Mulkiila yaasha Shirkadaha Laydhka.. Manaxayaal Dhiig miirtay Muwaadiniinta.

.

 m3

Waxaan salaan sharaf leh u dirayaa dhammaan bulsha waynta reer Somaliland meel kastoo ay joogaan

Salaan kadib bal aynu wax yar shiishka saarno gayigeenna Somaliland iyo Ganac satadda dhulkeenna gaar ahaan kuwa laydhka ka ganac sada ee dhiig miirattada ah iyo dhibaa tooyinka kale ee horumar la`aantu ka midka tahay ee mudadda sadex iyo labaatanka sanadood aynu ku jirno

Mudanayaal iyo Marwooyin muwaadiniinta sharafta, qadarinta iyo qiimaha mudan ee udhashay dal kayga Jamhuuriyadda Somaliland waxaan leeyahay ugu horayn walaalayaal waxaa lagama maar maan ah inaynu is waydiinno waa kuma wadaniga dhabta ahi?Maxaa se ku waajib ah qofka muwaadinka ah ee uu xaq ugu leeyahay wadankiisu?Muxuu se kaga duwan yahay ganac saduhu qofka kalee aan ganac-sadaha ahayn?

Mudanayaal iyo Marwooyin qofka waddaniga ah waxaa lagu kartaa wuxuu geed dheer iyo geed gaaban-ba u fuulaa illaalinta iyo adkaynta Danta guud ee Dadkiisa iyo Dalkiisa waanu ka horay siiyaa Dantiisa gaarka ah isla markaana hoos buu u eegaa wax kastoo dhibaato ku ah dad-kiisa iyo dal-kiisa waanu ka gubtaa lagamana yaabo inuu u adkaysto wax yeeladda waxaanu isku dayaa inuu inta awooddiisa ah kahor tago oo uu wax ka qabto isagoo u tudhaaya dalkiisa iyo dadkiisa gaar ahaanna maatida iyo dadka danyarta ah.

Talabaad qofka muwaadinka ah waxaa ku waajib ah inuu kahor tago wax kastoo waxyeeli kara waddankiisa isagoo aan cidna uga haybaday sanahayn ayuu dhawaaq dheer iyo mid gaabanba ku gudbiyaa fikir kiisa kagana hadlaa wax kasta oo kusoo wajahan dadkiisa iyo dalkiisa ee umuuqda arigiisa isla markaana waxa uu leeyahay hadaf cad iyo himillo muuqatta oo uu hig sanaayo waxaanu xooga saaraa sidii uu u gaadhsiin lahaa dadkiisa iyo dalkiisaba horumar lataaban karo.

Ta sadexaad qofka ganac sadaha ahi wuxuu kaga duwan yahay qofka kale waxaa saaran masuuliyad dheeraad ah waana qofka faa`iido iyo khassaare usoo jiidi kara dalkiisa iyo dadkiisaba waxaana ku qassab ah qofka ganac sadaha ah inuu si gaar ah u ogaado marxalad kasta oo kusoo korodha dadkiisa iyo dalkiisa waana inuu mar walba lasocdaa halkuu xaalku maraayo si loo helo nolol isu dheeli tiran oo dhan walba ah.

Haddaba Mudanayaal iyo Marwooyin qolyaha ka ganacsada shirkadaha laydhku maleeyihiin sifahan aan soo sheegay amma se ma ku qiimayn karnaa ganac sigooda mid sax ah oo sidii loo baahnaa u shaqeeya? Aniga iyo fikir kaygasidaan qabo Shirkadaha laydhku iskaddaa baahi ay daboo leen iyo horumar ay soo kordhiyeene waxay bulshadii ku abuureen baahi cusub wadankiina waxay ku rideen dib udhac wayn oo Tusaale ahaan waynu og nahay walaalayaal inay bulsha deenna inta badani danyar tahay oo aanay awood u lahayn waxa ay wassiiradda iyo ninka ladani awoodaanwaliba maanta oo ay wax yaaba badan oo kamid ah  nolosha bini aadamka aynu og nahay halka ay marayaan oo waliba ninka geeyay uu yahay ganac sade isku sheegaya inuu yahay muwaadin ama nin waddanka kusoo kor dhiyay faa`iido iyo horumar balse runtii HALKAY MAANDEEQ U DHIMATAYBA WAA GANAC SATADEEDII OO MARKAY QAYDHIN KII KU KALA BOOBEEN HILIB KEEDII IYAGOON KARINBA HADDANA KASII RAADINAYA MARAQ AY KA CABBAAN.  Mudanayaal iyo Marwoioyin waxaan qabaa inay sabab uyihiin waxkasta oo hoos udhac iyo dhibaato ah ee dad iyo dalba qof kastaa uu sidiisa u dareemayo inay jiraan sida runta ahna iskaddaawaddaniyad iyo wax u dhaw`e maaha kuwa leh Jiidh damqada iyo Damiir tudha midna oo Wadna hooduba ma yaqaanno galawda waayo waxaa markhaati madoon ah inay shirkadaha laydhku yihiin kuwa dalka iyo dadkaba ku keenay dhibaa tooyin fara badan oo aan loo dul qaadan karin sida Dib udhac, Fool xumado, Qabyaaladda, Dhimasho dad iyo duunyaba, Hurumar la`aan, Shilalka gaadiidka iyo wax yaabo kale oo fara badan oo dhammaan tood`ba khattar inagu keeni kara Haddaan illaahay dag dag inaga qaban ama aanu soo hadayn Subxaanallaah illaahay baynu ka magan galnay mid kastoo inoo soo huwada maro hagoog teeda wax ku hoos jiraan oo mar haybta qabiil inagu kala hayaamiyaa miya iyo mar uu yidhaaho hurumar baan wadaa haddana aan waxba laga arag hittaaqo iyo hadimo mooyee markuu hadaf kiisa gaadhana hiif kiisa layaabo.

