Tacsi Tiiraanyo leh oo ay Bahda Aftahannews dirayaan

TACSI

Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaftirayaasha, Weriyeyaasha, Hawl-wadeennada iyo guud ahaan Shaqaalaha kala duwan ee Warbaahinta Aftahannews/Media meel kasta oo ay dunida ka joogaan, waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan, Qoyska ilma Cismaan Axmed Ciise (ilma Food), Ehelada iyo Qaraabada ay ka baxday ALLAAH ha u naxariistee Marxuumad Nuura Cismaan Axmed Ciise (Food), waxaannu leenahay ALLAAH Marxuumadda Naxariistiisa haka waraabiyo, Qabriga ha u nuuro Jannadii Fardawsana ALLAAH ha geeyo, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna haka siiyo guud ahaan inta ay ka baxday.

Aammiin…..Aammiin…….Aammiin….ALLAAH ha aqbalo Insha ALLAAH. Innaali Laahu wa innaa-ileyhi Raajucuun.

TACSI

Waxaannu sidoo kale Tacsi u diraynaa guud ahaan dadka Qoysaska reer Somaliland iyo kuwa Soomaaliya ee ay Dadkoodu ku dhinteen Doon Masar ka tegtay toddobaadkii hore oo ku degtay Badda u dhaxaysa dalalka Masar iyo Talyaaniga meel Giriigga ku dhaw, dhammaan ALLAAH ha u naxariisto, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna haka siiyo Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo guud ahaan Soomaalida.

Aammiin…..Aammiin…….Aammiin….ALLAAH ha aqbalo Insha ALLAAH.