Abkhazia: Daawo Goolkii uu Ciyaar-wanaagga ku qaaday Weeraryahanka Xulka Somaliland Govinda

WEERARYAHANKA SOMALILAND EE GOVINDA GUUSHA UU GAADHAY 2016 (1)

Weeraryahanka xulka qaranka Somaliland ee Maxamuud Cabdi Xasan (Govinda) ee ka qayb-galay tartanka CONIFA 2016 ee shalay lagu soo gabogabeeyey Abkhazia ayaa ku guuleystay abaalmarinta saddex billadood oo qaali ah oo uu ku mutaysatay qaab-ciyaareedkiisa afartii kulan ee xulka Somaliland yeeshay.

WEERARYAHANKA SOMALILAND EE GOVINDA GUUSHA UU GAADHAY 2016 (1)
WEERARYAHANKA SOMALILAND EE GOVINDA GUUSHA UU GAADHAY 2016

Govinda ayaa la siiyey abaalmarinta ciyaartoygii dhaliyey goolkii ugu qurux badnaa tartanka, taas oo loo sii raaciyey in uu ahaa ciyaartoygii ugu wanaagsanaa xulka qaranka Somaliland intii uu tartanku jiray iyo waliba ciyaartoygii loogu jeclaa intii uu tartanku socday ee ay taageereyaashu aadka ula socdeen.

Maxamuud Govinda oo ka mid ah ciyaartooyada ugu wanaagsan ee Somaliland, kana ciyaara afka hore ee weerarka ayaa dhaliyey laba gool intii uu tartankaasi socday, waxaana uu saamayn weyn ku lahaa guushii ay Somaliland gaadhay ciyaartoodii saddexaad iyo bandhig-ciyaareedyadii kala duwanaa ee xulka qaranka Somaliland ee tartankaas ka qayb-galay.

Ciyaartoygan oo ku caan ah in uu xidho lambarka 11, ayaa waxa uu ka mid ahaa afar ciyaartoy oo ka tegay magaalada Hargeysa, kuwaas oo wacdaro ka dhigay tartankaas. Saddexda ciyaartoy ee kale ayaa waxay kala ahaayeen, Guji oo noqday kabtanka xulka Somaliland ee Abkhazia joogay, Guuleed Alves iyo Maxamed-Khadar.

Haddaba, Goolkii ugu quruxda badnaa ee uu Maxamuud-Govinda Dhaliyey iyo sida uu u dhacay, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Xigasho Cadalool.com.