Mudanayaal iyo Marwooyin waxaan caqligu qaadan karin oo wax lala yaabo ah qawaaniinta iyo sharciyada ay inoo samaysteen nimanka shirkadaha laydhka iska leh intaan kawar hayo anigu ee waliba wax kahad layaa aanu jirin walaalayaal xagee baa lagu arkay hadday sadex ama afar unit ama wax kayar kugu soo qorto saacaddu oo tusaale ahaan  adoo ka dhoofay aqalkaagii ay saacadduba yara dhaqaaqdo ama aad is ticmaasho wax kayar hal doolar ama la mid ahba waxaad bixinaysaa oo bishii dushaada ah toban doolar 10$ halka shirkadaha qaar ay kaba badan yihiin oo ay ku qasbaan shacabka waxaa ugu yar shan iyo toban doolar 15$ wixii ka bandanna hadal koodaba daa teeda kale walaalayaal nimanka sheeganaya inay yihiin muwaadiniin wanaag inoo soo kor dhiyay bal hay noo sheegaan sharci yadda ay haystaan halka lagaga dhaqmo iyo wadanka ay ka jiraan inay muwaadin u adeeg sanayaan askari ee inta ay xuquuqdii iyo sharcigii dadka iyo dalka meel kaga dhacaan ee ay is ticmaa layaan awood dhaqaale iyagoo sababta ay u hayaanna ay tahay lacag lagu yeeshay qof muwaadin ah oo iska bixin kari waayay oo laga yaabo inay tahay kontan doolar 50$ ama wax lamid ah waxaa iyana wax lala yaabo ah inay shirkadaha laydhku gaar ahaan shirkadda KAAH oo markii aan la macaamilay aan ku arkay dhaqanka noosan ah inay istic- maalaan sharciyad ah in qofku aqalka uu kirada ku dagan yahay ee laga kireeyay hadduu qofkii ka horeeyay eek u jiray lacag la tagay intay doon taba ha ahaatee isaga lagu kanaaxayo oo qaab ku qasbaya inuu bixiyo loosoo marayo oo hanjabaad iyo caga juglayn oo bishii haddaanu dag dag isaga bixin biilkiisa oo toban doolar 10$ iyo wax lamida ah isagoo wax uu ku galab saday aanu garanahaynna ay qasab ku noqonayso inuu iska bixiyo lacagta baadda ah isaga oo dantiisa gaarka ah eegaya oo diidaya geeddiga iyo hawsha.walaalayaal hadaynu eegno dhinac kale bal aynu is way diinnee waa kuma ganac sadaha shirkad laydh leh ee aanay xadhki hiisu wadooyinka magaa looyinka iyo xaafadaha ku hayn fool xumo iyo khattaro aal la qiyaasi karin oo iyagoo waliba wada hool hoolan oo wakhtiga roobabka iyo haday soo dhacaanba wax yeello laxaad leh aanay ugaysan dadka iyo dalkaba? Walaalayaal bal qiyaasoo waxay muwaadiniintu dhisateen daaro iyo fooqyo dhaadheer ee meel walba ka taagan ee ganacsi ama guryo khaas ah isugu jira maxaa ugu wacan dulliga iyo madawga saaran ee loo arki la yahay bilicdii iyo quruxdii ay lahaayeen walaalayaal waynu aragnay wax yeellada iyo khasaaraha ay inagu hayaan ee dhan walba leh xattaa hadday tahay xilli roobaad iyo wakhtiga caadiga ah oo ay dabay luhu soo ridaan xadhka hoodalaydhka ee ku filiqsan marka horaba amar alle mooyee aanay jirin wax kale oosababihii rabbi inoogu tala galay ee aduun yada inaynu adeeg sanno oo hayayba aanay jirin oogalaafta dad muwaadiniin ah kadibna ay halkaa ku waayaannoloshoodii walaalayaal miyaanay masiibo ahayn iyo dhiig miirasho sideediiya oo bulshada waliba danyartii iyo dadkii jilic sanaa jabkoodii ku soo duushay oo aan jiidh damqada iyo xubin naxdaba lahayn oo ka fog waxaan soo sheegay ee lagu tilmaami karo qofka waddaniga ah ee lexejec lada leh balse walaalayaal mudanayaal iyo marwooyin way is muujiyeen inay yihiin dhiig miirattee maxaa loo arki la`yahay

