Hoggaamiyeyaasha Mucaaradku Ha Kordhiyaan..

Qalinkii Muxsin A. Ahmed; Ugu horayn Waxa tixgelin iyo qadarin leh Masuuliyiinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ka socday ee Heshiiska Dhaxal galka ah ka soo hooyay Wada Hadalkii Wajigii Shanaad ee ku qabsoomay Dalka Turkiga, iyada oo ay Dadaal qiimo iyo qaayaba leh ay u galeen Sidii ay Cadawga uga dhicin lahaayeen Shacabkooda oo aynu ogayn inta cisho ee la isku hor fadhiyay Heshiiska iyaga oo ka taxadiraya inay inoo soo hooyaan Guul darro.

Qodobada lagu heshiiyayna ay noqdeen kuwo Dhumucdoda laga dareemi karo Guushooduna ay banaanka Taalay, ta labaadna Warbaahinta Soomaaliya ay aad u qaadaa dhigtay in Libintii Siyaasadeed ay Raacday Somaliland, oo Madaxda Soomaaliya laga dublumaasiyad Sareeyay midda labaadna ay Tanaasulaad aan loo baahnayn Sameeyeen Hogaamiyayaasha Soomaaliya halka Madaxda Soomaaliland ka socotay aanay samayn Wax Tanaasulaad ah isla markaana ay ilaalinayeen Balankii iyo Wadaniyadii Dalkooda.
Aqoonyahanka Dalka ayaa iyo Goobaha internetka ee dadwaynuhu Afkaarta isku dhaafsadaan ayaa iyana aad u soo dhaweeyay isla markaan Falanqaynayay Maxsuulkii Wada hadalada iyada oo la isla gartay inay Guul siyaasadeed u tahay Dalkeenna, oo Garbo Siman oo dunidu wada ogtahay Heshiis Kula saxeexday Dhigooda Soomaaliya, iyada oo Beesha Caalamku Goob joog ka tahay.

Dunidii oo la ashqaraarsan Qaabka Somaliland ay Hawlaheeda Duplomaasiyadeed u fulinayso ee Muda karka ah ayaad Shacabka Meelo kale dhibi ka haysataa oo ayaan darro iyo Rajo Beel ka haystaa Hogaamiyayaasha Axsaabta Mucaaradka ah oo aad Moodo inaanu Wacyigooda Siyaasadeed iyo Doplomaasiyadeed Gaadhsiisnayn Sida ay u Fakiryaan Siyaasiyiinta Somaliland u Matalaya Wada Hadalku,Markaasaad Arkaysaa iyaga oo dad Hortiiba sii go’ay oo Mararka Qaar Saxaafada ka odhanaya Hadii anaga la naga tago, Anaguna dhinacayaga ayaanu Soomaaliya kala hadlaynaa, Arrintan hore oo Muujisay Fashalka Siyaasadeed ee Hogaanka, iyo inaanay Suurta gal ahayn inay Aragti Meel u socota oo siyaasadeed ku hagi karaan Umada sidoo kalena ay Danahooda Shakhsi ka horaysiinayaan Danaha Shacabka ayaa hadana waxa timid Arrin kale oo Muujisay inay yihiin Maasaakiin u baahan Aqoon Duplomaasiyadeed oo durugrsan,Waa Markay Awoodi kari waayeen inay Dhinac u saaraan Eray Bixintii laga Fakiray ee Shanta Cisho la isku hor fadhiyay ee Ereyga “Atrocity” oo ah halka guushu ku jirtay ay iyagu Gaabiskooda u badaleen Halka Guul daradu ku jirtay,Waxana ku sugnaa Xikmad in Waftiga Somaliland isticmaalo Weedhan Sababoo ah Waxay ka Mug balaadhantahay Weedha “Genocide” oo Gudoomiyuhu aanu fahansanayn Macnaheeda Dhabta ah oo noqonaysa in Umad Gooni ah loo xasuuqay cirqi ahaan, Halka Weedha hore ka Mug balaadhantahay ee ay sheegayso in Umad Balaadhan oo Qawmiyado badan isugu jirta La xasuuqay Waxa ka dhalan karaana tahay in Qaramada Midoobay ay ka gar naqdo, Halka Weedha “Genocide” hadii la isticmaalo ay noqonayso in Dawladi Maleeshiyadii la dagaalantay ay u gaysato Xasuuq, waxayna noqonaysaa Arrin ku xidhan Ashkhaasta Gaysatay oo Haddii ay Geeriyoodaan Shakhsiyaadkaasi Arrinkaasi Halkaa ku baaba’ayo.
Arrintani waxay tilmaamaysaa in Masuuliyiinta Axsaabta Siyaasadeed ee Dalkeenu aanay Dunida Eraybixinteeda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Dawladaha Caalamka aanay waxba kala socon, Isla markaanay ay tahay inay isku dayaan inay Aqoontooda Siyaasadeed ee dhinaca Doplomaasiyadda kor u qaadaan waxna ka bartaan aqoonta iyo qaabka xidhiidhka caalamiga ah loo Waajaho loona maareeyo.

Guntii iyo Gabagabadii Waxa Muuqata in Hogaamiyayaasha Axsaabta Mucaaradka Dalkeenu Gacmo Madhan iyo Rajo Beel ka yihiin Xidhiidhka Caalamiyeed ee Dunida, taasi oon qancin doonin dhalinta aqoonta ku hubaysan ee Jaamacadaha ku jirta iyada oo dalku hadda ku jirto Marxalad loo baahanyahay in aqoon fiican loo yeesho Diplomaasiyadda Dunida, ayaa Waxa Muhiim ah inaynu Kalsooni ku qabno Dadka Aqoonta u leh ee Ina Matalaya ee Guulaha aan Duugoobayn ka soo hooyay Halganka loogu jiro Madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Qoraalkani kama turjumayo aragtida iyo rabitaanka Aftahannews, hase-yeeshee, waxa uu gaar u yahay, isla markaana saamayn kasta oo uu leeyahay iyo dhib iyo dheef walba oo maqaalkani leeyahay ka turjumayaa aragtida qoraaga, ee Aftahannews keliya doorkeedu waa baahinta si aynu u dhiirrigelinno qorayaasha iyo fikirka muwaaddinka oo uu dammaanad-qaadayo Dastuurka Somaliland iyo kuwa caalamiga ahiba.
Muxsin A.Ahmed
Sheekha2010@gmail.com
IR&PS Degree in Abaarso tech.