana magaalo runtii dadka degani  ay aad uga duwanyiin dadyawga kale ee dagan Somaliland oo dhan

marka laga eego dhinacayada dhaqanka wayo waa dad aad uu wanaagsan dhinaca la noolaanshaha  dadka aan asal ahan burco ka so jeedin waana dad ku caan ah inay ficil leeyhiin  umana  dulqataan waxyaabaha khaladka ay uu arkaan dadka ku dhaqan benderkani  waa dad cadifad badan runtii laakiin waa dad u dhego nugul wax kasta oo wanaag ah iyo horuumar wayo waxay wax badan ku qabsadeen iskaa wax u qabso waan dad jecel ina ka guun gadhn himilad iyo hadafk ay higsanayan; waxyaabihii ay qabsadeen haddii aynu wax ka taabanao waxa ka mid ah:- Jaamacada dawliga ah ee (Burao University), biriishyada mid caged iyo mid baabuureedba wadooyinka magaalada shexdeeda ah ama debedeeda sida ta u dhaxaysa Oodweyne iyo Burco.

Dhinaca kale burco waa halkii laga taagey calanka Somaliland markay la soo noqotay xuriyadeedii 18thmay/1991 sidoo kale waa halkii loogu codeeyey dastuurka ay ku dhisantahay mandaqadatan Somaliland 2001 sidoo kalena  waxa ka dhashay oo asal ahaan ka soo jeeda magaaladan burco 3 ka mid ah madxwayanayshii soo maray Somaliland hadana waxaad moodaa in wali magalda ay wax ka dhimanyihiin waayo isbedelka iyo wakhtiga ayaa ku simay in ay manta noqoto magalo aad uu liidata oo aan lahyn halayeeyadii  hore kuwo bedela oo halkii kasii anba qaada ay awoowayaashood ama aabeyaashood gaadhsiiyeen.

 Waxa aad ka ilmaynaysaa sida ay isku badashay magalidii lagu faani jirey magaceeda, ayaa hada noqotay mid magaceeda laga xishoodo ama la dafiroba. Haddaba su’aalaha iswaydiinta mudan ayaa waxay yihiin kuwan:-

Maxa helay aqoonyahankii burco?

Maxa helay halabuurkii burco?

Maxa helay ciyartooydii burco?

 Maxa helay siyaasiigii burco?

 Maxa helay tiijartii burco?

 Maxa heelay geesiggii burco?

 Maxa heelay dhalintii burco?

 Waa su’aalaha ka guuxaya maskaxdayda ama ta qofkasta oo muwaadin reer burco ah kana damqanaya waxa jira  waxaana u wayey jawabta saxda ah ee aan ku qancin laha naftayda iyo ta dadka ila midka ahba.

Burco waxay ku sugantahay xaalad adag dhalintii aqoonyahanka ahayd ee reer burco waxay ku dhamadeen waa badda iyo saxara suudan iyo liibiya u dhexeeya qaar jeelal bay ka buxaan, halka kuwo kalena loo samaystay sariibad lagu iibsado xubnahooda  waxay ka cararayaana waa  shaqo la’aan bahasaan waxa ka jirta qabyalad xad dhaaftay oo gaadhey mustawihii ugu hooseeyey taasoo noqotay mid aan loo dulqaadan karayn,  waxa kaloo ka jirta garawshiinyo la’aan. waxad mooda in ay hogmadoow  ku sii dhacayaan dadkii deganaa .

Waxa keliya ee ay haystaan dadkani ama ay dugsanayaan waa   nabadagelyada taasoo Somaliland oo dhami ku caana maasho o ay burcona kala simantahay.  waxa loo baahanyahay in loo kaco magalda oo laga nadifiyo qabaydald iyo dadka cadwga ah ee ku danaysanaya matada iyo wax magaratada  waxa loo bahanyahay in dadka laga wacyi galiyo dhibatada baahsan ee bedeshey magaaldii  karaamada lahayd mudanayal iyo marwooyin kalaaya aan ka shaqayno horuumarka gobolkeena  iyo kan dadkeenaba e. aynuna adeegsano ereyada wax garadkeena oo ah: Bi’iwaaye xaalsii burco waad u dhalatee,

Waxba yaanu qalinku ila durkine waxaan ku soo afmeerilahaa maqaalkaygan kooban aynu qaadno olole aynu kaga talaalayno dadkeena iyo dalkeenaba erayga qabyaalad.

 

 

By: Sahra Ladan Mohamed Ali

Email: sahraladan22@gmail.com

Burao Somaliland