Mudanayaal iyo Marwooyin Muwaadiniin tayda qaaliga ah jeclahay ee ila jecel intaan jec lahay ee ah  inay Jamhuuriyadda Somaliland ka mid noqotto dunida caalamka oo ay wax la qayb sadaan waxaan leeyahay walaalayaal waxaa wax laga xumaado ah waxa ay shirkaha laydhku inagu hayaan ee haddana ay ina leeyihiin waxaanu idiin soo kor dhinnay horumar iyo is badal lagu faano innagoo aragna waxa haysta dalkii iyo dadkii oo og faa`iidada iyo khasaaraha ay soo kor dhiyeen sida uu u kala badan yahay waxaanan qabaa walaalayaal taasi inay tahay inay Caqli geenna caaya yaan oo ay siddii Cawaanka inoola hadlayaan markay ina leeyihiin sidii wadaadaddii loogu maah maahi jiray QANDI AY KU GURTAAN IYO QIIL AY KU BANAYS TAAN LABADABA WAY LEEYIHIIN ay dhinac dhaqaalihii inaga dhammee yeen dhinacna dhibaato ay inoo soo kordhiyeen dhinacna qabyaalad ay inagu beer laxaw sadeen.

Waxaanan dhammaan umadda reer Somaliland gaar ahaan qofkasta oo u naxaya dadka iyo dalka usoo jeedi nayaa mudane iyo marwaba inay naan qablaayad ku taageerin shaqsiga danta gaarka ah watta ee haddana wax yeeladda iyo dhibbaatada inagula dhex jira taasoo runtii aynu wada og nahay maanta inaanay qabyaaladdi wax yeello mooyee wax wanaag ah oo ay inoo soo kor dhinaysaa jirin halkay ina dhigtay iyo siday qayr keen inooga reebtay aynu aragno isla markaana walaalayaal waxaan idinku boorin lahaa inaynu xisaab tanno oo uu qof kastaa gaar isu waydiiyo waxuu kahelay faa`iido iyo khasaare intii uu kusoo dhaqmayay qab yaaladda isaga oo u xisaabinaya naftiisa si daacad nimo leh kuna qiimay-naya xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta dalkiisa hooyo iyo dadkiisa walaalihiiya marxaladda ay marayaan maanta.

Mudanayaal iyo Marwooyin Muwaadiniinta sharafta leh ee qadarinta iyo qaayaha iga mudan ee aan jeclay guntii iyo gaba gabadii waxaan idinku dhaafayaa walaalayaal maanta waxaynu ubaahanahay aragti dheer iyo midnimo shacab oo xoog le iyo isku duubni iyo inaynu meel ugasoo wadajeed sanno danteenna guud isla markaana aynu kahadalno wixii wax yeello iyo dhibaato ah ee inasoo food saara sida arimahan shirkadaha laydhka oo kale ee maanta ninkii dhaqaale yar helayba uu furtay shirkad laydh ee halkii wadaniga lagu ogaa inuu geed dheer iyo geed gaabanba ufuulo ilaalinta iyo ka war haynta dadkiisa iyo dalkiisa ay maanta tartanka ugaleen dadkeennii geed dheer iyo geed gaabanna ufuuleen sidii ay dhaqaale u heli lahaayeen iyadoo aan wax laga naxo ku til maamayo fool xumadda hadhaysay magaa looyinkii ee waliba khatar teeda leh iyo sida ay isu dhaafayaan  xadhkaha laydhka ee aan xejiyaha lahayn iyo qaabka ay ula dhaqmaan muwaadiniinta reer Somaliland gaar ahaanna dadka danyarta ah ee arxan darrada leh ee abaal la`aanta ah ee dhaqan keennii iyo diintii islaam kababaal marsan ee dad iyo dal dumis nimada ah ee qaranimadeenna iyo jiritaankeenna Jamhuuriyadda Somaliland`ba ku ah dhaawaca iyo dhabar jabka culus.

 

Allaa Mahad iska Leh

 

Mustafe Axmed Keyse (Mak)

Oo ah Mulkiilaha shirkadda

Mak Group of Company

Jamhuuriyadda Somaliland